HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 Wiilkii iyo gabadhii uugu horesay ee ka soo  jeeda beelaha gabooye ayaa ka  qalan jabiyey jaamacada Hargeisa

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 

jamaci: Cabdi xassan


khadra ismacil ali &  M/ kuxigenka somaliland


Abdi iyo saxiibkiis

Ardaydii jaamacada hargeysa

 
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ku beegney 20/08/09 maalin arbaca ah ka qalanjabiyey jaamacada hargeisa University labadii ardey ee uugu horeeyey ka soo jeeda beelaha gabooye.

Xaflad aad u ballaadhan oo si heer qaran ah loo soo agaasimey isla markaana ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Somaliland, gudoomiyaha barlamanka Somaliland, gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye, gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid. Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ganacsatada dalka

Ayaa waxaa lagu qabtay barxada jaamacada hargeisa taas oo ay tirade ardeyda qalanjabineysaa 400   far boqol oo ardey.

Ayaa waxaa guul aad u miisaaman ka soo hooyey madashaas labada ardey ee kala ah Mudane: cabdi axmed mux,ed iyo Marwo: Khadra ismacil cali islamarkaana ka soo jeeda hayb ahaan beelaha gabooye labadan ardey ayaa waxaa ay noqdeen qaar aad u soo jiida dareenka iyo shucuurta beelaha gabooye iyagoo tusaale wacan u ah jiilka danbe ee soo kacaya iyo dhamaan kuwa hadda ku jira jaamacada hargeisa.

Cabdi axmed ayaa waxaa uu takhasuuskiisa jaamacadeed ka dhigay xisaabiye

Dhinaca ay khadra ismaacilna ka dhigtay dhaqaale yahanad

Labadan ardey ayaa waxaa ay noqon doonaan kuwo taariikhda ka gala baal dahab ah haddaba iyadoo ay suuro gal noo noqon weyday inaanu waraysi la yeelano khadra buuqa iyo cidhiidhiga ka jiray jaamacada darteed ayaa waxaanu jaanis u helnay cabdi axmed waxaanan ka wareysaney dareenkiisa iyo sida uu u arko   darajadan maanta la huwiyey?

Waxaanu yidhi cabdi

Aad ayaan dhab ahaantii u faraxasnahay waxaanad dareemi kartaa miisaanka culus ee u fiilay waayo waxaan maanta noqday nin qaran oo martabad u xanbaaray dadkii  waxaana la iga filayaa halgan iyo wax qabad badan oo aan dadkeyga u muujiyo,

Mar waxaan dareemayaa farxad marna waxaan dareemayaa culeys I soo fuuley

Markaan faraxada dareemayo waxaa weeya maanta laakiin markaan culeyska dareemayaa waa bari oo la iiga fadhiyo inaan soo saaro aqoonyahano umada xaqeeda iyo xuquuqdeeda soo dhiciya taasna waxaa ay u baahan tahay fakir aad u ballaadhan iyo dadaal waxaanan Alle ka rajeynayaa inaan xilkaas ka soo baxo,

Dhinaca kale ayaa wax ay labadan ardey dareen saa,id ah ku reebeen bulsha weynta Somaliland iyagoo indhaha dadka aad u soo jiitay waayo hore looguma arag Somaliland arinta  oo kale waxaana lagu darayaa mucjisooyinka Somaliland ka dhacay sanadkan, 

Waxaanu qoraaladayada danbe idiinku soo gudbindoonaa sooyaalka taariikheed ee labadan ardey.

Hargeisa Dulmane office:

Barkhad jama hirsi

midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com