About

About  | Akhri Qoraalkan

Asalaamu Calaykum waraxmatulaah wabarakaatuhu 

Salaan ka dib walalayaal aad iyo aad baanu idiinka mahadcelinaynaa booqashadda aad soo booqateen boggan Dulmane.com.waxaanu jecelnahay inuunu idin faahfaahino ujeedooyinka loo aasaasay Dulmane.

Boggan waxaa la furay July 15, 2005 Magaalada Denver ee gobolka Colorada, waxaan rabaa inaan ka jawaabo su’aalahan caam ka ah oo had iyo jeer ay na soo waydiiyaan akhristayaasha Dulmane.com.

1-      Waa maxay sababta aad u doorateen magacan Dulmane?

Sida lawada ogyahay beelaha la hayb sooco ee soomaaliyeed waxaa lagu hayay dulmi soo jireena oo ilaa iyo hada aan la garanayn sababta keentay,wakhtiguu bilowday, sidoo kale beelaha iyagu lagu tuhmayo inay wax haybsoocaan ilaa hada ma garanayaan sababta ay walaalahooda la diinta,wadanka,afka ah u hayb-soocayaan waxaad in badan maqashaan waa dhaqan aan la garanayn meel uu ka yimid laakin waa inaan siduu yahay u raacnaa hadii kale aabayaashayo ayaanu khilaafaynaa, markaa walaalayaal waaqicaas jira ayaanu u dooranay magacan.  

2-      Waa maxay ujeedadiinu?

Maadaama ay beelaha la haybsoocaa in badan ku dulmanayeen sabab la’aan kuna waayeen xaqii iyo xaquuqdii ay ku lahaayeen wadankoodii hooyo,sidaadaraadeed waxaanu go’aansanay inaanu  dhibtaasi soo jireenka ah wax ka qabano isna fahamsiino bulshada soomaaliyeed ee isku diinta,wadanka,afka ah,wacyi galino dhalinyarada iyo dadka garaadkoodu hooseeyo ee sida dhibta yar looga dhaadhicin karo waxyaabaha aan xaqiiqda ku dhisnayn sida hayb-sooca oo kale, sidoo kale inaanu tirtirno dhaqan xumada jaahiligga ku dhisan ee ay dadka soomaaliyeed caadaysteen dhamaantoodba gaar ahaana haybsooco oo lagula dhaqmo qayb bulshada ka mid ah.  

3-      Dulmigani waa mid ay beesha soomaaliyeed ku soo dhaqmayeen qarniyaal farabadan , markaa adeer wiilashiinan yaryari maxaad ka qaban kartaan dhibkaan ay hada ka hor wax ka qaban waayeen dadkii idninka waawaynaa?

Walalayaal waa run hadalkaasi, laakin waxaanu aragnay in dad badan oo beelaha soomaaliyeed ka mid ahi ay maanta u bislaadeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dulmigan soo jireenka ah waxaana arintan maanta keenay in si dhiirani ah looga wada hadlo:

a-Dagaaladii sokeeye ee wadankeena ka dhacay ka dib , dadka soomaaliyeed waxay u soo baxeen dibadaha waxayna ka heleen aqoon aysan heli lahayn hadii ay wadanka joogi lahaa, waxay fahmeen cunsuriyada rasmiga ahi waxay tahay , waxay arkeen in dadku ay isku yasaan  wax ka duwan kan dhexdooda ka jira oo ku dhisan jahliga  iyo qabyaalada, qofkasta oo soomaali ah oo mar uun wadanka dibada uga baxayna aad iyo aad buu u fahmayaa hadalkayga waayo isaga ayay ku dhacday cunsuriyad uu kala kulmay dadkii uu wadankooda  booqday, islaam ama gaaalo midkuu dooni ha ahaadee.

2- Dadka hayb-sooca lagu hayo oo fahmay in sabab la’aan looga gooyay walaalahooda ay isku dhaqanka,dalka,afka iyo diinta yihin ogaadayna inay arintu tahay sidii ay soomaalidii hore u tiri ( khuukh iyo caruur ayagoon is arag, ayay kala baqaan), arintaasi waxay kentay in dad badan oo beelahan ka mid ahi ay maanta si geesinimo ah u sheegtaan beelaha ay ka soo jeedaan, inbadan waxaad aragteen shirar badan oo ay ka dambeeyeen dad beelahi u dhashay sidii shirkii lagu qabtay Jaamacada Minnisooto ee loogu magac daray “Quudhsigu qiil ma leeyahay” iyo kuwa kale oo badan. Waagii hore waxaa dhici jirey marka qof beelahan ka soo jeeda la waydiiyo Qoladiisa –oo ahayd su’aasha ugu dhibta badnayd ee la waydiiyo qof beelahan ka soo jeeda—in ay sheegan jireen hadba qolayda ay la dagaan si ay isu dhaafiyaan su’aashaas dhibteeda, taasoo mararka qaar u keeni jirtay dhib badan ka dib markuu ogaado qofkii kale inuusan qofkani ahayn qabilka uu sheeganayo, laakin alxamdu lilaah maanta marka aad waydiiso qabiilkiisa ninTumaalo,Mdhibaana,Muuse-dhariyo ah wuxuu si geesinimo leh kuugu sheegayaan qabiilkiisa sida qofka Dhulbahantaha,isaaqa ama qabiilka kale ahiba uu u sheeganayo qabiilkiisa saxda ah (Madax meel la salaaxo oo kal saraysaa ma jirto).

4-      Inkastoo Mujtaca soomaaliyeed waxa ay wax ku qadariyaan ama ay ku qiyaasaan uu yahay qabiilka, hadana mujtaca soomaaliyeed waxaa kor u kacay aqoontooda dhinaca diinta iyo cilmiga kaleba mudadii ka dambaysa wakhtii aynu xornimada ka qaadanay gumaysigii reer yurub, taasina waxay keentay in dad badani ay ka qaylyaan in haybsooco uu yahay dulmi  xaqdaro ku dhisan, laakin ah jiro maanta wakhtigeedii sii dhamaanayo ama dhamadayba daawadeediina lahay loogana baahan yahay culimada,aqoonyahanka,oday dhaqameedada,haweenka iyo dhalinyaraduba intay kafnaan inay iilka ku hubsadaan oo uusan dibdambe u soo noqon.

Kadhex Raadi waxaad dooni