" /> Akademiga dadka laheyb-sooc oo Deeq Raashin ah u Qeybiyey 250 Qoys oo Degan Magaalada Hargeisa | Dulmane.com

Akademiga dadka laheyb-sooc oo Deeq Raashin ah u Qeybiyey 250 Qoys oo Degan Magaalada Hargeisa

Faafin: Dulmane.com: 2 October, Discount viagra drug 2011

raashin
Akademiga dadka laheyb-sooc oo Deeq Raashin ah u Qeybiyey 250 Qoys oo Degan Magaalada Hargeisa  | Akhri Qoraalkan

Qoraallo La Xiriira

  • No Related Post

Akademiga dadka laheyb-sooc oo Deeq Raashin ah u Qeybiyey 250 Qoys oo Degan Magaalada Hargeisa

Raashin isugu jira Bariis, Daqiiq, Sonkor iyo waliba saliid ayaa waxaa saaka subaxdii hore loogu qeybiyey Xarunta dhexe ee Akademiga horumarka iyo waxbarashada dadka laheyb-sooc dadkan oo tiradoodu dhan tahay 250 qoys kuwaas oo isugu jira Agoomo iyo dadka danyarta ah ee degan xaafada daami ee magaalada hargiesa,

deeqdan raashinka ah oo ay qeybintiisa iska laheyd haayada SdwO  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlada, dadweynahay xaafada, Maamulka Akademiga, Guddida horumarinta xaafada, iyo waliba sidoo kale wakiilka Sdwo ee Magaalada hargiesa Mudane: Hassan Waraabe Cade.

waxaa haddaba ugu horeyntii madasha ka hadley G/xigeenka Komishanka xuquuqul Aadamaha Qaranka Somaliland Mudane: Liibaan Ismacil Max,ud kaas oo ka waramay qiimaha ay leedahay waxtarka dadka danyarta ah iyo waliba diinteena islaamka sida ay uuga hadashay, liiban ayaa waxaa uu si gaar ah u amaaney Haayada SdwO oo uu sheegay iney tahay haayad aad iyo aad uugu shaqeysa arimaha samafalka isagoo si gaar ah uugu mahadnaqey Gudoomiyaha Haayada Mudane: Guiled Abdi Sheikh.

dhinaca kale waxaa isaguna madasha ka hadley Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee dawlada hoose Mudane: Khadar Cismaan waxaanu agaasimuhu u mahadnaqey dhamaan dadweynaha xaafada oo uu ku amaaney ilaalinta anshaxa iyo qadarinta dadka wax u keena isagoo kula dardaarmey iney qurba joogta xaafadan daami iyo dadkeedu u diyaargaroobaan dhisida wadada xaafada oo uu sheegay iney dhawaan bilaabeyso dawlada hoose oo la kaashaneysa Akademiga horumarka iyo Waxbarashada dadka laheyb-sooco isagoo ku tilmaamey dhalinyaro geesiyo ah oo dadkooda u kacay kaalin banaaneydna buuxiyey ugu danbeyntiina waxaa uu agaasimuhu mahadnaq u soo jeediyey haayada sdwo iyo xafiiska samafalka madaxtooyada somaliland.

waxaa iyaguna dhinaca kale madasha ka hadlay qaar kamid ah Maao mulka sare ee Akademiga iyo Guddida xaafada waxaaney u mahadcelyeen haayadas sdwo iyo maamulkeeda.

Hassan waraabe cadde oo ah ruug cadaa caan ku ah bahda ciyaaraha somaliland isla markaana ah wakiilka haayada sdwo ayaa waxaa isuguna madasha ka soo jeediyey hadal kooban iyo fariin uu ka siday Gudoomiyaha Haayada sdwo Mudane: Guiled Abdi Sheikh fariinta oo aheyd mid qoraal ah ayaa waxaa uu hassan yidhi: waxaan anigu idin soo gudbinayaa fariin aan ka sido Gudoomiyahaga waxaanay tahay Haayada sdwiio waxaa markasta ka go,an u adeega dadkeeda, Viagra online dalkeeda, iyo diinteeda, waxaanu wallaalayaal markasta diyaar idinla nahay u adeega dadka danyarta ah,

waxaan dhamaan umada islaamka ee caalamka daafaheed joogta ka codsaneynaa iney ka soo qeybqaataan waxtarka dadka tabaaleysan, deeqdanna waxay idinka timid wallaalaha islaamka ah ee jooga dalka france waxaanan leenahay waad ku mahadsan tihiinz

ugu danbeyntiina waxaa hadalka soo xidhay Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Somaliiland Marwo Aamina Max,ud Diiriye waxaaney si gaar ah uugu mahad celisay haayada sdwo, Akademiga ADEM oo xaruntiisa lagu qeybinaayo raashinka iyo sidoo kale dhamaan dadweynaha xaafada daami oo iyagu ah kuwo u bisil kala danbeynta iyo nidaamka.

marwo aamina ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatey waxqabadka xukumada siilaanyo waxaaney ka hadashay deeqda la geeyey dalka somaliya iyadoo ku tilmaamtey arin waajib aheyd oo somaliland ay ka soo baxday.

Marwo aamina ayaa waxa ugu danbeyntii baaq u dirtey dhamaan haayada dalka iyo dibadaba ka shaqeeya iyadoo ka codsatey iney sida haayada sdwo yeeshay oo kale yeelan.

qeybinta raashinkan ayaa waxay ku dhamaatey si deganaansho iyo rabash la,aan ah

 

Madaxa Xafiiska War_baahinta Akademiga

Readers Comments

  1. mashaa allaah mashaa allaah
    dadalka akadimiiga aad iyo aad bu ubadan yahay halka ka wadaa ilahayna gool iyo garab woo idiin siin inshaa allaah

:: :: :: Warka Wajigaa Hore :: :: ::

Recent Comments

Taariikha

October 2014
M T W T F S S
« Oct    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031