" />
Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010
| Abwaan Bacadle oo gabay dheer ka tiriyay beelaha Nasabkooda la dulmiyay (INA AKRAMAKUM CIN DALLAAH ATQAAKUM MA INKIRTEEN.?)
Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo aad uga barateen gabayada iyo shiribyada ka tarjumaya xaaladdaha taagan ee uu dalka Soomaaliya marayo iyo weliba dhacdooyinka kale ee u baahan in laga hadlo ayaa waxa uu gabay dheer ka tiriyay waxa loo yaqaano Nasab dhimanka iyo dadka la liido oo uu ku sifeeyey Abwaanku in aysan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka isla markaana ay tahay caado laga soo minguuriyay Hindida, wuxuuna u dhacayaa sidatan:- Ibliis wuxuu noo laqinay Alliyo Nebina ogoleyn Aqligana aan geli kareyn asal iyo farac laheyn Adduunkana laga aqoon sideebaad ku aqbasheen.? Ma weydnaan islaam aheyn aqliga ku xisaabtamoo Ibliis ha u hiilinina ALLENA yow idiin caroon Walaalahaad aaminteen inay eed weyn galeen Ummaddaney ka xunyihiin qof iyo camal kiisa iyo (INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH, ATQAAKUM WAXAAN AHEYN) oo ay iiga duwanyihiin WALLAAHI inaan la arag BILLAAHI inaaney jirin TALLAAHI inaanan ogeyn Waa iftaro iyo been abuur dadkuna weyska aqbaleen Umuurtaa jaahiligaa Indiyaa laga soo xigtaye Shaqoba kuma laha islaam aqliga ku xisaabtamoo ILLAAHIINANA ka baqa ibliis ha u hiilinina Walaalo islaam ahoon innaba eed geysanoo Iftaro iyo been abuur aan asal iyo farac laheyn In badan geed ugu xiraa ayaan iloleynayaa Inaan istaqlaal u helo INSHA ALLAH idan rabigey Ummadda Soomaaliyeed oday iyo culumaa’udiin Aqoonyahan iyo qoraa indheer garad iyo Abwaan Abukaate iyo madax iyo ururada bulshada Waa inay sidaa aaminaan abuunaa aadam iyo Waxay umul xaawo tiri qofkii gabaygaa arkoo Asmaca amase aqriyoo aan igu taageeronoow Inkaarbaad mudantahaye dibaan ka asqeynayaa If iyo aaqiro ka hoog AIDS iyo Kaankar qaad Indhaha nuurkooda waa ilmiyo arad eber ka joog Adduunka faqiir ahaaw aakhiro jahanamo ku waar ILLAAHEY-baan baryaye INSHA ALLAH wuu aqbali Ilmihii Nebig aadamoo wax aanaan kala aheyn Isku aabiyo hooyo nahay abtiriskeenuna mid yahay Oo aan nala kala aqoon asalkiyo faraca nagu Isleeyahayoon ognahay abuurkayagaa islohoo Wallaan nala kala aqoon odaybaan biyihi nahay Abuunaa aadam iyo umul xaawaa ina dhalay Idina weyla ogtihiin sideebaa loo inkiri Aabaheenbaa qaadi jiroo beerkiisaa laga unkoo Inbadan buu soo dhunkaday udgoonsadayoo uu jeclaa Umul xaawaa dhashoo uurbaan wada jiifanoo Ibnaasbaan wada nuugnayoo udgoonaa hooyo tiri Beerkeedina aan aheyn indheheedey naga jecleyd Dhabteeduna noo aheyd arkaa iyo aqal dugsoon Ilmaheedaan wada aheyn anaga iyo iyaga Wallaaney kala aqoon sidaan hadalkaa u iri Aamina oo iga aqbala haddii iimaan jiroo Aqligu uu saaxi yahay aabaheen iyo hooyadeen Inagama astaahilaan owlaadiinaan fongoray Ihaaneystoon dulmiyay anaa ka awood badnaa Gumeeyoo ilama dhalan haddeey eraygaa maqlaan Aabaheen iyo hooyadeen inkaarbey ridahayaan ALLEY inagu ashtakeyn anugu waa yaabanahay Umuurtaa jaahiligaa miyaad ookeey dhahdeen Soomaaliyeey.? INA AKRAMAKUM CIN DALLAAH ATQAAKUM-NA INKIRTEEN.? Aabaheen iyo hooyadeen owlaadii ay dhaleen Islaam ahoon Gaal aheyn ILLAAHOODANA waxiday Rasuulkoodana adecay Towxiidkooduna ansaxay Arkaanul islaamka iyo Iimaankooduna dhab yahay Afar iyo toban fac waxaan walaalaheey ku eryayaa Ma ogin weyska aqbalnaye ma aha aayado quraan Axaadiis lagama helin Ibliis-baa noo laqinay Ilmihii Nebig aadam iyo umul xaawaan nahoo Aabiyo hooyaa ina dhalay walaalahaan ka ordayaa Wax iin ahoo lagu fongoro oo aan qof iyo camalkii aheyn WALLAAHI inaan la arag anigu waa yaabanahay Walaalahaan ka ordayaa ma waaney islaam aheyn.? Ma abuurkoodaa bedelan ma ILLAAH kaley leeyihiin.? Ma asnaam-bey caabudaan ma waan nebi aadam dhalin.? Ma umul xaawaan anqarin ma faalbaa idinku diray Kuhaanbaad ka aqbasheen oo waxaasaad aaminteen Ma heysiin aayad iyo xadiis iga oodayoo Aniga iyo iyaga aan nikaaxeenu ansaxeyn INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH ATQAAKUM MA INKIRTEEN.? Walaalo islaam ahoon isku aabiyo hooyo nahay Abuurkeenuna mid yahay indhuhu ay labo yihiin Afkeenuna uu hal yahay wejiga aad kala aqoon Ilkuhu ay simanyihiin anfigu uu labo dul yahay Timuhuna anqaas madow foolkuna weysada aqbaloo Wax tin ah aan lagu ogeyn gacmaha aan isaga egnahooy Afar iyo suul wataan adimadayadaa is lohoo Maqaarka yagaa isku eg oo aan cidi kala aqoon Abuurka yagaa islohoo aabiyo hooyaa ina dhalay Ibliis wuxuu noo laqinay miyaan ookeey dhahnaa INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH ATQAAKUM-NA INKIRNAA.? Umuurtaa Jaahiligaa Alliyo Nebi ma ogolee Waxani waa talo ibliis aqoonyahankeena iyo Abwaankiyo culumadiyo indheer-garad keena iyo Ilbaxa kuwa sheegta iyo asxaabul cuquulka yaga Iyo urarada bulshada oday dhaqameedyadiyo Intii iimaanku solay umuurtaa jaahiligaa Sideebaad ku aqbasheen.? Misena uga aamusteen Weliba taariikh ifkiya umadda u meeriseen Iyana weyska aqbaleen aabahaa iyo hooyadaa Owlaadoodii ha fongorin akhaa hilibkii ha cunin Alliyo Nebina ha ka furan aba-weynkii na dhalay Ilmohoodii gun ha ka dhigin aakhiro naartii ha ku gelin Axad uu Nebig aadan dhalay islaam ahoon Gaal aheyn Abuurkeenii horiyo asalka yagii mid yahay Umul xaawana dhashoo uur aan wada jiifanoo Ib naas wada nuugyahoo udgoonaa hooyo tiri Ihaanada lagu fongoray ma ogin weyska aqbalnaye Asal iyo faracna ma leh aqliga ku xisaabtamoo Illaahiinana ka baqoo owlaadii aada dhashoo Illaaheey kugu arzuqay abraar ahoon caasi noqon Wax iin ahoon lagu fongoro inaba aan lagu ogeyn Qofkeebaa oran lahaa intani waa asharaaf Abtiriskeygey wataan iqyaarnimaa lagu ogyahay Oo waa owlaad nasaba kuwona waa uusmadow Isim gunah bey wataan nikaaxuna kuma ansoxo Adigaa dhalay yaan la oran ma aha owlaad nasaba Qofkeebaa oran lahaa.? In hadal kani aafo yahay Hadaad saa u ogtihiin ilmihii aba-weynku dhalay Maxaa loo oranayaa ma ihid owlaad nasaba.? Kanina waa ina suldaan kanina waa inan gumeed Ibliis hadalkiis ahaa labo qofoo islaam ohoon Nikaaxu isugu ansixin nasabkooda ajligii Oo aan mawaaniicdii aheyn nikaax albaabi jiray Indiya uunbaa taqaan (An tachble) iyo islaam LLAAH waa kala suntaday (INA AKRAMAKUM CINDALAAH ATQAAKUM-BUU AQBALAY) dameer la uleynayaa aqligu wuxuu keenayaa inaad ka xanuunsatoo ALLE abaal uga sugtee ma ruux aadami ahoo islaam ahaad leedihiin umadahaad ka xuntihiin ma ahid owlaad nasaba umuurtani waa shirkiye Illaahey u soo noqdoo waxdaaniyada aqbaloo ALLIYO Nebina ha ka furan Akhaa hilkina ha cunin umuurtan kafaaradeedu Waa inaanu isguursanaa wax kaloo ay ku ansaxeyso WALLAAHI inaan la arag ogaalkeedana lahoow Haatana wuxuu Abwaanku tirinayaa shirib Nasabkii nuuxya aadamoo Halnaas wada nuugayaad tihiin Ina akramakum cindallaah Atqaakum xaad u inkirteen.? Asleynkiyo ijmaaciyoo Waxaan athar cilmiya aheyn Ogaadha weyska iftaree Ugu dambeyntiina Abwaan Bacadle wuxuu baaq u jeediyay culumaa’udiinka Salafiyiinta ah oo dadka ka xoreeyey qabyaaladii, qabuuro tuugii, kuhaanadii, iyo shirkiyaadkii isagoo yiri “Waa inay xooga saaraan culimadu dulmiga lagu hayo dadka muslimiinta ah oo la leeyahay ILLAAHEY si xunbuu adiga kuu abuuray anigana si wanaagsabuu ii abuuray, sidaa darteedna isma geyno, arrinkaasna waxaa laga soo minguuriyay Hindida dabka caabuda oo dadkeeda u kala soocda qolo fiican iyo qolo kale oo ay u yaqaanaan lama taabtaan (An tachble). Kala xiriir Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) Mobile: 5595970 Cabdifitaax Aweys (C/fitaax qoslaaye), Nairobi-Kenya. |
Hargeysa, 09-November-06 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Magaalada Hargeysa ay beryihii dambe kasoo ifbaxayeen Dhibaato lagu hayo Dadka lagu sheego in beelahooda laga tirada badan yahay ayaa waxaa iminka dhibaatadii ugu dambeysay ay kasoo ifbaxday Gudaha Magaalada Hargeysa taasi oo aan warbaahinta Maamulka isku magacaabay Somaliland marna soo hadal qaadin. Hadaba Taariikhdu markii ay aheyd 3/11/06 ayaa nin lagu magacaabi jiray Cabdinaasir siciid odawaa dhimbil kana soo jeeda Beelaha Laga tirada badan yahay gaar ahaan beesha muuse dherille degenaana Magaalada Hargeysa kuna lahaa dukaan timaha lagu jaro xaafadda xera awr kaasoo laga qaadi jiray lacag baad ah muddo dheer isagoo mararka qaar u caban jiray hooyadii oo oran jiray hooyo dukaankaan dhib badan ayaa iga heystee dukaanka meeshaan aan ka – wareejino, hooyada oo la yiraahdo sahra aw-cumar ayaa wiilkeeda ku qancin jirtay in aan duruuftu u saamaxayn sababtoo ah iyadoo ay jiraan carruur badan oo agoon ah oo isagu biili jiray, dhibaatooyinka soo gaaray waxaa ka mid ahaa in mar lug laga dhaawacay una sheegay police-ka Somaliland laakiin nasiib darro aan wax loo qaban maadaama uu yahay Dadka lagu tilmaamo looma ooyaan looma aaraan!!!!!!!!!!!!!. waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah inay u yimaadeen nimanki Baadda ka qaadi jiray oo ay waydiisteen lacag baad ah ka dibna uu yiri ma hayo ka dibna lagu yiri haddaad caawaba noolaato waad arki doontaa. wuxuu seexan jiray dukaanka si uu u waardiyeesto hantida yar ee u taal ka dib maxaa dhacay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!? DHACDO NAXDIN LEH : -saqdii dhexe ayaa dukaanka lagu soo jabiyay ka dibna mindi ayaa lala dhacay taasoo qaylidaiisa darisku maqlaayeen isagoo leh war mindida iga daaya, ka dibna kursigi ayay ku xirxireen, hadalada derisku maqleen waxaa ka mid ahaa “haddaad mindida ila dhacdeen maxaad ii xirxiraysaan” ka dibna patrol ayaa lagu shubay dabna waa la qabadsiiyay, taasoo uu caddeeyey dhakhtarki baaray in dabku yahay patrol. intaas waxaa ka sii daran saxaafadda somaliland oo aan soo hadal qaadin dhacdadan iyadoo Radio hargeysa oo ku hadlaya Afka Maamulka Rayaale uu ku yaal meel u muuqata halka lagu gubay marxuum cabdinaasir siciid odawaa dhimbil, dawladuna waxay bilawday inay la xiriirto waalidka marxuumka kuna tiraahdo “waa in arrintaan aan la ogaan haddii aad doonaysid in magdhaw lagu siiyo haddiise saxaafadda ay u gudubto wax xuquuq ah ma lihid”. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. ********
»» Warbixintii Amnesty iyo Jawaabteeda |
| M | T | W | T | F | S | S |
|---|---|---|---|---|---|---|
| « Oct | ||||||
| 1 | 2 | |||||
| 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 |
| 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 |
| 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 |
| 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 |