(Dulmane) Foolatee Maxaa Lafilayaa? (By Qareen Barqad)

Faafin: Dulmane.com: 11 July, 2010

Qareen Barkhad Jama hirsi
(Dulmane) Foolatee Maxaa Lafilayaa? (By Qareen Barqad)  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Foolatee Maxaa Lafilayaa?

Waxaan maanta waxyar rabaa inaan ka xasuusiyo bulsha weynta beelaha laheyb_sooco dareenka xisbiga kulmiye iyo ahmiyada weyn ee uu u hayo dadkeena.
waxaa laga joogaa mudo gaaban kadib markii Siilaanyo oo ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye loo doortey Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intii ololaha doorashadu socdey faqaare kasta iyo fooq kastaba kaga waramayey kaalinta iyo miisaanka ay dadkeenu ku leeyihiin guud ahaan xisbiga gaar ahaan shaqsiyadiisa.
haddaba waxaa inta badan bulshada beelaha laheyb-sooco ee dagan Somaliland isla dhex marayaan su,aalo ay kamid tahay xukumadan hadda dhalatey tii hore miyey inooga nafci fiicnaandoontaa mise way ka mandarro badan doontaa?
 
su,aash jawaabteeda ayaan ilaa haatan lagaba haynin xisbiga kulmiye waxaanu wali ku gudo jiraa sidii uu u soo yegleeli lahaa xukumad tiro yar tayadeeduna wacan tahay.
 
anigoon haddaba ka hadleyn rabitaankeyga shaqsi, diidmadeyda shaqsi, naceybshaheyga, iyo sidoo kale jaceylkeyga, ayaan jeclaystey bal inaan waxyar ka iiftiimiyo aragtida umada laheyb-sooco ee xisbiga kulmiye iyo waxaa la filanaayo.
 
xisbiga kulmiye ayaa waxaa uu meesha ka saarey xantii aheyd xisbigaasi waa neceb yahay dadka laheyb-sooco waxaana taas daliil buuxa u noqdey Buugii xisbiga ee uu kaga hadlaayey barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka uu ku hagi doono taas oo si lixaadle uugu xusay dadka laheyb-sooco waxaaney sababtey inuu xisbigu soo jiito indhaha bulshada laheyb-sooco meelkasta oo ay daafaha dunida ka joogaan,
 
haddaan inyar aan idin xasuusiyo waxaa kamid ahaa qodobka 42aad oo uu xisbigu ku yidhi sida tan:
 
siyaabo fara badan ayaa loo takooraa dadka laheyb_sooco. iyadoo ay uugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale. waxaa laga duudsiyey ka qeybgalka dhaqaale. waxbarasho. iyo siyaasadeed.
Xisbiga kulmiye waxa ka go,an tirtirida nooc kasta oo takoor ah. gaar ahaan. kan ku saleysan haybsooca.
kulmiye wuxuu aqoonsan yahay in dadka laheybsoocaa ay dulman yihiin. sidaas daraadee. waxaa ka go,an inuu dadkaas ka awood siiyo dhinacyada dhaqaalaha. waxbarashada, siyaasada,
kulmiye wuxu aaminsan yahay in awood siinta noocaas ahi muftaax u tahay waxka qabashada takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka macaamilka xun ee lagu hayo bulshada laheybsooco.

Si dadka laheybsooco loogu soo celiyo xurmadoodii bini,aadamnimo iyadoo hoos loogu daadagayo nuxurka dhibaatada, xisbiga kulmiye wuxuu qaadayaa talaabooyinkan soo socda:
 
1:  In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraaseed wakiilnimada siyaasadeed oo heer deegaan iyo mid qaranba leh.
 
2:  In tixgalin loo siiyo dhinaca waxbarashada iyo shaqada dawlada
 
3:  In l meel mariyo siyaasado iyo mashaariic lagula dagaalamayo cudurka bulsho laguna joojinaayo takoorka
haybta ku dhisan xeerar adagna laga soo saaro.
 
4:  In saraakiisha dawlada lagu wacyi_galiyo dacdarada
 beelaha laheybsooco sidaas daraadeed la diwaan galiyo lana baadho xadgudubyada ku xidhiidhsan haybsooca iyo gafafka laga gallo beelaha laheybsooco
 
5:  In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey toobabarida beelaha laheybsooco gaar ahaan taabo galinta xirfadooda shaqo.
 
6:  In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn fudud si kor loogu qaado ganacsiga yaryar ee ay ku hawlan yihiin.
 
ka hor dhici maayo waxaa uu soo wado Madaxweyne Axmed Max,ed Max,ud Siilaanyo laakiin waxaan Alle ka baryayaa iney xukumadiisa si mugleh uuga muuqdaan umada laheyb-sooco haamahooda oo dhan qabiil kaliyana aaney ku koobnaan xukumadiisu balse ay noqoto mid loo wada siman yahay insha Allaah,
 
dhinaca kalena waxaan hambalyeynayaa Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo ahaa halyey dareemay danta umada isla markaana u tafo xaytey sidii dadka laheybsoocaa miisaan uugu yeelan lahaayeen xisbiga kulmiye isaga iyo dhalinyaradii qiimaha badneyd ee la waday hawshana waxaan leeyahay guul,
 
su,aasha aan ku soo gababa gabeynayo ayaa waxaa ay tahay:
 
xisbiga kulmiye guushii waa gaadhey laakiin ma fulindoonaa iney wax badan ka fulaan  balanqaadyadiisaas waxaan uuga tagayaa jawaabta su,aashan akhristayaasha sharafta badan ee webka dulmane
 
Alla Mahad leh
 
Qareen: Barkhad Jama Hirsi
 
Email: Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments

  1. Adoon ale says:

    Reer waqeeyiga waa dadka aad uqabiil jecel
    Iidoorkana waa kan ugu daran ayaga dhexdooda
    Ayaa is heeb sooca laaakiin dadka laheebsooca?
    Ilaahbaaa ugar niqi maalin kale….

  2. xamse says:

    inkasta oo aanan ka mid ahayn beelaha lahayb sooco waxaan aad u jeclay inay xoriyad u helaan waxyaabo badan oo ka xidhan waxaan rajaynayaa in arintaasi ay dhawan soo gabo gaboobi doonto midab takoorkuna uu dhamaandoono waayo waxaan asxaab nahay dad badan oo kamida mana jirto xasaasiyad aan ka qabo waxaanan ka jeclay dad badan oo u haysta inay liitaan

  3. hayaad yusuf says:

    asc wr wb
    salaam qaymo badan ka bacdi
    waxay aniga ila tahay suduu sheegay dr maxamed, in lagu dadaalo awoodana lasaaro sidii dhaqaalaha iyo wax barashadaba loo balaarin lahaa .laguna shaqeeyo isku duubni,wada tashi iyo waliba wada shaqayn.waxay ila tahay markaas waynu ka guulaysanaynaa reerguuraa aaminsan qabiil iyo kala qoqob.wabilaahi towfiiq

  4. maxamud says:

    barkhad walaal waxaa tahay nin hurda
    siilaayo.wuxuu, ahaa ..snm..gudoomiye
    waxuu laayey dad gabooye ah ugu yaraan
    400,boqol ayuu ku dilay gobolada waqooyi
    maantana waxaad ka sugesaah inuu wax kuu
    qabto,aduga markaad noqotit jamhad oo
    dad kabadan 10000.oo isaaq ah,dishid
    markaas waxaad noqonasaah muwaadin
    madaxwene,ama wasiir muwaadin dhulka wax
    laga wediiyo hadii kale halkaas haadku
    heydu cuno ,,saxiib, ninka ,dadka laaye
    somalidu waxay utaqaan geesi cadkiisa
    halkaas leska dhigookok talo bixin

  5. Dr Maxamed says:

    Adeerayaal inta aad iska daaysaan Cuqdada iyo Is-Xaqqiraadka u istaaga inaad ka shaqeysaan Dhaqaale Abuuris, maxaa yeeley Somalidu waa Ummadda Gaajo iyo Harraad haysato.

    Marka aad Dhaqaale iyo Tacliin Heer Caalami ah heshaan maxaad uga baahan tahay Bulsho Reer Guuraa ah oo Biyo iyo Bad iyo Qabiil keliya Caabudaan ?

  6. diidane says:

    dhinaca kalena waxaan hambalyeynayaa Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo ahaa halyey dareemay danta umada isla markaana u tafo xaytey sidii dadka laheybsoocaa miisaan uugu yeelan lahaayeen xisbiga kulmiye isaga iyo dhalinyaradii qiimaha badneyd ee la waday hawshana waxaan leeyahay guul,

  7. diidane says:

    walaalkay barkhad waxaan u sheegayaa inaad kala saarto qofku marka uu baahan yahay iyo markuu dheregsanyahy

    taa waxaan u leeyahay sida aad qoraalkaaga kusoo sheegtey waa waxrun ah oo silaanyo ku soo qortey wax qabadkiisa ku sareysan beelaha la hayb sooco
    hadama maxaa ilaa iyo maalintii ladoortey ka soo ifbaxay qoraaladii wanaagsanaa ee uu codkaaga ku rabay
    hadaba walaal waxaad eegtaa gudida uu u xilsaaray in ay qaabka dawlada ay soo diyaariyaan qaabka ay wax u soo diyaariyeen isaguna uu aqbal;ay

    1 dumarka waa lagu xusay wasaaradaha
    2 naafada waa lagu xusay
    3 barakacayaasha waa lagu xusay iyo qaarkale oo badan
    intaa aan soo sheegay agaasimayaal ayaa loo sameeyey
    marnaba laguma xusin beelaha la hayb sooco
    taasi waxay shaki badan ku abuurtey dad badan oo aan anigu ka mid ahay waxaakale oo muhiim ah in la ogaado gudida uu uduray inay soo diyaariyaan qaabka dawladu noqon doonto eeg gudida qabiil kamaqan qabiilada soomaliland degan ma jiro ilaa beelaha lahab sooco mooyee xataa haweenku waa ka dhex muuqdaan
    markaa waxaan leeyahay waxba yaan la amaanin ee biyadhaciisa hala sugo




Kadhex Raadi waxaad dooni