Hogaanka dhaqanka beelaha gabooye, culimada, aqoonyahanada, safiirkooda, oo shir aad u balladhan ku yeeshay hotel dalxiis ee magaalada hargeysa!

Faafin: Dulmane.com: 3 July, 2010

gudoomiye
Hogaanka dhaqanka beelaha gabooye, culimada, aqoonyahanada, safiirkooda, oo shir aad u balladhan ku yeeshay hotel dalxiis ee magaalada hargeysa!  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Hogaanka dhaqanka beelaha gabooye, culimada, aqoonyahanada, safiirkooda, oo shir aad u balladhan ku yeeshay hotel dalxiis ee magaalada hargeysa!

Waxaa dhawaan ka dhacay hotel dalxiis ee magaalada hargeysa shir aad u ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye, culimada, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo sidoo kale safiirka cusub ee dalka newzealand  Mudane: Cabdi Xassan Buuni   Shirkan ayaa ujeedada uugu weyn ee loo qabtay aheyd sidoo loo dhameyn lahaa xurguf yar oo soo kala dhexgashay hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye.

Hindisa shirkan ayaa waxaa intiisa badan iska lahaa culimada beesha iyo safiirka somaliland u fadhiya dalka newzealand

Sikastaba ha ahaate shirka ayaa waxaa uu ku furmay jawi farxad iyo kalsooni ka muuqato waxaanu xalkaas ka hadlay ugu horeyntiiba boqorka beelaha gabooye boqor: Axmed ugaas iimaan warsame Waxaanu boqorku ka waramay mihiimada ay leedahay midnimada iyo iskuduubnidu

Ugu danbeyntii waxaa uu bartaa uugu mahadceliyey madaxweynaha somaliland daahir riyaale kaahin isagoo ku amaaney tallaabada geesinimada leh ee uu horey iyo imikaba uugu fidiyey beelaha gabooye.

Intaas kadib waxaa isaguna ku xigay oo hadal aad u qiimo badan haddana kooban yidhi suldaan nadiif suldaan sayd oo mahadnaq iyo tahniyad kadib ku tilmaamey culimada beelaha gabooye qaar taariikhda baal kagalay waxaanu suldaanku u mahadceliyey shirka Telsom oo sanad walba uugu deeqday madaariska quba ee beelaha gabooye wax lagu baro lacago

Waxaa sidoo kale hadal kooban isna yidhi aqoonyahan jaamac oo aad u amaaney dawlada somaliland iyo beelaha gabooye.

Liibaan ismaaciil oo isna ah gudoomiyaha ardeyda beelaha gabooye ayaa isaguna mahadnaq madasha uugu soo jeediyey.

Suldaan daakir xassan khaliif ayaa kalmad kooban oo isna yidhi ku baaqay aqoonta iyo isku tanaasulka wada tashiga iyo taageerada loo muujiyo qofka martabad hela ee ka soo jeeda beelaha gabooye.

Ugu danbeyntii waxaa hadalkii madasha lagu soo xidhayey qaatay Ambassador cabdi xassan farax oo hadal aad u qiimo badan u soo jeediyey dhamaan kasoo qeybgalayaashii madasha ee isugu jiray sallaadiinta culimada aqoonyahanada dhalinyarada Waxaanu uugu baaqey wada tashi isku tannaasul iyo kalsooni dhexgasha umada gabooye Waxaanu safiirku dhinaciisa inuu diyaar u yahay waxkasta oo danta umadu ku jirto.

Gabagabadii waxaa bartaa isku madax iyo gacmo qaaday sallaadiintiii ka soo qeybgalay madasha

1: Boqor: axmed iimaan warsame

2: Suldaan: Nadiif suldaan sayd

3: Suldaan : Daakir xassan khaliif

4: Suldaan : IId C/laahi xirsi

Oo ahaa sallaadiinta iyagu soo ajiibey shirka

Barkhad jama hirsi

Dulmane hargiesa Office

Email: Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments

  1. walalayal waxan aad aad ugu farxay suldamada gabooy iyo boqorada walalayl ina kacsha oo wacdi giliy dad oo sikastaba daal.hadal /dhimasho/iyo aan ku dhaqaqno /,kaca/kaca oo toosa dameer dhgis ba ku jira reer gabooya war kaca war kaca war kaca anigu waxan ahay nin madhibaan ah oo reer mudug ah waa// m.horogle wiy oo wiy wiy

  2. maashaaalaah
    waxan halkaan ka salamaya sallaadiinta culimada aqoonyahanada dhalinyarada eyo dhaaman dadki ka soo qeybgaleen hogaanka
    waxann elaahei oo baryaya wada tashi isku tannaasul iyo kalsooni dhexgasha umada gabooye .
    waa bilaahi altawfiiq
    c/raxman axmad shube

  3. Liibaan says:

    salaan kadib: wale inta ad sida tihiin ee inba goon tahay guushiin way maqan tahay, waan arrin soo jiren ah oo ad ka dhaxsheen walidkin, wax idnka maqan garan maysan, waxaad ku kala maqan tihiin garan maysaan, waxaad u hadleysan ma garanaysan in ad iska jirtan oo ad iska amustaan ayaa idin fiican hadad tihiin reer soomaliland.




Kadhex Raadi waxaad dooni