XISBIYADA QARANKA EE KU TARTAMAAYA HOGAANKA DALKA HALKEE BAY DHIGEEN XUQUUQDA KA-QAYB-GALKA SIYAASADEED EE BEELAHA LA HAYB-

Faafin: Dulmane.com: 30 June, 2010

gudoomiso
XISBIYADA QARANKA EE KU TARTAMAAYA HOGAANKA DALKA HALKEE BAY DHIGEEN XUQUUQDA KA-QAYB-GALKA SIYAASADEED EE BEELAHA LA HAYB-  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

XISBIYADA QARANKA EE KU TARTAMAAYA HOGAANKA DALKA HALKEE BAY DHIGEEN XUQUUQDA KA-QAYB-GALKA SIYAASADEED EE BEELAHA LA HAYB-SOOCO

Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa jamhuuriya oo ku saabsan horumarinta xuquuqda dadka la hayb sooco, waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco – Voice of Somaliland Minority women Organization – (VOSOMWO) waxaana maalgelinta ka taageeray Haya’adda NED

Dadaalka ay dadka la hayb soocaa ugu jiraan gaadhitaanka inay dhinac walba ula sinaadaan bulshowaynta Somaliland ee ay ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed waxaa  fure u ah ka qaybgalka siyaaysadda iyo talada dalkooda. Taasi oo gacanta ugu jirta xisbiyada qaranka ee haya ama hogaamiya siyaasaadda dalka,

Iyadoo laga duulaayo xuquuuqda sinaanta dadka ee diinteenna wanaagsan ee islaamka ahi ina farayso, xerraraka dalka ee la jaan qaadaya dimoqraadiyadda iyo xeerarka caalamaiga ah ee xuquuqda aadamaha ayaa waxaa lagama maarmaan ah in xuquuqda dadka la hayb sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geedi socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta.

Si nidaam kasta oo siyaasadeed oo dalkani yeeahaa uu dhab ahaan u noqdo mid dimuqraadi ah isla markaa ilaalinaaya xuquuqda muwadiniinta ka soo jeeda beelaha laga tirade badan yahay ama la hayb sooco, waxa lagama maarmaan ah inay dadka la hayb sooco ay ku jiraan talada dalka oo u oggolaadaan codad iyagu ka tirsan oo qeexa arrimaha iyaga gaarka u ah, xalna loogu helo, taasoo noqonaysa dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan ee laga wada qayb qaadanaayo.

nidaamka khaaska ah ee (Quota) ama kuraasta cayiman ee iyagoo keliya ku tartamayaan, wuxuu wax ka tarayaa ku soo milmidda beelaha la hayb-sooco ee bulshada inteeda kale, wuxuuna aayatiin fiican oo mustaqbaleed siinayaa beelaha la hayb-sooco, marka ay ku dhex jiraan ama qayb ka yihiin hawlqabadyada qaran ee siyaasadeed iyo kuwo bulsheed. Waxay qaybtooda ka helayaan nidaamka xukuumadeed, waxayna awood u helayaan inay wax ku biiriyaan dejinta siyaasadaha horumarineed iyo sharci-samaynta iyagoo bulshada qaybtooda metelaya oo aanay cidkale oo aan baahidooda ogayn aanay uga wakiil noqon karing golayasha talada ee qaranka, Quota laga siiyo golayaasha deegaanada ee heer gobol iyo kuwa qaranka ayaa noqon karta habka ugu fiican ee ay dadkaaa la takaaraa kaga qayb qaadan karaan talda dalkooda waxayna door weyn ka qaadayaan maamulka dalka.

Maqaalkani oo ku jeeda xisbiyada Qaranka ee ku tartamaaya doorashada hogaanka siyaasadeed ee dalkan Somaliland waxaannu u soo jeedinaynaa dhamaantood in la bedelo habdhaqanka bulsho ama siyaaysadeed ee dhiiri-galinaya xaqiradda iyo iska-nebcaanta ku wajahan ama loo qaado dadka la hayb sooco ee ka mid ah muwaadininta Somaliland laguna taageero ka qayb-galka siyaasadda iyo talalda dalkooda si ay uga qayb qaataan horumarka iyo wax soo saarka isla markaas looga faa’iidaysto si quman  xirfadaha iyo wax-garadnimada dadka la hayb-sooco iyo kartidooda guud, taasoo wax weyn ku biirin karta wanaagga iyo horumarka guud ee qarannimadeena.

Xisbiyada qaranka waxaa guud ahaan waajib ku ah si dimoqraadyadda dalka lagu dhisayaa ay bulshada u wada deeqdo si siman inay mhiimad adag siiyaan barnaamijkoodana meel cad kaga dhigaan ee ilaalinta xuquuqda dadka la hayb sooco ama laga tirada badan yahay eek u nool gobol kasta iyo degmo kasta oo Somaliland ka md ah inkasta oo sida aan wada ogsoonahay aanay lahayn deegaan u gaar ahm hadana ma jirto deegaan aanay ka mid hayni.

Muwaadiniinta ka soo jeeda beelaha la hayb-soocaana waxay u baahan yihiin si la mid ahdadka kale xuquuqdooda aasaasiga ah iyo xoriyaddooda inay la wadaagaan Bulshada ay la nool yihiin, taasoo ka-qayb-galkuna yahay xubinta ugu muhiimsan. Dadka la hayb-soocaa, waxay xaq u leeyihiin inay ka mid ahaadaan kana qaybgalaan samaynta iyo hirgelinta siyaasadaha horumarinta dalkooda iyo dhismaha xukuumadda ee markastaba dalka ka jirta.

mahadcelin,

Gud.Nimco Iid Salaan

VOSOMWO Organization

Hargeisa, Somaliland

Readers Comments

  1. omar ismail says:

    waxaa run ah inaan loo sineyn siyaada iyo hogaanka laakiin waxaa xaqiiq ah in baniaadanku simanyahay oo kawada yimid aadaniyo xaawo. waxa kaliya ee lagu kala fadli badnaadaa alle agtii wa cabsida eebe. hadaba int alla taqaan wxey dhowrtaa xuquuqda beelaha laheyb sooco ee arinkaa halagu baraarugo

  2. Liibaan says:

    Salaan kadib: Nimco IId waa runteed waayo marka hore haddii an Beelaha laga badan yahay ama la hayb-sooco qofba sida uu u yaqaan an Siyaasada laga qayb galin wax kale oo la sheega waa been, Siyaasada ayaa ah mida salka u aha dhibaatada Beelaha laga badan yahay, marka haddii run tahay in la jecel yahay in dadku sinaado waa in marka hore Siyaasada loo wada sinaada oo loo arka in Beeluhu yihiin Muwaadinin isla marka xoog iyo muskax ahaan in dalku u bahan yahay oo ay ka qayb qaatan dhismaha iyo horumarka dalka, taas ayaa lagu sinaan kara oo guul lagu gaadhi kara.




Kadhex Raadi waxaad dooni