Faafin: Dulmane.com: 20 June, 2010
Barkhad Oo Loo doortey Dadka uugu waxqabadka badan Sanadka!
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu qabtey Hotel Mansoor ee magaalada hargeisa isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culimada, Ganacsatada, Aqoonyahanada, ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa shahaado sharafyo lagu siiyey shan xubnood oo kala ah Shirkadaha Dahab_Shiil, Telsom, Sheikh Adam Siiro, Adna Aadan, iyo Barkhad jama hirsi waxaana shahaadooyinkan bixinaayey Ururka la idhaahdo
(Somaliland Students Association) oo saldhigiisu yahay dalka malesia.
haddaba ugu horeyntiiba waxaa madasha ka hadley gudoomiyaha ururka mudane: Shaafici waxaanu shaafici ka hadley kasokow taariikhad ururkooda sababaha ay uugu calmadeen shaqsiyaadkan shahaado sharafyadan ay bixinayaan waxaanu shaafici ku sababeeyey iney kadib markii ay daraasado badan sameeyeen garowsadeen iney dadkaasi iyo shirkadahani yihiin kuwa uugu waxqabadka badan xaga arimaha bulshada gaar ahaan arimaha samafalka dadka danyarta ah iyo kuwa dayacan iyo sidoo kale dadka laheyb_sooco.
xafladan oo ay ka hadleen xubno aad u badan oo ay kamid yihiin masuuliyiinta axsaabta qaranka qaarkood ayaa waxaa ay ku soo gaba gabowdey jawi wacan.
ugu danbeyntiina waxaa ay taariikh lama ilaawaan ah u noqotey dhalinyarada Somaliland kadib markii Barkhad oo kamid ah hawl wadeenada Shabakada Dulmane isla markaana ah qareen bartey sharciyada iyo kor u doodida xuquuqda dadka laheyb_sooco la siiyey shaahaado sharaftan,
Barkhad jama hirsi
Hargeisa Dulmane Office
Email: Midgaanyare@hotmail.com
walaal waan kuu hambalyeynayaa waanad mahadsan tahay,
guul sxb Insha Allaah
marka hore waxaan halakn ka salaamayaa walaalkay marna saaxiibkayga qaaliga ah barkhad jaamac hirsi sxb waxaan ku leeyahy hanbalyo hanbalyo run ahaantii sxb waxaad tahy helyeey dhalinyar ah oo ka soo baxay beelaha la hayb sooco ama midgaha midgahaas oo aan aniga qudh ahaantydu aan ka tirsanahy intaa ka dib sxb waxaan kuu rajynayaa guul joogta ah in shaa alaahu waxaan kuu rajynayaa sxb inaad noqoto madaxwynaha soomaliland ee mustaqbalaka waanad noqonysaa in shaa aalaah sxb mar labaad hanbalyo aakhiro iyo aduunba khyr fara badan ayaan kuu rajynayaa salaamu calykum warax matu laahi wa barakaatu
Barkhad waxaan ku leeyahay wallaal wad dadaalkaaga waad gaadhi hamigaage farxad ayaaney i galisay arintan
haa waalei waa runtaa walaal barkhad waa nin qadiyada beelaha gabooye ku dheer tahay
oo u dacad ah
waxaan ku leeyahay wallaal wad dadaalkaaga
waa wax lagu farxo Maashaa Allaah, laakiin waxaa mihiim ah in la hello dhalinyaro barkhad oo kale ah Guul Gabooye insha Allaah.
waad u qalantaa barkhad shahaado iyo wax ka fiican wallaal.
guuleyso insha Allaah
wallee horaan u sheegay inuu ninkani noqon doono hogaamiyaha uugu sareeya beelaha gabooye waayo waa qof karti badan oo da,yar isla markaana ah nin qadiyada beelaha gabooye ku dheer tahay.
waxaanan rajeynayaa inuu mar un noqdo madaxweyne waanu ku socdaa insha Allaah.
waxaan ku leeyahay wallaal wad dadaalkaaga waad gaadhi hamigaage farxad ayaaney i galisay arintan maadaama oo lagula simay shirikaad iyo ashqaakh caan ah,
guul Barkhadow insha Allaah,
wallee horaan u sheegay inuu ninkani noqon doono hogaamiyaha uugu sareeya beelaha gabooye waayo waa qof karti badan oo da,yar isla markaana ah nin qadiyada beelaha gabooye ku dheer tahay.
waxaanan rajeynayaa inuu mar un noqdo madaxweyne waanu ku socdaa insha Allaah.
waxaan ku leeyahay wallaal wad dadaalkaaga waad gaadhi hamigaage farxad ayaaney i galisay arintan maadaama oo lagula simay shirikaad iyo ashqaakh caan ah,
guul Barkhadow insha Allaah,