Madaxweyne Rayaale Oo xafiiskisa ku qaabiley Hogaanka sare ee beelaha gabooye!

Faafin: Dulmane.com: 29 May, 2010

riyaale
Madaxweyne Rayaale Oo xafiiskisa ku qaabiley Hogaanka sare ee beelaha gabooye!  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

(Dulmane) 26/05/2010 Madaxweynaha somaliland Md Daahir rayaale kaahin ayaa xaley xafiiskiisa ku qaabiley hogaanka sare ee beelaha gabooye.
 
haddaba dadka la kulmey madaxweyanaha ayaa waxaa ay iskugu jireen qeybaha kala duwan ee bulsha weynta laheyb_sooco
Boqoradooda,  Sallaadiintooda, Cuqaashooda,  Aqoonyahankooda, iyo sidoo kale dhalinyarada.
 
kulankan ayaa waxaa uu qaatey mudo ku dhaw 3 saacadood kaas oo lagaga wada hadley arimo quseeya danaha umada dayacan ee beelaha gabooye, waxaana ugu horeyntiiba hadalka bilaabey Boqorka guud ee beelaha gabooye Boqor Axmed ugaas iimaan warsame waxaanu boqorku ugu horeyntiiba sallaan qaaliya oo uu wakiil kaga ahaa beelaha gabooye gudoonsiiyey madaxweynaha waxaanu boqorku u sheegay qadiyaha caawa ay rabaan iney kala hadlaan.
 
Hadalka boqorka ayaa waxaa uu ahaa sidan:
 
waxaan Mudane: Madaxweyne kuu sheegaya inaan caawa kaala hadleyno laba qodob oo kala ah mustaqbalka beelaha gabooye iyo waxaa larabey inaad u qabato iyo sidoo kale waxaad u qabatey.
 
horta waxaad tahay Madaxweyne madaxweynihii 1aad ee noo sahla inaan ka dhex muuqano sawirka siyaasadeed ee somaliland kaas oo aad goolaha wasiiradaada noogu dartey xubin sidoo kale waxaad nasiiyey xubin dhawaan aad magacowdey kaas oo ahaa kuxigeenka xuquuqul insaanka qaranka iyo xildhibaan noogu jira goolaha guurtida.
waa wax dhab ahaantii loogu mahadceliyo Alle sw waayo awlba maamaanu haynin intan.
laakin waxaan kaa codsaneynaa inaad beesha Madhibaan siiso wasiir buuxa, beesha anaasiintana aad sidoo kale siiso xaqooda siyaasiga ah, beesha tumaalena sidoo kale.
 
dhinaca kale waxaa isaguna ku xigan oo hadalka qaatey Xildhibanaa Jirde siciid oo madaxweynaha kala hadley arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka dadka danyarta ah,
 
khadar madoobey yare ayaa dhinaciisa isaguna madaxweynaha ka codsadey inuu meel mariyo codsiyadoodaa,
 
ugu danbeytiinaa iyadoo dadka halkaas ka hadley ay badnaayeen kana mid ahaa Abwaan Baarleex Suldaan Ibraahim dacar Suldaan Nadiif Suldaan Iid iyo cuqaal tiro badan ayaa waxaa hadalka galay Madaxweyne Rayaale waxaanu Madaxweynuhu u balan qaadey inuu gawaadhi u iibinaayo dhamaan sallaadinta beelaha gabooye iyo sidoo kale abwaan baarleex diyaarna uula yahay wax walba codsigoodaasna uu filanaayo wasiir madhibaan ahna magacaabi doono sida uugu dhaqso badan,
 
haddaba wixii ka soo baxa ballanqaadyadaa madaxweyanaha waxaad kala soconkartaa dulmane.com
 
Kaqeybgalayaasha Shirkan:
 
1: Xildhibaan Jirde siciid
2: Boqor: Axmed Ugaas iimaan warsame
3: Suldaan Iid C/laahi Xirsi
4: Abwaan C/laahi xirsi Baarleex
5: Suldaan Ibraahim dacar
6: Suldaan Nadiif jibriil Seyd
7: Caaqil cali faarax
8: Caaqil ibraahim cabdi
9: Caaqil daahir cabdi
10: Caaqil jama bade
12: Caaqil Aadam cismaan kadaf
13: Aqoonyahan Khadar madoobe yare
14: Caaqil max,ed cali faahiye
 
Dulmane Hargeisa Office:
 
Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments

  1. Assho says:

    Dadyahow gabooye: iga gudoma sln raxmad iyo dhiidhinimo ku dhehantahay; sln ka dib hore ayaad u seexateene xaqiina qaata, waayo aduunweynaha gaal iyo muslinba lehi waxay ka yaaban yihiin sida aad kumanaan sano afxumo iyo dulmi u ogolaateen.

    wa billahi tawfiiq

  2. asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu
    walaal salaanta ka dib ugu horayn waxaan salaamaya web ka dulmane iyo akhristayaashiisa.
    hadaan u soo noqdo dulucda faaladaydan anigu waxaan qabaa in ay ayadu beeshu isku tashato oo ay wada jirkeeda iyo isku tiirsanaan teedaba ilaa liso oo aanay cidna wax ka sugin abwaan timacade ayaa lahaa magaabada shadaa ka wacam maydhanaan kale allana waxaan ka baryayaa in waxa ay beeshu xaqa u leedahay gaadhsiiyo oo siiyo.

  3. amiira says:

    waxaan marka hore sallaamayaa webka dulmane oo ku hawlan markasta tabinta wararka dadkeena.

    marka xigtana waxaan qabaa inaan dadkeena daahir rayaale loo dhaamin waayo ninka ta yar ku siiya ayaa ta weyna ku siiyaa waad mahadsan tihiin.
    si gaar ahna waxaan u sallaamayaa barkhad shaqaalaha webka ah byeeeeeee

  4. Ali says:

    Waxaan ku raacsanahay ninka qoraaga h ee libaan haldhaa, iyo figradiisaba guul

  5. Dood furen oo ku socota Goni-goni u shirida Beelaha Gabooye

    Waxaa malmahan ugu danbeyey arka oo daremeya arrimo badan oo la is waydiineyo maxay ku danbeyn doonaan? waxay Beelaha Gabooye ku dhaqaaqen shirarka ay yeeleyaan oo gaar-gaar ah waxaana ka dhex muuqda arrimo la odhen kara in ay yihiin waa kuwa dhanki la rabey qayb ahaan u socoda in yihiin, shirarka waxaa dhamaaantood si goni goni ah looga hadley in musteqbelka Beelaha looga arrinsaneyo, waxaa shirarka soo qaban qabiyey si goni goni ah rag aad looga dhex yeqaano Bulshada kuwaas oo la odhen karo dereenka dhibka beeluhu kama maqna, runtiina haddii ay u dhaqaaqan waxay u heli karaan xali dhaxal gal ah, wana mida dalka iyo dibedba la wada sugeyo in mar ay noqoteba iman doonto, laakiin marka ad eegto jawiga ay wax u wadaan iyo xiliga ay ku soo beegen waxaa la odhen kara waa mid an wax sidaas ah an ka duwaneyn oo wax weyn ka bedeleyn taariikhi hore ee soo mareen Beeluhu, taas waxaad ka garan karta waxay xaq u lahayeen oo xili hore indhaha laga qabsadey in la siiyo in xiligan si goni goni ah lagu radiyo hanaan Siyaasadded waa mid waligedba soo dhici jirtey waxa uga soo bixi karana yahay wixii la heli jirey hada ka hor oo taariikh ahaan la garan karo, isla markan qiyaas ahan dadka wada arrimahan sida ay u wadaan marka la eego waxaa la dhihi kara waxay la mid noqon karan in la mid noqodaan hada ka hor dadki jirey iyo fikirkoodi oo la og yahay halka uu dhigey Beelaha Gabooye, runtiina xiligan ah dhibatooyinka aad u adeg ee hor yaala Beelaha oo an ka garan karno isla xiligan jawiga socodka gono-gonida ah ee Beelaha in uu yahay dhaxal xili hore loo dhafey muxsilkeeduna yahay mid iska cad. Hadeba aniga oo akhriyeyasha u deyneya jawaabta waxaay suu’aashu tay in dood furen an ka dhigo Beelaha mar hore iyo iminka Xuquuqda ugu weyn ee ka maqan Beelaha ma waxaa cado u ah in laga dhigo xiliyada Tartan Siyaasadeed jiro in la raadiyo in Siyaasedda laga qayb qaato ama mar kaste in laga hadlo in laga daayo Beelaha hayb sooca? waxaan jeclahay in dooda arrimahan noqon doonto mid aad u fiican, Ishala!

    Ha Guuleste
    Gabooyaw Dhaha!




Kadhex Raadi waxaad dooni