Faafin: Dulmane.com: 20 May, 2010
(Dulmane Online) 17/05/2010 hargiesa waxaa maalinti shaley aheyd hotel hadhwanaag ee magaalada hargeisa ka dhacay shir aad u ballaadhan oo ay iskugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee beelaha madhibaan.
shirkan ayaa waxaa uu ajandihiisi uugu weyni ahaa sidaa beelaha madhibaan aayahooda uuga tashan lahaayeen isla markaana ay u sameyn lahaayeen isku xidh weyn oo ka dhexdhasha beelaha laheybsooc maadaamo oo ay dalka ku soo food leeyihiin doorashooyinkii madaxweynenimada.

haddaba ugu horeyntiiba waxaa shirka furey Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo kamid ah sallaadiinta beelaha madhibaan iyadoo ay ka soo qeyb galeen sallaadiin aad u fara badan aqoonyahano, dhalinyaro, abwaano, suldaanka ayaa waxaa ugu horeynba uu sheegay sida ay mihiimka u tahay in la helo midnimo iyo wata tashi dhaxtaala beelaha madhibaan.
suldanaaka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in laga taliyo aayaha umada madhibaan iyo dhinacyada noloshooda sida:
Tacliinta, Siyaasada, dhaqaale, deegaanka, iwm. iyadoo hadalka suldaanku ahaa mid aad u duluc dheer isla markaana taabanaya xaqaa,iqa ka dhex jira umada madhibaan ayaa waxaa intaas kadib hadalka la wareegey Abwaan Baarleex oo isna si qiimo badan u hadley, tilmaameyna cududa iyo ceynada beelaha madhibaan waxaanu abwaanku xooga saarey sidii beelaha madhibaan xaqooda siyaasiga ah uuga heli lahaayeen dalka,
Suldaan Iid C/laahi Hirsi ayaa isna dhinaciisa dardaaran aad u qurxoon siiyey dhalinyaradii beesha.
Suldaan Nadiif Seyd Jibriil ayaa isna dhanaciisa xooga saarey xaga aqoonta iyo faa,idada ay umada u leedahay,
Dr: Axmed Jama Samater Dr: WHO ayaa isaguna ku nuuxnuuxasdey taariikhada sooyaalka siyaasadeed ee beelaha madhibaan waxaanu dardaaran aad u qiimo badan u direy beelaha madhibaan isagoo hadalkiisa ku soo koobey midnimo iyo wata tashi,
Aqoonyahan: Kamaal daahir cashuur ayaa isaguna aan u yareysan dhalintii shirka timid waxaanu kamaal bartaas abaalmarino ku gudoonsiiyey xubnaha uugu cadcad sallaadiinta beelaha madhibaan.
Aqoonyahano: Salleebaan Xassan Diiiriye, Cabdi Yuusuf, iyo qaar kaloo badan ayaa iyaguna madasha ka hadley
ugu danbeyntii waxaa hadalka soo xidhey Cuqaasha beelaha madhibaan qaar kamid ah sida Caaqil: Max,ed cali faahiye
waxaanu shirkani ku dhamaadey jawi farxad iyo isfahan ka muuqdo. iyadoo loo balamey wiigan soo socda haddii Alle idmo ina mid kan ka ballaadhan la qabto
Dulmane Hargeisa Office:
salaan qiimo leh kadib waxa iga waano ah hadaad doonaysaan in gabooye wax noqdo oo qaybta uu soomaali ku leeyahay meel loo saaro idinma lihi ha la dagaalamo sida soomaalida aan waxba fahmini moodayso nimaan warankaagu galin weedhaana ma gasho oo ah maahmaah cunufku jiro oo aanan moodayn inay sax tahaye waxaan idin leeyahay war midwaloowba waxaad ku dadaashaa bal in waxaad dhashay adiga kaa fiicnaado xag wax barasho xag dhaqaale xag fikir ahaanba oo aad ku barbaarisaa in hadii uu wax iska dhigo oo uu wax barto in uu wax noqondoono hadii kale halkii awoowayaashii uun in uu isna marayo ilaahayna waxaan idiin waydiinayaa tafaraaruq la’aan oo xitaa hadaan laysku qolo ahayn waxaa idin mideeynaysa sida ay soomaali idiin wada haybsoocde’e ilaahay ha idin dareensiiyo tubta toosan wax walood doonaysaana waxaad marka hore ku raadisaa wada hadal iyo wanaag
wa bilaahil qayuum towfiiq
waa guul iyo farxad weyne ha la ducaysto, si sheydanku inooga baxo.
Asa/c waa alleh mahadii hadey isgartiin
inany wadatashadaan illaahay hayna
garab galo dhamaanten Amiin Amiin Amiin
igu soo warceli wallaalle Asa/c
dhamaan waxgaradka dhalinyarada waxaan usoo jeedinaynaa anigoo kuhadlaayo uruka dhalinyarada madhibaan ee canada in aan taageersanahay shirkaas waxaana ilaahay uga baryaynaa sidaan iyo si kafiican amiin gaar ahaan websetka dulmane waxaan habalyo udireynaa dhamaan shaqaalaha kahowlgala aad baad umahadsantihiin sida aad nooga haqabtirteen wararka
BAAQQ TAAGEERO AH
Anaga oo ku hadletna magaca Beelaha Gabooye ee Waqooyi Ameerika ku nool waxaan si cad ugu Baaqeyna in aan tageersanahay shirka ay iskugu yimaadeen dhamaan qaybaha isku haybta ah ee Beelaha reer Sheekh Maxamed [ Madhibe], shirkani waa mid taariikhi ah isla markaan mudo dheer la sugeyey, shirkani waa mid ka farxiyey dhamaan Beelaha Gabooye gaar ahaan reer Sheekh Maxamed [ Madhibe] meel kaste oo aduunka kagaga nool yihiin, waa mid muujineya oo ka turjimeya midnimadda, isku xidhnaanta, iyo cududa dhamaan Beelaha reer Sheekh Maxamed [ Madhibe]. Waxaan kalo tageersanahay ajandeyaasha shirka.
waxaan kalo ku guubabineyna madaax dhaqmeeyada, indheer gartada, wayeelka iyo dhalinyarada lab iyo dhadigba ee Beeshu in ay ka faa’iideystan qaladaadki hada ka hor la soo galey oo Beesha ku ridey khalkhal, jahwareer, iyo kala firdhsanaan mudo dheer Beeshu qabtey, durufaha oo dhamaan salka ku hayay Siyaased an dan u ahayn Beesha jirtankeeda. Waa in wax walba laga hor mariya danta Beesha oo isku duuban isla markaan ay garbka isku hayaan Beelaha kale ee haybta wadgaan, sida reer Sheekh Muse [ Dhiryo], Hawle, Tumaal, Anaas [Yibro], waa in dhamaantoodo isku meel noqodaan oo gartaan sida Soomaali meel kali ah uga dhigtey xili hore iyo iminka. Waa in midnimada iyo isku imaatinku noqon xiliyada Siyaasadu xawli leedahay oo kali ah oo an dan gaar ah lagu fushan Beelaha Guud ahaan. Waxaan kalo ku guubaabineyna Beelaha Gabooye in si cad uga hor taagan wax kaste oo magac iyo midnimada wax u dhimeya, gaar ahaan taariikhikha, magaacda, iyo suugaanta beenta ah ee xiliyadi hore laga sameeyey.
Kama danbeynti waxaan Baaqan taagerada iyo guubabada xanbaarsen u soo gubineyna anago ku hadleyna magac Beelaha Gabooye ee waqooyi Ameerika inti soo ababushey shirka nocan ah, inti ka soo qayb gashey, inti tagertey, iyo inta jecel , gaar ahaan raga ay ka mid yihiin :
*Suldaan Dakir Xasan
*Caqil Maxamed Cali
*Dr. Axmed Jamac,
*Abwaan Baar Leex
*Suldaan Iid C/lahi
*Suldaan Nadiif
*Salleebaan Xasan
*Kamaal Dahir in ay ku guuleystan hadefka iyo ujeededa shirka, ISHALLA!
HA GUULEYSTE
GABOOYAW DHAHA!