Suldaan Daakir Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Siilaanyo!

Faafin: Dulmane.com: 1 May, 2010

2.suldaan daakir iyo g.axmed siilaanyo
Suldaan Daakir Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Siilaanyo!  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Suldaan Daakir Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Siilaanyo!

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey isla markaana lagu qabtey hote maansoor ee magaalada hargeisa laguna soo bandhigayey barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye doorashada madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo cadadka ka soo qeybgalayaashu ahaayeen ku dhawaad 700 oo qof.

Xafladan ayaa waxaa ugu horeyntiiba ka hadley gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mudane: Axmed Siilaanyo waxaanu ka soo sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee xisbigiisa waxaanu sidoo kale soo bandhigey shaxdiisa siyaasadeed ee xisbiga.

Dhinaca kale ayaa waxaa xafladan wehelinayey shahaado aad u heer sareysa oo Suldaan Daakir Xassan khalif gudoonsiiyey Siilaanyo.

Shahaadadan ayaa waxaa ay aheyd mid aad u soo jiidatey dhamaan ka soo qeybgalayaashii xaflada iyadoo suldaanku ku sababeeyey gudoonsiinta shahaadadan balanqaadka xisbiga kulmiye u sameeyey beelaha la heybsooco isla markaana gudoomiyuhu ka xusey madasha iyo waxa ay ka mudan yihiin beelaha laheybsooc.

Xidhiidh aad u qiimo badan ayaa waxaa uu ka dhexeeya xisbiga kulmiye iyo sudlaan daakir xassan khaliif oo ah sudlaanka sallaadiinta beelaha laheybsooco.

Suldaan daakir oo saxaafadu wax ka weydiisey sababta uu shahaadadan u bixiyey ayaa waxaa ku gaabsadey oo kaliya anagu cid walba oo umadayada wax u ogal shahaado daayo wax walba waanu u hureynaa.

Haddaba waxaanu idin soo gudbin doonaa insha Allaah wareysi aanu la yeelaney sudlaanka sallaadiinta beelaha gabooye Suldaan Daakir Xassan Khaliif.

Hargiesa Dulmane Office:

Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments

  1. JAMAL says:

    WELL DONE SULDAN DAAKIR AHD MUJ AHMED SIILANYO




Kadhex Raadi waxaad dooni