Rayiisle Dood badan dhaliyey oo laga furay Hargeisa!

Faafin: Dulmane.com: 10 April, 2010

nuuriye
Rayiisle Dood badan dhaliyey oo laga furay Hargeisa!

  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Rayiisle Dood badan dhaliyey oo laga furay Hargeisa!
kasokow horumarka iyo ilbaxnimada kolba la yaanqada sanadkeeda ayaa waxaa dhawaanahan danbe aad moodaa iney bulshadu ka soo bislaaneyso waxyaabihii manfaca lahaa ee dhaqanka somaliyeed dhidibka u dhigey.
waxaa marag madoon ah iney dadka qaar ku dhiiradaan iney shaqeystaan laakiin ay hortaalo caqab aaney gees u dhaafi kareynin taas oo marka qofku isku dayo inuu shalinkii uu ku dabari lahaa nolol maalimeedkiisa la soo boxo kalana soo baxo gacantiisa iyadoo uu qofkaasi qabanayo shaqoonyinka dunida uugu qiimaha iyo qaayaha badan sida Timo Xiirsita, Kabo tolista, Sameynta maacuunta, oo dhamaantoodba ah waxyaabo door mihiim ah uugu fadhiya nolosha ayaa waxaa qofkaas ku dhacay cadaadis aan caqli ku fadhiyin iyadoo lagu qancinayo oo kaliya waxaad meel kaga dhacday sharaftii reerka.

haddaba waxaa waxaas oo dhan liqey dariiqna ku ridey dhalinyaro haween ah oo ka soo jeeda bulshada waxaas ku dhaqanta kuwaas oo magaalada hargeisa ka furtey rayiisle casri ah oo lagu magacaabo Nuuriye.

rayiiskan ayaa waxaa uu dood aad u balaadhan ka dhex dhaliyey bulshada magaalada hargesa dhinaca ay qaar leeyihiin waar waa sax iyo arin raganimo leh oo loo baahnaa in la horumariyo xirfadan.

ayaa kuwa kalana qabaan mid taas ka soo horjeeda oo ah waxey ku ciyaareen sharaftii reerka oo waxay faraha la galeen shaqo midgaan.

arintan ayaa waxaa ay noqotey mid xiiso gaar ah ku reebta bulshada iyadoo majlisyada magaalada uugu waaweyn ee la iskugu yimaadana lagu hadal hayo arintan.

haddaba su,aasha is weydiinta leh ayaa waxaa ay tahay ma xaaraanbaa in laga shaqeysto rayiis oo la keeno wax umada iyo dalkaba manfac u leh?

hargeisa Dulmane Office:

Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments

  1. Sallaan kadib: waxaa nasib daro ah qofka maanta xiligan jooga ee shaqo uu u bahan yahay wax kale ka dhigey oo hadii u qabto oo uu ka shaqeysto u arka qaled, waxaan anigu qaba wuxuu yahay oo an ku tilmaamo garan mayo in lagu daydo oo lala si wadana waa qaled, waayo hadii tiisa la sii wadwado oo wakhti la isaga lumiyo taas macnehedu waxay noqoneysa in hadalkisi macno la’aanta aha in lagu habsaamo, marka qofka oo kale waxaa ka baden inta sida saxda ah u fikirta ee dalka iyo dibeda joogta ee garaneysa macnaha, “SHAQO”; wax ay tahay, iyo heererka ay soo martey, waxaana hubaal ah in tartiib looga gudbi doono caqabadaha hor yaala “SHAQADA”.

  2. Cabdiweli qasim says:

    Alle ayey mahad u sugnaatay naga dhaliyay beel Islaamnimo ku abtirsato,khaladaad iyo jahli fara badan ha ku jiree.Midda kale xirfadaha somalida ay isku liido wadamada noloshan soke ee adduun ugu horeeya way ka ilaaliyaan in ay gaarto wadamada aan yeelan xirfadaas weli.Ra’iis laha hargeysa marka hore hadduu u gaar yahay haweenka ayna sharciga Islaamka waafajiyaa kheyr,bsl dumar iney rag u xiiraan waa waajib in qofkii awooda inuu hor istago af iyo adinba kaan awoodina inuu uurka ka naco,taas oo ah imaan kan ugu tabar yar.Alle xaqa ha nagu sugo.




Kadhex Raadi waxaad dooni