Faafin: Dulmane.com: 3 April, 2010
Sarkaal Mareykan ah oo la shiray hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye!
Sarkaal ka tirsan haayad dhinaca shuruucda caalamiga ah ka shaqeysa oo magaceeda la idhaahdo Public International law and policy group loona soo gaabiyo (PILPG) oo fadhigeedu yahay dalka mareykanka isla markaan dhinaca sharci dajeinta ka caawisa goolayayaasha Somaliland ayaa waxaa uu shir albaabadu u xidhan yihiin la qaatey
hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye shirkan ayaa waxaa qaban qaabintiisa iska lahaa xildhibaan jirde siciid oo ka tisan goolaha guurtida somaliland isla markaana ah xubinta kaliya ee beelaha gabooye uugu jirta labada goole ee guurtida iyo barlamanka.
shirkan ayaa waxaa uu ka dhacay Hotel xarad ee magaalada hargeisa waxaana ugu horeyntiiba hadalka furey xildhibaan jirde isagoo u mahad ceilyey dhamaan ka soo qeybgalayaashii shirkan dhinaca kalena kula dardaarmey iney ka faa ideystaan shirkan.
xildhibaanka kadib waxaa isna hadlka qaatey sarkaalkan oo magaciisu la idhaahdo Casey Kuhlman waxaanu shaaca ka qaadey inuu diyaar u yahay wax la qabadka beelaha gabooye meel kasta oo ay joogaan waxaanu u balan qaadey iney haayadiisu waxbadan la qaban doonto isagoo carabka ku adkeeyey isku duubnimada beelaha gabooye iney dhalin karto soo dhicinta xaqooda kaga maqan umada kale.
Boqor axmed ugaas iimaan warsame oo ku hadlayey afka salllaadiinta ama hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye ayaa isna dhinaciisa ka sheegay iney maanta umada gabooye diyaar u yihiin iney xaqooda siyaasiga ah iyo kooda kaleba soo dhacdsadaan waxaanu boqorku balan qaadey iney meelkastaba ka ridayaan qadiyada beelaha gabooye.
ugu danbeyntii kulankan ayaa waxaa uu ku dhamaadey jawi aad u qiimo badan iyo is afgarad.
Hargeisa Dulmane Office:
Barkhad jama hirsi
Email: Midgaanyare@hotmail.com
Sallaan kadib: kulanka ay la yeeshen Madaax-dhaqameeyadda Beelaha Gabooye ee Soomaalilaandhi Sarkaal ka tirsan haayad dhinaca shuruucda caalamiga ah ka shaqeysa oo magaceeda la idhaahdo Public International law and policy group loona soo gaabiyo (PILPG)waxa ujeedadisu ahayd ila hada wali lama hayo, wixii laga sheegana waa male. Balse waxaan ognahay inti ka danbeysey burburki Dawladi soomaaliya warbiximo badan ayaa laga diyaariyey Beelaha Gabooye meel kaste oo ay degan yihiin, ha ugu horeeyaan Soomaalilaandhi, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,Puntland iyo Soomaaliya, warbiximahaasi dhamaan waxay salka ku hayeen sheekooyinki beenta ku salaysna ee Beelaha Gabooye mar hore shaqsiyaad indho la’a oo iqdi Qabil muskaxda ka nafeeyey ka sameeyeen, sheekooyinka oo manta soomaalidu inta badan ka dhigto Kiisas dibad lagu aado ama la isku dhiibo, waxaanse rejeyneya in kulankani warbixinta ka soo baxda noqoto mid wax ku ool leh oo taabaneysa sida Beelaha looga qadiyey ka qayb galka Siyaaseda wadamada dhamaan ay degan yihiin ee Geeska Afrika, Ishala!
Ha Guuleyste
Gabooyaw Dhaha!
waxan ka codsanaya United Nationka sida ay somalidu degaan u leyihiin degaan ayaan rabna, iyo sidii aan xuquqdayada iyo karamadayada uu ninka caddi ku ciyaray ula soo ceshan lahayn. Gaboyahana waxan leyahay manta waqtiga hayskaga ciyarina ee hurdada iyo gumeysiga ka kaca.
S iyo Amano Allah
maraykan intuu isku dilay walaalahay Daaroos,Hawiye,Isaaq Iyo dhamaan soomali oo dhan ayuu rabaa gabooye inuu kudiro kuwa kale , ninka lagu magcaabo Mr Casey Kuhlman adeer nadaa waxba anaga nooma tihide, walaalkay gabooyow ha nacasoobin , ninkii qayrkii loo xiirayow adiguna soo qoyso.
maansha alaah
waa inaan inagu xaqeena doonanaa
oo aan hore u soconaa
maansha alaah
Haddaan joogo shirkan waxaan ka codsan lahaa Mr Casey Kuhlman inuu noo weyneeyo kabo sameynta iyo gawaadhi iyo maraakiib sameynta oo aanu u dhoofino caalamka inta aan ka aheyn soomaliya markaa wax walba way samaysanayaan oo gaajada ayaa ka bi’idoonta.
elaahii mahade wiyaan mantaa oo marekan eno hadlayoo ee hala ga kacoo fadhiigaa gabooyoow oo wax qabsada oo wax is taraa mantaa
waa bilaahii altawfiiq