Faafin: Dulmane.com: 9 March, 2010
Arin go’aan doonaysa doodgarangar ma,bogsiiso?
Aringo’aan ubaahan dood garaangar mabogsiiso?
maah maahdan murtideedu waxay kutaaranaysaa
xaajada laga dooda hadii aan go’aan laga gaadhin garangar ugarowshiimo xal uma noqdo uurxumo iyo murug un bay taarataa dadkay saamaynayso arintaasi waxaana layidhi (biiq caruuri qabatay isna waa ku quurgooyo iyana waa laciyaar.) hadaba arintaa dooda aan go’aanka aan lahayni waxaa ay wer wer iyo walaac ku haysaa dadka Midgomaalka ah. oo arintooda looga hadlo si ay hagrasho ku jirto. Haday tahay doodahaa xaajodooda lagaga hadlaayo iyo arintooda oo si danbabasa loogu tagrifalo. Siday kutaabo gali lahaydna aan looga hadal wali. In kasta oo quudhsigu qiil maleeyahay in badan lagaga dooday go’aan wax ku olaana aan laga aadhin.Sidoo kale ayadoo lagaga dooday( Midgomaal Duudsiga gaadhay ma,garbaa mise waa gaf).sidoo kalana inbadana lagaga hadlay doodo badan oo dalka iyo dibadiisaba. Wali lagaba gaadhin ujeedadii looga danlahaa. sababtoo ah siday ku hirgali lahayd oo laseegan yahay sida runta ahna waxa layidhi (milile guudkii lama dhayo). bogsan maayo nabarkaa la,dawaynayaa hadaan qolafts lagaqaadin dheecankana laga sii daynin kadibna aan la,dawaynin.Hadabada si arintaasi loogu maaro helo in kuwa loo doodayaa lawaydiiyo dantooda. Iyo siday tabaalaa kaga baxayaan sidii horayba loo yidhi (Tows ninlaa u galgasha tolna waa u irkiyaa.)
Hadaba sida kali ah ee lagu dawayn karaa waa iyadoo kuwa wax tabanaya iyo kuwa wax laga tabnayaaba wada jir uga tashadaan. Siday xal waara uga wada gaadhi lahaayeen go’aan kadibna xeer taaba gala looga gaadhi lahaa Si ay arintii u hirgasho darteed. Hadaba sida ugu haboon ee suurta galinaysaa. Waa iyada oo si hagar la’aan ah wax looga qabto sidaa oo ah gole lays kugu yimaado oo lagu garamo. Mudici iyo madaacalayna doodaan. Kadibna gar hele la,xaal mariyo. kii laga helaana gardaradiisa loo sheego. Gudiga xeegbeertiga ihina go’aan kasoo saarto Dhaxal gal ah oo hadeed lagu dhaqmo (garina laba nin kama wada qosliso)
Hadii midgomaal waxa lagu sheegayaana ku cadaato. Waa kii gar qaata ee ku qanca. Kii waxaanu ahayn ku sheegayaana hadii u ku waayo waa inuu xaal mariyaa . Hadaba mudicigu waa Midgomaal mudacalayguna waa soomaalida oo dayrisay dadkaa lagudboon gees kasta oo laga eego. Soomaalay hala qaado gartaa dulmiga ah ee loo geestay dadkaa midgomaalka ah .
Waana sida kali ah eey arintaasi ku dabar go’ayso hadii dar Alle iyo daacad looga yahay.
Qore Caaqil Cali Yaabarak warsame
Salaan kadib: anigu sida an u arko arrimaha qarkood sida looga hadlo waa qaled, waayo waa marka hore dad haybtooda Midgo la yirado ma jiraan, oo soomaali reer walba wuxuu leyahay hayb, taas fuliteeda sida qaba’ilka kale ayaa ah mid wax ku ool ah xiligan, laakiin marka taas laga hadho oo meel kale laga bus kiciyo ayay wax kale imaneya, dadki taas yeeli laha oo haybtooda ku adkaan laha waxaa lagu mashquliyey arrimo dad gaar ah oo Qaloocan ay wataan oo uga dan leeyihiin in waxay wataan ka dhigaan wax jira in uu yahay sida:
Midgo
quudhsigu qiil maleeyahay
habsooc
Dulmi
Haddii meesha dhibi jirto waa marka hore waa kan dhibka sheegtey in uu ku fikiro sidi uu uga bixi laha dhibka oo waa in marka hore arka halka dhibku ka haysto dabadeed dayaa waxa dhibka u keeneya,oo wax kale on dhib lahayn raadseda, laakiin marnaba lagama yaabo xiligan sida dadka qarki u fikireyaan in ay dhacdo ila la helo isbedel ku yimaada dadka sheegtey in ay dulman yihiin in isbedl yimaado, Caaqil Cali Yabaarak wuxuu ka mid yahay dadki ka talin laha sidi looga bixi laha dhibaatada, laakiin aniga sida ay ila tahay isaga iyo kuwa kale oo badan kama sugeyn waxayaabaha qarkood isla marka in runta laga leexdo oo meelo kale oo xali u noqoneyn Ummadd lagu meereysto waa markhti u noqosho dadka “Qaloocan”, run marka loo hadlo dhibaato waxaa ka bixi kara qofka ay hayso ee runta hoos haloogu dago oo marka hore dadka dhiban ha gartaan sida looga bixi karo dhibaato.