Faafin: Dulmane.com: 6 March, 2010
Ururka Quba oo Madarasadii 5aad iyo Masaajidkeedi ka hirgaliyey xaafada Daami!
Ururka quba oo kamid ah ururada ka shaqeeya arimaha waxbarashada iyo samafalka ayaa waxaa uu ka hirgaliyey xaafada daami ee magaalada hargeisa Madarasadii 5aad iyo masaajikeedi.
Dhismaha madarasada iyo masaajidka ayaa waxaa ka qeyb qaadatey haayada Alhuda oo saldhigeedu yahay magaalada hargeisa.
Tallaabadan ayaa waxa ay ku soo beegantey wakhti ay danyarta xaafadu baahi badan u qabto waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ah
Maamulaha guud ee madaariska quba mudane: Najax xussein xariir oo u warameyey webka Dulmane ayaa waxa uu sheegay sida ay mihiimka u tahay in laga dhiso bulshada dhinaca waxbarashada iyadoobuu yidhi horeyna aanu xooga u saarney dadka danyarta ah sidii ay uuga faa,ideysan lahaayeen waxbarashadan ka socota xaafada daami.
Sidoo kale najax waxaa uu sheegay iney dhamaan bilaash yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan cadadka ardeyda dhigatana uu ku tilmaaamey 1000 ardey.
Waxaa dhinaca kalena dareenkooda cabiraad ka bixiyey deegaanka xaafada oo sheegay iney arintani tahay mid horey loogu baahnaa oo soo daahdey laakiin imikaba ay tahay wax Alle loogu mahadnaqo.
Ururka quba ayaa ah mid heegan dheeraad ah uugu jira sidii loo tirtiri lahaa jahliga ku habsadey beelaha gabooye iyo sidii loo helilahaa jiil ka xoroobey takoorka iyo tacadiyada horey uula kulmey inta badan dadka gabooyahay.
Dulmane Hargeisa Office:
Barkhad jama Hirsi
Email: Midgaanyare@hotmail.com