Faafin: Dulmane.com: 4 March, 2010
Waxaa cad oo marag madoona in cadawgeenu hadaynu nahay beesha gabooye uu inaga soo weeraray jiha kasta tab iyo xeeladkasta oo uu heli karayayna inoo adeegsaday. dhaqaale, hub,af iyo adinba mar walbana uu isugu geeyo sidii uu inoo wax yeelaynlahaa, waxaad se moodaa in dadka sidaa loogu tashaday ayna laba soconba shirqoolka loo maleegayo ,oo ay halkii ay ahayd inay is difaacaan kadoor bideen inay dhexdooda kala dhamaan waayaan oo ay iyagu isku mashquulaan ninka walaalkii ahna kajeclaado nin cadowa isagoo run moodaya amaan inta uu joogo la amaanayo marka muuqiisa lawaayana
waa midgaankii laleeyahay , maanso somaliyeed ayaa leh
ORGIGII LANAAXSHEE
ADHI RAACDO DHAQATEE
KU ASQAYSAY HEESTEE
AMAAN UJEEDALE
AAMINE RUN MOODEE
DHAAARTII LAGAWRACAY
IS OGAADAYBAAD TAHAY
sida ay maansadu tilmaamayso waa dhab ninkastoo udhaga nuglaada amaanta nin shisheeya ah uu lamid yahay orgigaa maalintii lagawracay is ogaaday oo uu goor lagawracay oo ay xeedho iyo fandhaal kal dhaceen uu baraarugi doono.
horaantii sanadkan waxaa laysku dayay siloo baabiyo jiritaanka beesha gabooye iyadoon qori caradii la istic maalayn in beel kamida beelaha gabooye layidhaahdo waxaad tihiin isaaq si ay taasi wado ugu noqoto kala daadasho kutimaada beesha. si,ay taas ugaadhaan xeeladaha ay isticmaalayeen waxaa kamid ahaa inay beeshii gabooye ee ay dhalashada iyo dhiigu uu midaynayay ay yidhaahdaan gabooye dad wada dhashay maahee waa dalad midaysay dad kala dhalasho ah taasoo ay kusoo qorayeen bogoga hore ee website dada ayleeyihiin iyagoo adeegsanaya shakhsiyaad katirsan beesha oo aan fahansanyba meel wax maryaan.
waxa kale oo aynu arkaynaa bishan guda heeda in general maxamed cali samater oo ah ninkii somali ka hor istaagay in ay ethiopia qabsato dhiigisa iyo naftiisana u horay xornimo somaliyeed lagu ashkataynayo dalka maraykanka iyadoo lagu marmarsiyoonayo dadbuu laayay iyo wax lamida, mar lawaydiiyay raga dacwadan ku haysta cali samter in dadkii dawlada kula jiray cali samater ay qaar kood joogaan hargaysa inay iyagana dacwaynayaan waxay si cad bbc ugu sheegeen inay iska cafiyeen iyaga oo anay waxba uhaysan, dabcan way cadahy waxa uu cafiskaasi yahay max suulkiisuna waa isku tolbaanu nahay,
hadaba waxaan filayaa qofkasta oo caqli leh in labadaa arimood ee aynu kor kusoo sheegnay ay daliil cad u tahay in dagaal laynagula jiro , oo jiritaankeena aan la ogolayn , layskuna dayayo in layna tirtiro oo hadii barigii hore xabad iyo waran laynoola imanjiray maanta ay tahay dagaal kaxun kaxabada, hadii laga dhiidhiyi waayo oo meel looga soo wada jeedsan waayana ay iman doonto in lawaayo qof sheegta magaca gabooye oo aynu kudambayno qof sheegta cida uu layaalo iyo mid noloshiisa inta kahadhay qurbaha kuqaata. si tan aynu uga bad baadno qof walba waxaa kuwaajiba mid qalin kudagaalam mid afkudagaalama iyo midqori qataba by any means necessery inaynu kubaraarugno khataraha ku xeeran jiritaankean iyo nolosheenaba
umalayn maayo in colaada wax inooga meel yaala ay jiraan oo aan ahayn calaacal iyo cabasho kuwaasoo ah waxa kaliyaata ee nugleeya ninka raga ah,
waxaan maqaalkayga kusoo gabagabaynayaa
waxaa lasoo gaadhay wakhtigii aynu fahmi lahayn cadawgeena una istaagi lahayn nolosheena
waad mahadsan tiin
buur_4@hotmail.com
Gabooyow magaciisa diidaa magac kale ma helo horta, shalay gaaladii dhaqan xumada bartay ajiga ayaa maanta la xisaabtamaysa dhaqano cusbna u keenaysa baraysana sida dadka loola dhaqmo, waayo caqli diinta iyo sharciyadu galaan ma laha oo waa kuwii aynu shalay dhakgtarnimada ku baraneyney jidhkooda marka caalamku ku barbartaan jiirka iyo xayawaanka.
aada yaad umahadsantihinn rerka madaxadii gaboooye ayaaa illa fadhida ,wana salmanthihin
waaaaa italy ,bari
Nihid sxb kuma fahmin adeer gabooye waxaad waydiisa tariikhdiisa ,google leha intaasi ayaan kaga filin, dawladii somaliya ugu xooga badnayde mesha ayey kaga jireen waad ogtahay magacana waan ku faanaaa ,