Xildhibaan Jirde Siciid Oo Fariin u diray Beelaha Gabooye

Faafin: Dulmane.com: 27 February, 2010

jirde
Xildhibaan Jirde Siciid Oo Fariin u diray Beelaha Gabooye  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Xildhibaan Jirde Siciid Oo Fariin u diray Beelaha Gabooye
Xildhibaan Jirde Siciid Max,ud oo kamid ah xildhibaanada Goolaha Guurtida Somaliland isla markaana ah xubinta kaliya ee uugu jirta beelaha gabooye ayaa wareysi khaas ah oo uu siiyey shabakada wararka ee Dulmane baaq uugu diray qurba joogta beelaha gabooye waxaanu u dhacay waraysigu sidan:

Su: Xildhibaan maxaad jeceshahay inaad maanta ka hadasho adigoo inta badan aan saxaafada la hadal?

Jaw: waxaan marka hore sallaan aad u qiimo badan u dirayaa dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada wararka ee dulmane waayo intii aan arkayeyba waxay tahay shabakada kaliya ee runta ka sheegta waxa jira maamulkeedana waxaan uugu mahad naqayaa sida qiimaha leh ee ay yeelaan waayo waxaad arkeysaa websiteyada kale oo qoraya wax muraaro dilaac iyo walbahaar leh dhinaca iyadu ay qorto wax lagu farxo iyo warar mihiim ah intaas kadib,
Waxaan maanta jecleystay inaan la hadlo qurba joogta beelaha gabooye meelkasta oo dunida ay ka joogaan waxaanan leeyahay qodobadan:
1: marka hore waxaan idinka mahad celinayaa sida aad uugu jirtaan halganka socda laakiin waxaa nasiib darro ah in inta badan aad haysaan oo kaliya hadal hadalkuna wax micno ah ma sameeyo laakiin umada aad ka soo jeedaan waxa ay u baahan tahay wax qabad.
Tusaale hadaan soo qaato waxaad arkeysaa iyadoo websiteyada qaarkood laga buuxinaayo magacyo iyo taytalo aan micno sameyneyn oo la leeyahay gudomiyaha qurbaha beesha reer hebel wax uu qabteyna aaney jiran
Laakiin waxaa taas ka habooneyd inaad sameysaan Ururo samafal ah oo ka shaqeeya arimaha bulshadiina gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Dhalinyarada,
Dalkan aad ka maqan tihiin waxaa loo kala qeybsadey qeybo kala duwan waxaana lagu tartamayaa Aqoon, Awood, Arin dhinaca idinku aad ka haysaan hadal kaliya taasna waa waxa dadkiini ay la hana qaadi laayihiin
Ma waxaad awoodi Karin weydeen inaad sameysataan Deegaan aad leedihiin?
Max waxaad awoodi kari weydeen inaad wax soo tartaan Ardeyda beelaha Gabooye ee Jaamacadaha Dalka Dhigta?
Max waxaad awoodi kari weydeen inaad aduunkiina ku soo bixisaan Goobaha waxbarasho ee dadkiina wax lagu baro?
Haddaba waxaan idin leeyahay wallaalayaal waa been wararka la idinku arkhriyaa ee la yidhaahdo waxba la idinma ogola laakiin inagaa gaabineynee fadhiga iyo quusta ina gashay aynu ka kacno.
2: Qurba joogta beelaha gabooye intooda macquulka ah waxna fahmeysa waxaan leeyahay dadkan iyo dalkanba idinka ayaa uu idin sugayaa ee ku soo dhiirada inaad maal gashataan waayo tan iyo intii Somaliland ay tidhi waanu go,ney ma arkeysid cid dadkeena ah oo ganacsiga dalka si buuxda uuga muuqda marka laga reebo shaqooyinka yar yare waxaana wax laga marugooda ah inaad kuba arki weydo gobolada dalka Macraado ay leeyihiin Gabooye. Deegaano. Aqoonyahano, dhamaan waxaas oo dhami cidey sugayaan waa idinka dadkan dalka siyaasadeeda hogaamiyaana waa dad idinka dibada idinla joogey laakiin soo tashaday dalka qabsaday idinkuna waa inaad timaadaan oo qeybtiina qaadataan
Haddaan tusaale u soo qaato wasiirada Somaliland intooda badani waa qurba joog, Hogaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasaduna waa la mid markaa waxaa mihiim ah inaad niyada ku haysaan sidii aad is badan buuxa uugu sameyn laheydeen dadkiina.
Waa nasiib darro iney mar walba magaciina ku hadlaan dad aan miisaan Aqooneed iyo mid Aduun laheyn kuwaasna iska qabta.
Ugu danbeyntiina waxaad ka raali ahaataan haddii hadaladeydu cannaan u badnaayeen.

Alla Mahad leh
Xidlhibaan Jirde Siciid
Hargeisa
Tell: 002522+4480236

Readers Comments

  1. maxamud says:

    waxan halkan ka salaamayaa dhamaan dadka gabooye meel kastas oo joogaan. waxaan xildhibaanka beeshuu doonaba ah ahaadee wuxuu ka hadlay arimo badan waxaas uu ka hadlay oo dhan .dawadeeda,waa COLAAD,EE,MA SAMEYNASAAH,markaas,waxaad yeelatay ,deegaan,oo qasab ah waxaad noqotay,mid qasab ah, dhankaas ka eeg si kale waxba ku heli meyno maalita colaadu timaado waxaa lagaa dhigayaah madax weyne ku xigeen kuwo kale oo badana w.siiro.xaqaaqa waad helasaah taas baan qabaah

  2. maxamud says:

    waxaan halkan ka salaamayaah dadka gabooye waxaan leeyahay cadaalat xumida SOMALI.LAN.waxaad ku ogaataah ,dowladii .maxamed siyaad bare,imisa wasiir ayay lahay ;ilaa sodon .wasiir bey laheyd,kii gabooye bay dacweyen markaas bal eeg,,daahir riyaale kaahin.waxuu ahaa dadku way ogyihiin laa kii waa qabiil buu ka dhashay ,markaas cadaalad xumida ISAAQ, ma wax loo adkesakaro baah dadyaho ISAAQ,MAXEYNU KU SAMENAY OO INOO COLAADSHAAN

  3. osman dahir says:

    waxaan salaamaya xildhibaanka,inkastoo aanan aqoon u lahayn.waxaan leeyahay qodobada uu xildhibaanku ka hadley waa dhab.waxaadna moodaa in ay weli ina haysatoo maahmaahda ajigu yiraahdaan oo ah midgaan iyo waraabe waxaa lagaga nool yahay talo xumo.inkastoo mutacalimiin badani ku firirsan yihiin dacalada aduunka misane waxa ina haystaa maahmaahda kor ku xusan.hadaba waxaan talo ku soo jeedainayaa war sidii wax loogu qaban lahaa ardyda,dadka danyarta ah waa in inteena qurbaha ku nooli la sameeyo intii meel joogtaaba guddi caawisaa dadkaas xildhibaanku ka hadley.mida kale waa in wadanka aynu wax ka qabsano,oo lala tartano dadka kale ee ku nool oo laga yaabo qaarkood ineynu ka aqoon badanahay.war fadhiga ka kaca.

  4. waxaan marka hore sallaan aad u qiimo badan u dirayaa dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada wararka ee dulmane mar labad waxaan salaamaya Xildhibaan Jirde Siciid Max,ud oo kamid ah xildhibaanada Goolaha Guurtida Somaliland isla markaana ah xubinta kaliya .
    waxana ka raba shabakda dulmane eny wax garadka & odaiyashu gabooye ay mar waliiba wariysatoo bil wabaa mid gar ah oo tariikhda lagaa qoro
    wa bilah altawfiiq
    c\raxman axmad shube

  5. Aslamu caleykum, waxaan salaamaya mamulka shabakada dulmane iyo xildhibaanka jirde Siciid, aad ayaad ugu mahad santahay inaad markii ugu horeysay ee aad la hadasho qurba joogta besha gabooye oo aad fahmsiisey wadciga ka jira wadanka iyo in wax laga qabsado,xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba,adigu gabooye ayaad matashaa waxaa lagaga baahan yahay inaad mooshino arimah gabooye ku saabsan haad soo hordhitid golah guurtida una hadashid qadiyada gabooye, sidii ay xubnakale u heli lahaayeen, iyo baarlamankaba , halka aad joogto waa halgii wadanka looga talinayey ee wax qabadkaagu waa inuu muuqdaa , waad mahad santahey
    wabilahi toofiiq

  6. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil says:

    Waxaan u mahad celinayaa qoladan Dulmane iyo xildhibaanka taas ka dibna waxaan leeyahay waa markii ugu horaysay ee aan kaa aragno saxaafada nooc kasta oo ay tahay waana talaabo in badan la sugayey in mar uun aad ku dhiirato oo aad hadashid
    Hadalkaaguna waa mid macquul ah oo soojiidasho leh waxaanad mooda inuu yahay canaan meesha ku haboon
    Waxaanse aan aad u jeclaa Xildhibaanow inaad ogaatid inay tahay markii ugu horeeyey ee hadalkaaga iyo muuqaagaba la arko iyada oon aan horena loo arag Xildhibaan Jirde oo wax movement ah haba yaraate samaynaya golayaasha iyo dowlada midna aan codkiisa laga maqal wax moshin ah oo tabashooyinka iyo himilooyinka beeshan oo aad u ildaran marna aan kaga hadlin ama aan hor keenin dowlada
    Waxaanse rabaa inaan kuu muujiyo in qurba joogtu ku garab taagan tahay hadii tani tahay talaabo bilow ah oo aad doonaysid inaad activity ku samaysid albaab walbana garaacaysid adiga oo huwan haybada iyo magaca beelahan oo in badan u ooman inay muujiyaan magacooda iyo himilooyinkooda canaanta aad soo jeedisayna waa mid meesha taala oo aan cidna dafiri karin

    Waanad mahadsan tahay




Kadhex Raadi waxaad dooni