SUULI QUURSIGA AAN QIILKA LAHEYN (Cali Muxiyaddiin Cali)

Faafin: Dulmane.com: 24 February, 2010

ali
SUULI QUURSIGA AAN QIILKA LAHEYN (Cali Muxiyaddiin Cali)  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

SUULI QUURSIGA AAN QIILKA LAHEYN
Dhab ahaan aad baan u xanuunsaday markii aan aqristay qoraal lagu soo bandhigay Shabakaddaha wararka ee Soomaalida oo ka hadlayey Lamaane guur damcay oo ku kala guuray heybta qabiil, taasoo igu dhalisay inaan qalinkeyga u qaato, jiilka soo korayana ugu baaqo iney ka shaqeeyaan dabar goynta dhaqankaasi xun ee cudurka geliyay Walaalaheena Soomaaliyeed ee lagu takooro heybta ay ka soo jeedaan.

Waa dhacdo xanuun badan oo marnaba loo dul qaadan karin, in la yaso hablaha ka soo jeeda beelaha dulman hase ahaatee waxaa haboon in laga wada shaqeeyo sidii loo dabar goyn lahaa dhaqankaasi foosha xun ee bulshada Soomaaliyeed ku dhegan tahay.

Waxaan dhihi karaa dumarka beelahooda dulman yihiin ee loo geysto gabbood falyada lidka ku ah shareecada islaamka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga, waxayna sumcad xumo u keeneysaa dadka Soomaaliyeed, Illaahey Qur´aankiisa wuxuu inoogu sheegay in umadiisa uu ka abuuray lab iyo dhiddig iyo qabiilooyin ay isku gartaan aayadaasi oo leh “Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxa ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrasho badan, Eebana wax walba waa ogyhay”.

Haweenka la heyb sooco ama Ragga lagu takooro qabiilka ay ka soo jeedaan waa dad nadiif ka ah xumaanta, miyaadan ogeynina inay yihiin dumar nadiif ah, isku dhaqan iyo diinna aad sheegataan, kana soo jeeda isirka beelo lagu yaqaan shaqooyin iyo xirfado mujtamaca faa’iido u leh, kuwaas oo dheefsada dhididka waxa ay shaqeystaan bulshada kale ee takoorka ka yimaadana munaafacaad ku qaba howlaha ay hayaan.

Waxaan aamin sanahay in hadii Aqoonyahanka, ururada bulshada, culumaa’uddiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay u dhaqaaqaan baraarujinta ka gudubka caadooyinkaas foosha xun in ay suuli doonto, raali gellina laga bixiyo tacadiyadii beelaha dulman loo geysan jiray, hadiise ay ka aamusaan takoorka lagula kacay mujtamac xalaal ah in in ay ka dhalan doonto cadaab xagga Rabbi ka timaada.

Gabagabadii waxaan qormadeyda ka dhalatay qormo xanuun badan oo lagu soo bandhigay shabakaddaha wararka Soomaalida taasoo xaqiiqda raad badan igu reebtay markaan aqristay, waxaana ka rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadka waxgalka ah in ay u dhaqaaqaan cirib tirka takoorka walaalaheena Soomaaliyeed lagu haayo, waxaana ugu baaqayaa dhalinyarada soo koreyso in ay bilaabaan wado cusub oo guurka haweenka iyo Ragga lagu takooro heybta ay ka soo jeedaan in ay baabi’iyaan lana bilaabo nolol cusub.

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Readers Comments




Kadhex Raadi waxaad dooni