Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Oo Hambalyeeyey Suldaan Daakir Iyo Beeshiisa!

Faafin: Dulmane.com: 24 February, 2010

Suldaan Iid
Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Oo Hambalyeeyey Suldaan Daakir Iyo Beeshiisa!  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Suldaanka guud ee beelaha gabooye Suldaan Iid C/laahi Xirsi ayaa waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray suldaan daakir xassan khaliif oo bulsha weynta Somaliland u aqoonsatay suldaanka sanadka.
Dhambaalka hambalyada ah ee suldaanka ayaa waxaa uu ka danbeeyey dhawaan markii saxaafada Somaliland si badan loogu soo qoray suldaan daakir xassan khaliif taas oo lagaga faaloonayey kaalintii doorka laheyd ee uu ka qaatey barnaamijkii la rabey in lagu cidhib tiro beel magaceeda iyo maamuuskeedaba leh,
Haddaba maqaal uu ku saxeexan yahay Suldaanku oo soo gaadhey xafiiska dulmane ee magaalada hargiesa ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:
Marka hore waxaan sallaamayaa shaqaalha shabakada wararka ee dulmane waxaanan uuga mahad celinyaa xilka ay iska saareen tabinta wararka farxada leh iyo la dagaalanka cunsuriyada iyadoo dadaalkiina iyo daacadnimadiina aanu markhaati kanahay waxaanu idin leenahay wada hawsho oo ha caajisina kana dheeraada wixii iska horkeenaya umada kuna dadaala wixii manfac iyo martabadba u leh umada.
Intaas kadib waxaa wax lala yaabo ah iney jiraan websiteyo sheeganaya magaca umada kuwaas oo had iyo jeer aad uugu tageyso wax aan loo baahney iyadoo aad moodo iney cunsuriyad iyo qabyaalad foolxun ku dhaqmayaan waayo markaad aragtaba waxaad ku arkeysaa dacaayado iyo aflagaado cad oo loo geysanayo qabiil iyo qofba ma jecli inaan la qasto kuwaas laakiin waxaan odhan lahaa fadlan barta xeerka saxaafada iyo akhlaaqdeeda kana dheeraada wixii dadka ku dhex abuurayo xumaan iyo xaxatooyo,
Waxaan maanta hambalyo iyo boogaadin aad u qiimo badan u dirayaa suldaan daakir xassan khaliif oo loo doortey suldaanka sanadka anigoo ka masuul ah dhamaan hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye waxaan suldaan ku leenahay Guu! Guul! Geesi ayaad tahay libin iyo liibaanba u soo hooyey umadiisa waanad ku mahadsan tahay maadaama oo aad gudatay qaajibaadkaagi,

Alla Mahad Leh
Suldaan Iid C/laahi Xirsi
Suldaanka Guud Ee beelaha Gabooye

Readers Comments

  1. waxan sii gara uu salamayna Suldaanka guud ee beelaha gabooye Suldaan Iid C/laahi Xirsi
    suldan ogow in anu idinku tagersanahay halganka ad wadan mar kastana anu garab kina joogno
    dhalashana ay tahay midan laa ilawi karin ama an la babin karin

  2. waxan sii gara uu salamayna Suldaanka guud ee beelaha gabooye Suldaan Iid C/laahi Xirsi
    suldan ogow in anu idinku tagersanahay halganka ad wadan mar kastana anu garab kina joogno
    dhalashana ay tahay midan laa ilawi karin ama an la babin karin

  3. maxamud says:

    waxaan halkan ka salaamayaah dadka layriraahdo. caloowe meelkasta ha joogeen baryahan danbe waxaa ku batay sudaanka kuu suldaaka gaar ah waxaan leeyahay hadaad madax doonaysid waa helesaa caloowe waa ,qof,dhintay,suldaan ma yeelan karaah,intaad ka kacdaan dhulka aad jiiftaan waxaa loobaahan yahay gacan kahadal si loo ogaado inaa jirtid markaas bay haboontahay ,suldaanku.wixii suaala ah wan ka jawaabayaah

  4. osman dahir says:

    waxaan aad ugu bogaadinayaa la dagaalanka la raboo in lagu jebiyo maxaad bare iyo maxamed(Madhibaan)iyo dhamaan guud ahaan gabooye. dhuuniqaatayaasha la dagaalama.maanta soomalida joogtaa yurub iyo north ameerica intooda badani waxay ku joogaan magaca (Gabooye)waxaanna arrintaas ka dambeeya ku maanta doonaaya iney kala jebiyaan xoogga Maxaad bare iyo madhibaan oo weligood ahaa gaashaan buur(wiil iyo abti) wadanka gudihiisa waxii ka wada arrinkaas la dagaalama. waadana mahadsantihii.

  5. salaan kadib, Gaboyaw maxay tahay sida ad wax u wadaan, hadalka badan ee soo noq-noqoshada leh ee waliba jilisan, wagi hore ayaaba dhaantey ma tidha, maxamuud waa runti waxaan noqoney wada hadal iyo wada suudaan, laakiin wali wax ka soo baxay ma jiro, waxaa inagu jira dad kale oo shabado wata oo ad moodo kula dhan balse dhabarka ka saaraya markad sii jeedo, Gabooyaw arrinku sida ma ahayn ee dib uga noqo waxyabaha qarkood, waxaan laha waad talabsen ee sookan an kufey, waxa iledgey waan garan ee waan kici doona si degdeg ah Ishala mar an fogeyn, ha iska wateen waxay wadaan dadka qarki,runtuse waxay tahay in Halgan Umadda Gabooye in uu guul gaadhi doon Ishala.

  6. Salaan kadib, aad ayaan ugu farxay in Madaax dhaqameedyada Beelaha Gabooye hal Sawir ka wada muuqdaan oo indhahaygu qabtan, taas waxay muujisey in si deg-deg ah Midnimadi horey nooga luntey u soo noqotey, waxaa markale la arki doona in aan si fiican an u fahmi doono siyaasedaha ka socoda Soomaaliland/Puntland/Somalia/Ethiopia[Ismaamulka soomalida] oo an noqon doono Ummad hal cod leh oo isku meel noqota,oo dhan ka ah wax kaste oo midnimadeeda wax u dhimeya. Waxaa balan ino ah Gabooyawo in doorashada xiligan in aan wacadaro guul ah ka muujino oo tiradeena beenta laga sheego iyo codkeena la iska qaato an kula soo baxna cidi Barlamaanka ino tagi lahayad, Ishala!

    Ha guuleyste
    Gabooyaw dhaha!

  7. Sallaan kadib: Beelaha Gabooye waa kuwa ku sifoobey Nabd, Sinaan, Midnimo, iyo wada Noolansho jeceyl xili kaste oo la joogo, waxaase nasiib daro ah jecelkaasi in uu dhaxalsiyey dhibaatooyin badan oo an la soo koobi karin,sida in aan wali lala fahamin wanaaga ku jirajeceylka,oo inta badan si kale loo fasiro,waxaase balan ah in ila inta laga gaadheyo ay ahaan doonaan kuwa xanbaarsen jeceylka dhibka leh,guushan waxaa iska leh Gabooye iyo inta la qabta jeceylka.

    Ha guuleyste
    Gabooyaw dhaha!

  8. salaan kadib: waxaan si aad ah ugu farxay Beesha Siciid Kuul oo ka mid ah Beelaha Gabooye sida kalsoonida leh ee halganka ugu jirto oo u radineyso habeen iyo maalin in Beelaha Gabooye noqodan kuwa muujiya midnimadooda meel kaste oo ay joogan, Dal iyo Dibedba. waxaan kalo si gaar ah ugu farxay Beesha Dhaxan Tire oo ah Siciid Kuul sida kalsoonida leh ee Haybteeda ugu mujisey ficil taas oo tusaale u noqon karta Beelaha kale in ay ku daydaan oo sida iyo si ka fiican yeelaan; wanaagu waa mid la iskaga daydo horumarna gadhsiya Ummadda. Ummadd walba xili ayay isku tagata in ay gaadho meesha ay rabto haddii midnimo ku jirto oo Illahay baryaan in uu gaadhsiyo halka ay dooneyaan waxaa run ah in ay gaadheyaan, waxaa taas tusaale u ah Beesha Siciid Kuul halka maanta ay gaadhay waa mid Illaahay ka timid marku arkey quluubtooda wanaag ku jira, waxaana hubaal ah in guud ahaan Beesha Gabooye u noqon doonaan “Horseed” Ishala!

    Ha Guuleyste
    Gabooyaw Dhaha!

  9. diidane says:

    waxaa wax lala yaabo ah nimanka dadbaan hogaaminaa oo oday dhaqameed baanu nahay bal taariikhdooda dib u eega

    umadan la haybsooco ayadoo horey loo baabiiyey oo ay khayrtkood ka hareen
    ayaa hadana kuwii hore u baabiyey ay bedeleen habkii hore oo waxay la soo baxeen qaabkii gumaysigu uu weligii sameyn jirey oo ahaa kuwa waxgaradka ah tirtir oo kuwa waxmagaradka salaadiin uga dhig si ay u sii baaba,aan
    bal dib u fiiri oo raadi nimanka sheegta boqorka,suldaanka sanadka ,suldaanka guud
    dhamaantood histarigooda ninwalbana waxaa soo magacaabay reerkii uu abaanka u ahaan jirey ma jiro nin reerkiisu ay soo doorteen marka laga reebo hal mooyee

    waa ayaandaro haysata dadkaa la haybsooco




Kadhex Raadi waxaad dooni