AAN KU DILEE HA DOODIN (Nasir Moxammed Ciise Caabi)

Faafin: Dulmane.com: 20 February, 2010

naasiryare
AAN KU DILEE HA DOODIN (Nasir Moxammed Ciise Caabi)  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Waxaanu aad uga xunahay dhibaatada sii kordhaysa ee ka haysata dadka laga tirada badanyahay Somaliland gaar ahaan magaaladda Hargeysa. Waxaa kale oon aad uga xumahay dadka u dhasho Somaliland ee Gabooyaha ah ee ka haajiray magaaladda Hargeysa, taasoo ay sababtay dil, dhac, boob, xidhig, cabudhin, cadaalad la’aan iyo xoog sheegasho lagu hayo dadkaas. Iyadoo inta joogtaana ay yihin dad mid walba kakale waran ay ugu dhiibtay xukuumadda ka jirta Somaliland oo ay noqotay askari, maamul iyo maxkamadiba rabaan in ay xukunka ku barbartan iyagoon kuliyada iyo jaamacad midna ku soo baran xukunkaas oo ay kalyahii ka saareen dadkaas.
Waxaa jirta in Marxuumkii la oranjiray Khadar Adan Usman Dhabbar ee askarigii Gacan kudhiiglaha ahaa uu ku toogtay magaalada Hargeysa, walaalkii oo yimid Hargeysa si uu i ogaado arrintii marxuumkaas halka ay marayso ayaa isagiina la xidhay maxkamadina sugeysaa. Iyado nimankale oo cumaamado odayaaleed iska huwan ay iyaga iyo kuwo ka tirsan dawlada ku heshiiyeen inay dabooli karaan kiiska, cidii so hadal qaadana la xidho.
Sida aynu wada ognahay hooyada Marxuunkaas dhashay iyo walaalahiiba waxay cadaan u sheegeen in aanay mag rabin ee ay doonayaan in xukunka u yaala Somaliland loogu xukumo ilaa iminka halkii ayey ka taagan yihiin.
Balse haddi xukuumadu ay leedahay sharciga Somaliland u yaala kumajiraan Gabooyahu ee khasab ha ku qaataan maqta, waxaanu jecalnahay in ay xukuumaddu soo saarto digreeto cusub oo sidaas sheegeysa.
Waar halkeey ka dhacday nin wadankiisii yimid oo doonaya qadiyadii marxuumkii walaalkii ahaa in uu ogaado oo lagu yidhi “dhagarqabihiina waa la sii deynayaa adigana waa lagugu badalayaa oo waliba marwadiisii oo umul ahayd aqalkeedana iska huruda lagala soo baxay lixdii subaxnimo oo iyadana xabsiga loo taxaabay.
Waxaanu u sheegeyna inta maan gaabkaah ee aaminsan in mar haddii min askari ilaa wisiiro oo dhan ay isku reer yihiin oo dadkaa Gabooyaha sidii ay doonaan u gumaadi karaan amase wadanka uga rari karaan aanay dib u dhici doonin ee ha ugu horayso qadiyadaas Marxum Khadar Adan Dhabbar anagoo aan dib u laabaneyn, indhana ka qarsaneyn dulmiga aad nagu haysaan ilaa aanu xaqaayaga oo dhan heleyno amaba nalaga waayayo xudunta Magalada Hargeysa ee naloogu yimid.
Waxaanu kale oo aanu u sheegeynaa saldhigyada booliska iyo maxkamadaha u furan sidii loogu xidhxidhi laahaa ama loogu tacadiyi lahaa dadkaa Gabooyaha in ay jiraan adunka maxkamado caalamiah oo arrimahayagu aanay ku eekaaney halkaas aad qoriga dulmiga ah nala hor fadhidaan.
Waxad ogaataan wakhtigu inu sheegi doono xaqaayaga sidii ku dhacday Sadam Xusseen iyo Radovan Karadzic.

Wabillahi al tawfiq
Nasir Moxammed Ciise Caabi
Gudomiyaha Beesha Gabooye ee Qarada Europe W/America
Gabooye.org99@hotmail.co.uk

Readers Comments

  1. Axmed Cabdullahi- London says:

    ASC dhamaan walaalada Muslimka ah, ALLAH Sarreeye wuxuu Quraanka ku sheegay kan dadka ugu fiican inuu yahay kan ugu taqwa badan, sidaas ula socda oo Quraanka barta kuna dhaqma nolosha oo dhan, ALLAH wuuna saacidayaa markaas,haysoocana waa wax xun haddaad aragtid qof wax haybsoocaya waa jaahil. sidaas darteed Nabigeennii Muxamad wanaagsanaa wuxuu yiri: waxaa idiinkugu khayr badan qofkii QURAANKA barta siina bara dadka, sidaa iyo nabad galyo iyo kulanti dambe Insha ALLAH.

  2. ahmed says:

    asc dhamaan walalada muslimka ah
    dadka ale way siman yihiin
    qofka hadii uu diin sheeganayo waa in uu ka dheeraadaa waxan kala saarka ah
    ilahay wixii dadka baray kala saarka ha u denbi dhaafo
    asc wr wb

  3. saciid guleed says:

    waxaan halkan ka salamayaa dhamaan walaalahayga gabooye nasiibdaro anigoo ka
    dhashay beesha isaaq ee dulinka isku bahaysatay iyotakoorka walaalahood wxaan idinla garab taaganahay af iyo adin ha ka daalina intaa daalimiintaa xaqiina ka soo
    qaadanaysaan illaahay haydin garab galo

  4. maxamud says:

    waxaan halkan kasalaamayaa dhamaan dadka gabooye meelkast oo ayjoogaan salaan kabacdi dadka degan maamulka .ISAAQ LAN ,AH.dhibaatata ayku hayaan meel kasta waa laga ogyahay isidaas uu sheegay walaalkey waa in laga dagaalamaah,,,,,, ,,,oo.haysodhon.kaa badan..haysodhan..kaa adag,,,,,,,,,,,,,,,,,adaa ka ADAG XAQAA HIILIYA,,ADAA KA ,BAN,,ADAA, BURJI WEN,,,,,HA UBAQAN,




Kadhex Raadi waxaad dooni