Faafin: Dulmane.com: 12 February, 2010
ALLAHA unaxariistee marxuumku waxa uu ku dhashay heegaale oo ka tirsan degmada buuhoodle sanadkii 1943 waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe waxa uu kaga baxay gobolka togdheer magaaladiisa burco, dugsiga sarana waxa uu kaga baxay dugsiga sare ee sheekh ee ku yaalla degmada sheekh.
Marxuumku 1963 waxa uu noqday xoghaynta guud ee maxkaddii sare ee soomaaliya 1967 waxaa tababar dhinaca sharciga loogu qaaday dalka talyaaniga . 1971 waxa uu noqday maareeyaha guud ee wakaaladda macdanta iyo biyaha; xikaana waxa uu hayay ilaa 1974. 1975 waxa uu ka ruqsaystay shaqadii dowladii uu madaxweyaha u ahaa jaalle siyaad.
1980 waxa uu aaday dalka kuweyd oo uu howl ganacsi u aaday. 1984 waxa uu uwareegay dalka ingiriiska caasimadiisa london, halkaa oo uu ka bilaabay halgankii dheeraa ee beelaha lahaybsooco isaga oo qoray buug lamagac
baxay codka baydari (baydari foice) 1989 waxaa lagu soo celiyay soomaaliya wada hadal dhexmaray marxuumka iyo rag ka mid ah xukuumaddii maxamed siyaad barre.
1991 markii uu dalka bur-buray marxuumku waxa uu ku sugnaa magaala muqdisho halkaa oo uu markale moorka ka jafay halgankii uu ugu jiray doonista xuquuqda beelaha gabooye. 1992 waxa uu ka hirgeliyay magaalada muqdisho urur la yiraahdo ururka xididada soomaaliyeed(USR) xaruntiisuna ay ahayd muqdisho. Marxuumku waxa uu ka qeyb galay shirkii ugu horeeyay ee lagu qabtay dalka itobiya caasimadiisa adis ababa 1993 , shirkaa marxuumku waxa uu kala kulmay caqabado badan oo lagaga horyimid oo ahaa in ururka USR uu yahay uru la mid ah ururada soomaaliyeed ee halkan ku shirsan codkoodana uu ku hadlayo maadaama urur walba uu ka socday beel, haseyeeshee sidii dhici jirtay hoggaamiye kooxeedyada meesha ku shirsanaa qaarkood oo kaashanaya rag ka mid ah beesha gabooye ayaa ka hor yimid fekerkiisii sinnaan doonka ahaa waxaana lagu hor gudbay in dadka uu codkooda ku hadlayo ay ku kala jiraan beelaha halkan ku shirsan wax deegaan ah oo gaar ahna aanay lahayn xuquuqdoodana ay halkaa ka helayaan , aakhirkiina shirkaa guracan waxa uu ku dhammaaday fashil. shirkaa kadib marxuumku waxa uu ku soo noqday xaruntii ururka oo ahayd magaalada
muqdisho waxa uuna bilaabay halgan dheer oo uu ku kasbanayo saaxiibo badan oo hogaamiye kooxeedyo ahaa iyo hogaamiye dhaqameedyo kusugnaa muqdisho wuxuu kaloo bilaabay safaro isku xig-xigay oo uu ku tagay nayroobi dalka kenya si uu beesha caalmka uga dhaadhiciyo fekerkiisa iyo fariintii uu ka siday bulshada gabooye oo uu cadkaada ku hadlayay. Haddaba 1996 marxuumku waxa uu ka qeyb-galay shirkii markale dalka itoobiya ka dhacay gaar ahaan sodare shirkaasi waxa uu noqday mid lagu aqoonsaday jiritaan-
kii ururka USR kana mid yahay ururada dalka soomaaliya ka jiray,kadib marxuumku waxa uu ka mid noqday 15-kii hogaamiye ee ku saxiixay heshiis lagu dhisay gole lamagasc baxay golaha badbaadada qaranka , waxaana lagu qeybsaday xilalkii golaha marxuumkana waxaa loo magacaabay hanti dhowrka guud ee golaha badbaadada qaranka . Intaa ka dib golahaa waxaa fashiliyay shir lagu qabta qaahira 1997 oo ay soo qabanqaabiyeen dalka masar iyo dalka talyaaniga. Sidoo kale marxuumku waxa uu ka qeybgalay shirkii lagu qabtay dalka jabuuti gaar ahaan magaalada carta sanadkii 2000 wuxuua ka mid noqday golihii baarlamanka ee lagu doortay madaxweynihii c/qaasim salaad xasan ilaa dhammaadkii dowladdii c/qaasina marxuumku wuxuu ka mid ahaa golihii baarlamanka. Haddaba markii xukuumaddii federaalka ee uu madaxweyne c/qaasim hogaaminayay uu waqtigii ka dhammaaday marxuumku waxa uu aaday 2004 shirkii ka socday dalka keyna gaar ahaan embegati halkaana waxa uu kala kulmay caqabadihii ka hor imaan jiray mid ka mid ah oo ahayd labadii xubnood ee beesha madhibaan heshay mid ka mid in la iibsado oo ayna iibsadeen rag ka mid ah beesha , iyagoo ka iibiyay nin aan beesha udhalan, intaa kadib marxuumku waxa uu bilaabay halgan dheer isagoo kaashanaya rag ka mid ah jaaliyadda madhibaan ee dibadda ku nool , halgankaa dheer ka dib waxa ay ku guulaysteen in ay soo celiyaan xubintii ay xaqa ulahaayeen waxaan loo magacaabay marxuumku inuu umetalo golaha baarlamaanka , wuxuuna ka mid noqday xubin ka mid ah baarlamaankii dowladda federaalka . waxa a kale oo uu marxuumku ka qeyb galay shirkii lagu mideynayay dowladii federaalka iyo ururkii dibuxoreynta isagoo xubin baarlamaan ah, waxaana shirkaa loogu doortay inuu dalka madaxweyne ka noqdo sheekh shariif skeekh axmed.
ALLAHA unaxariistee marxuumka taariikhdiisa halkan kuma soo koobi karno ee wuxuu ku geeriyooday magaalada muqdishi 07/01/2010 maalin jimce ah ayaa lagu aasay muqdisho, marxuumku waxa uu ifka kaga tagay halxaas iyo 12 carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleenba.
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJACUUN
Qore:- C/qaadir sabeeye
xa uu kaga baxay gobolka togdheer magaaladiisa burco, dugsiga sarana waxa uu kaga baxay dugsiga sare ee sheekh ee ku yaalla degmada sheekh.
Marxuumku 1963 waxa uu noqday xoghaynta guud ee maxkaddii sare ee soomaaliya 1967 waxaa tababar dhinaca sharciga loogu qaaday dalka talyaaniga . 1971 waxa uu noqday maareeyaha guud ee wakaaladda macdanta iyo biyaha; xikaana waxa uu hayay ilaa 1974. 1975 waxa uu ka ruqsaystay shaqadii dowladii uu madaxweyaha u ahaa jaalle siyaad.
1980 waxa uu aaday dalka kuweyd oo uu howl ganacsi u aaday. 1984 waxa uu uwareegay dalka ingiriiska caasimadiisa london, halkaa oo uu ka bilaabay halgankii dheeraa ee beelaha lahaybsooco isaga oo qoray buug lamagac
baxay codka baydari (baydari foice) 1989 waxaa lagu soo celiyay soomaaliya wada hadal dhexmaray marxuumka iyo rag ka mid ah xukuumaddii maxamed siyaad barre.
1991 markii uu dalka bur-buray marxuumku waxa uu ku sugnaa magaala muqdisho halkaa oo uu markale moorka ka jafay halgankii uu ugu jiray doonista xuquuqda beelaha gabooye. 1992 waxa uu ka hirgeliyay magaalada muqdisho urur la yiraahdo ururka xididada soomaaliyeed(USR) xaruntiisuna ay ahayd muqdisho. Marxuumku waxa uu ka qeyb galay shirkii ugu horeeyay ee lagu qabtay dalka itobiya caasimadiisa adis ababa 1993 , shirkaa marxuumku waxa uu kala kulmay caqabado badan oo lagaga horyimid oo ahaa in ururka USR uu yahay uru la mid ah ururada soomaaliyeed ee halkan ku shirsan codkoodana uu ku hadlayo maadaama urur walba uu ka socday beel, haseyeeshee sidii dhici jirtay hoggaamiye kooxeedyada meesha ku shirsanaa qaarkood oo kaashanaya rag ka mid ah beesha gabooye ayaa ka hor yimid fekerkiisii sinnaan doonka ahaa waxaana lagu hor gudbay in dadka uu codkooda ku hadlayo ay ku kala jiraan beelaha halkan ku shirsan wax deegaan ah oo gaar ahna aanay lahayn xuquuqdoodana ay halkaa ka helayaan , aakhirkiina shirkaa guracan waxa uu ku dhammaaday fashil. shirkaa kadib marxuumku waxa uu ku soo noqday xaruntii ururka oo ahayd magaalada
muqdisho waxa uuna bilaabay halgan dheer oo uu ku kasbanayo saaxiibo badan oo hogaamiye kooxeedyo ahaa iyo hogaamiye dhaqameedyo kusugnaa muqdisho wuxuu kaloo bilaabay safaro isku xig-xigay oo uu ku tagay nayroobi dalka kenya si uu beesha caalmka uga dhaadhiciyo fekerkiisa iyo fariintii uu ka siday bulshada gabooye oo uu cadkaada ku hadlayay. Haddaba 1996 marxuumku waxa uu ka qeyb-galay shirkii markale dalka itoobiya ka dhacay gaar ahaan sodare shirkaasi waxa uu noqday mid lagu aqoonsaday jiritaan-
kii ururka USR kana mid yahay ururada dalka soomaaliya ka jiray,kadib marxuumku waxa uu ka mid noqday 15-kii hogaamiye ee ku saxiixay heshiis lagu dhisay gole lamagasc baxay golaha badbaadada qaranka , waxaana lagu qeybsaday xilalkii golaha marxuumkana waxaa loo magacaabay hanti dhowrka guud ee golaha badbaadada qaranka . Intaa ka dib golahaa waxaa fashiliyay shir lagu qabta qaahira 1997 oo ay soo qabanqaabiyeen dalka masar iyo dalka talyaaniga. Sidoo kale marxuumku waxa uu ka qeybgalay shirkii lagu qabtay dalka jabuuti gaar ahaan magaalada carta sanadkii 2000 wuxuua ka mid noqday golihii baarlamanka ee lagu doortay madaxweynihii c/qaasim salaad xasan ilaa dhammaadkii dowladdii c/qaasina marxuumku wuxuu ka mid ahaa golihii baarlamanka. Haddaba markii xukuumaddii federaalka ee uu madaxweyne c/qaasim hogaaminayay uu waqtigii ka dhammaaday marxuumku waxa uu aaday 2004 shirkii ka socday dalka keyna gaar ahaan embegati halkaana waxa uu kala kulmay caqabadihii ka hor imaan jiray mid ka mid ah oo ahayd labadii xubnood ee beesha madhibaan heshay mid ka mid in la iibsado oo ayna iibsadeen rag ka mid ah beesha , iyagoo ka iibiyay nin aan beesha udhalan, intaa kadib marxuumku waxa uu bilaabay halgan dheer isagoo kaashanaya rag ka mid ah jaaliyadda madhibaan ee dibadda ku nool , halgankaa dheer ka dib waxa ay ku guulaysteen in ay soo celiyaan xubintii ay xaqa ulahaayeen waxaan loo magacaabay marxuumku inuu umetalo golaha baarlamaanka , wuxuuna ka mid noqday xubin ka mid ah baarlamaankii dowladda federaalka . waxa a kale oo uu marxuumku ka qeyb galay shirkii lagu mideynayay dowladii federaalka iyo ururkii dibuxoreynta isagoo xubin baarlamaan ah, waxaana shirkaa Aloogu doortay inuu dalka madaxweyne ka noqdo sheekh shariif sk. Axmed.
ALLAHA unaxariistee marxuumka taariikhdiisa halkan kuma soo koobi karno ee wuxuu ku geeriyooday magaalada muqdishi 07/01/2010 maalin jimce ah ayaa lagu aasay muqdisho, marxuumku waxa uu ifka kaga tagay halxaas iyo 12 carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleenba.
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJACUUN
Qore:- C/qaadir sabeeye
Waaxaan ka xumaahay in tariikh nololeedkii
Marxum Maxamuud Hussien Farax inn aan lo gorin siddii aye ahayed. Arrinkaa diib ha loguu nogdo kalana xiriir Axmed Idris oo jooga Somaliland.
Maxamuud Ra`iis, Allaha u naxariistee waan aqaanney,wuxuuna ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo codkor ah, runtana aan la gamban.waxaan oran karaa wuxuu ka baxay Soomaali oo dhan.
wallaal saxardiid adiga nin kaaga dhow majiro ina rayiis ee fadlan waxaaad ka ogtahay soo gudbi idinkaa mudo dheer saaxiib ahaaye
Side bu u geeriyood marxuumku? (i.e.natural cause or suspicious circumstances?).
waxaan salamayaa inj saxardiid Runtii qofkii haya taariikhda marxuunka maxamud xuseen faarax raiis oo tan hada qoran wax ka badalaya am ku kordhinaya waan soo dhaweyneynaan waana loo bahan yahay in la qoro taaiikhda halgamayaahsha gabooye
waad mahadsan tahiin
asc wrwb waad salaaman tihiin walaalayaal