Faafin: Dulmane.com: 8 February, 2010
Burco: Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye Oo Rabtay In Ay Beelahaa Ka Go’do.
Burco(Ramaas) Feb.05, 2010 – Guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa joojiyay shir ay doonayeen in ay magaalada Burco ku qabsadaan Beel ka mid ah Beelaha gabooye oo la yidhaado ilma kuul oo doonaayay in ay ka go’aan beelahaa, isla markaana ku talo jiray in ay sheegtaan in ay ku biireen Beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer .
Shirkan oo sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo sheegay in la doonayay in magaalada Burco lagu qabto todobaadkii tagay shir ujeeddadiisa lagu sheegay in Beel ka mid ah Beelaha Gabooye iyo xubno tira yar oo dabada ka riixayay ay ku doonayeen in ay magaalada Burco kaga dhawaaqaan in Beeshani ka baxday Beelihii uu ka tirsanaa ee Gabooye, isla markaana ay ku biirtay Beelaha Galbeedka Burco, balse ay arintaasi ka horyimaadeen hormuudka Beelaha Galbeedka Burco.
Guddiga Nabadgelyada Togdheer ayaa la sheegay in ay shirkan qabsoomistiisa mamnuuceen, ka dib markii ay soo gaadheen qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah oo ay hormuudka iyo wax-garadka Beelaha Galbeedka Burco ay kaga soo horjeedaan shirkaa oo ay u soo gudbiyeen guddiga nabadgelyada gobolka.
Masuuliyiinta amaanka gobolka togdheer ayaa la sheegay markii ay fariimahani soo gaadheen in ay joojiyeen si aanay rabshado uga dhicin gobolka, isla markaana ay soo saareen qoraalo ay gaadhsiiyeen dadka shirkaa waday. Waxaanay ku amreen in aanay Gobolka ku qaban karin wax shir ah oo noocaas ah, hadii ay diidaana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Dhinaca kale, marka laga tago diidmadan ay Beelaha Galbeedka Burco shirkan kaga hor yimaadeen iyo xayiraadan ay ku soo rogeen maamulka gobolka Togdheer waxa iyana shirkan ka qayliyay Beelaha Gabooye ee ku dhaqan gobolka Togdheer, kuwaas oo Salaasadii inadhaaftay cabasho ay shirkan kaga soo horjeedeen iyo jilibka doonaya in uu ka go’o la hortagay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo u sheegay in haba yaraatee shirkan wax kas oconayaa aanu jirin beelaha gabooyana aan la kala jarayn shaxdaa wadaana y yihin dad lunsan ayna joojiyaan.
Ugu dambeyntiina shirkan ay jilibka Gabooye ee ilma kuul ay doonayaan in ay Burco ku qabtaan ee la xiyiray ayaa la sheegay in wadamada Yurub laga soo raray oo ay dadka qaar sheegeen in ay Quwado shisheeye dabada ka riixayaan ayaa mgaalada Burco si wayen looga hadal hayay labadii bilood ee u dambeeyey, kaas oo ay dadka ku dhaqan gobolka Togdheer qofkastaba ka yaabisay. Reerkan doonaya in ay qabiilkoodii iyo asalkoodiiba ka guuraan oo ay u diga rogtaan beel aanay ahayn, balse hadda waxay u muuqataa sida Burco laga daremay in ay ciyaartaasi dhamaatay oo ay soo afgo’aday.
Mahad Faarax Cabdilaahi
Ramaasnews Desk.