Faafin: Dulmane.com: 7 February, 2010
Burco(Oodweynenews)- Beelaha Gabooye ee gobolka Togdheer ayaa maanta Shir Jaraa’id ay ku qabteen magaalada Burco waxba kama jiraan iyo Been abuur ku tilmaamay war ay qaar ka mid ah Saxaafada ku baahiyeen Laba madax-dhaqameed oo ka tirsan beelaha Gabooye gaar ahaa Jilibka madhibaan kuwaas oo la yidhaado Suldaan Saxardiid Faarax Buteeye iyo Caaqil Kaariye Xirsi Samatar, kaas oo ay sida
ay sheegeen been abuur iyo aflagaado loogu gaystay Suldaanka beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ay ku sheegeen in uu Suldaan u yahay Beesha Siciid Kuul balse aanu Suldaan u ahayn Beesha Madhibaan isla markaana ay ku tilmaameen in uu ku ugaadhsado magaca Beeshooda Madhibaan uuna sheegto Madhibaan.
Shirkan Jaraa’id e e aybeelaha Gabooye ku beeniyeen warkan ay sii daayeen Labadan Oday ee ka tirsani oo ay ka soo qaybgaleen Cuqaasha ,Odayaasha ,afhayeenada iyo Gudoomiyaha beelaha Gabooye oo lagu qabtay Huteelka Barwaaqo ee magaalada Burco ayaa waxay ku cadeeyeen in Suldaan Daakir Xasan Khaliif yahay Suldaanka guud ee beelaha Gabooye isla markaana Siciid Kuul iyo Madhibaanba uu yahay Suldaankooda .
Afhayeenka beelah Gabooye ee gobolka Togdheer Kayse Saleebaan Maxamuud oo ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Warka ay Mediaha ku qoreen Suldaan Saxardiid Faarax iyo Caaqil Kaariye Xirsi waxay ku sheegeen in Suldaanka guud ee beelaha Gabooye yahay Suldaan Siciid Kuul ah isla markaana aanu ahayn Suldaanka Beeshooda Madhibaan Siciid Kuul iyo Madhibaan ay yihiin laba reer oo ay dani isu keentay balse aanu isku awtaad ahayn ,sidaa awgeedna uu ku kaluumaysto magaca M adhibaan .
Markaa waxaan halkan umada ugu cadaynayaa in warkaasi yahay been Suldaan Daakirna yahay Nin madhibaana ah suldaana u yahay Labada reerba ”sidaasi ayuu yidhi Afhayeenka beelaha Gabooye .
Ugu Danbeyntii waxa isna goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Beesha Madhibaan Deeq Ismaaciil Mire oo isna ku tilmaamay warka Odayaashaa ka soo baxay waxba kama jiraan isla markaana waxa uu sheegay in ay doonayaan Odayaasha warkaasi baahiyay in ay beelaha Gabooye muran ka dhex abuuraan..
http://dulmane.com/blog/2010/02/07/baaq-ay-soo-saareen-qurba-joogta-aakhiro/
Oodweynenews.com/Burco