Faafin: Dulmane.com: 30 January, 2010
sheekh maxamad idriis oo socdaal dacwadeed ku soo maray Western Cape
By Dulmane on 30 Jan, 2010 4:26 PM in Main, Wararka
Waxaan Halkan akhristaha sharafta leh ugu soo gudbinayaa qaybtii sadexaad ee Booqashooyinkii dacwadeed ee Sh. Maxamed Idris Axmed ku yimid Koonfur Afrika, Wexeyna ka koobantahay gobolada sheekhu maray ee Galbeedka Dalkan (Western Cape) sida Cape Town,Bellville,Mitchesplain.
Waxaanu soo gaarnay maxadhadii ugu danbaysay ee sheekhu ka jeedin lahaa wacdiga iyo wax sheegaba, gobolkan oo ah mid ay aad ugu badan yihiin Soomaalida marka laga eego dhinaca magaalo ahaan, ahna dad intooda badan ganacsato ah, runtiina ah dad lagu amaanay shaqadoodaas. Sheekhu wuxuu bixiyay muxaadarooyin kala duwan oo meel walba uu tagaba uu u eegayay baahida gaarka ah, iyo dhibka gaarka ah ay qabaan ee ay tahay in lagala hadlo, gobolkan wuxuu sheekhu u dooray wacdiyo ku haboon oo aan u arkay inay ahaayeen kuwii loogu baahida badnaa ee guud ahaan wadankan, gaar ahaanna gobolkan.
Sheekhu wuxuu muxaadarooyinkiisa u kala qaybiyay masaajidka gobolka ee ay Soomaalidu lahayd amaba u kiraysnaa, waxayna masaajidu kala ahaayeen sidan hoose.
Masjidu Sunnah
Taariikhdu markay ahayd 19/1/2010 ayaa Masaajidkan oo ah kan ugu wayn dhinaca Soomaalida lana aasaasay 1999, ka dib markii uu goobta bixiyay nin ganacsade ah, kana mid ah muslimiinta wadanka u dhalatay laguna magacaabo Mr Khan Jasaahulaahu Khayran, heerar kala duwanna soo maray balse hadda si wanaagsan loo habeeyay, ayaa muxaadaradii ugu horaysay wuxuu sheekhu ugu magac daray “Dhibaatada ay Macaasidu ku Hayso Mujtamaca iyo Qofkaba”, muxaadaradan oo musaliintii dhagaysanaysay wax wayn ka bedashay, ayna si wayn ugu guuxeen ayuu sheekhu ku gabagbeeyay in macaasidu ay dhibaato wayn u gaysato qofka iyo noloshiisa oo dhan ayna haboon tahay in qofka muslimka ahi uu ku xidhnaado Ilaahey (sw), mar walbana xusuusnaado nicmooyinka aan la koobi karin ee uu ku galadaystay.
Maalinkii Khamiista oo taariikhdu ahayd 21/01/2010, ayuu wuxuu sheekhu u soo jeediyay muxaadaro u gaar ahayd Haweenka Bellville oo si aad u saraysa u soo xaadiray tiro ahaan oo uu ugu magac daray “Xuquuqda Caruurtu Waalidkooda ku Leeyihiin”, waxayna ahayd mid si wayn loogu riyaaqay.
Masjidu Salaam
Habeenkii Khamiista 20/01/2010, ayaa waxaa Masaajidkan oo la furay 2010 January, uu sheekhu ka soo jeediyay muxaadaro magaceedu yahay “At-Tawaabiin”, oo uu sheekhu la xidhiidhiyay muxaadaradii habeenkii ka horeysay ee Macaasida, wuxuu sheekhu ku nuux nuuxsaday sida ay muhiim u tahay in qofka muslimka ah uu Rabbi u noqdo mar walbaba, waayo wuxuu sheekhu yidhi, “Rasuulku scw, wuxuu yidhi, anigu waxaan Alle u noqdaa tidobaatan jeer maalintii ”ee dadoow Alle u noqda mar walbaba.
Sheekhu wuxuu isku xidhay Tawbadkeenkii Nabi Aadam cs iyo waliba sida uu nabigu si deg deg ah u aqoonsaday danbigii uu galay, iyo sida dadka muslinka ah, looga baahan yahay inay danbiyadooda ugu aqoonsadaan sidaasoo kale, isla mar ahaantaana ay rabigooda u noqdaan, danbi dhaafna waydiistaan mar walba iyo goor walbaba.
Mitchellsplain.
Habeenkii jimcuhu soo galayay ee taariikhdu ahayd 20/01/2010 ayuu sheekhu ka jeediyay muxaadaro la magac baxday “Dhaqanka qofka Muslimka ah”, oo uu sheekhu ku nuux nuuxsaday dhaqanka wanaagsan ee laga doonayo qofka muslimka ah, ayna tahay qofku inuu noloshiisoo dhan ku dabaqo islaamka, si uu u noqdo qof lagu daydo, macaamiil kasta oo uu samaynayo, maadaama Alle (sw) uu ku adoonsaday bini’aadamka dhaqan gelinta shareecada Islaamka.
Gebagebadii, wuxuu sheekha ummadda kula dardaarmay inay gacmaha is qabsadaan, dantooda u gaarka ahna ay ku dadaalaan, si ay qurbaha dhibka badan iska kaashadaan. Soomaalida degan Koonfur Afrika waxay u ducaynayaan sheekha in uu Ilaaheey ka abaal mariyo wacdiga iyo waanadii uu ummada ku camimay, miisaankiisa xasanaadkana Alle ugu daro aamiin