Baaq Ay Soo Saartay Beesha Maxaad-Barre Ee Qurbaha

Faafin: Dulmane.com: 27 January, 2010

Baaq Ay Soo Saartay Beesha Maxaad-Barre Ee Qurbaha  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Baaq Ay Soo Saartay Beesha Maxaad-Barre Ee Qurbaha:

Asalaamu calaykum waraxmatulaah

Shir ay beeshu ku yeelatay magaalada soomaalidu u badan tahay ee Minneapolis, MN si ay uga tashato, marba waaqica taagan ee ay  manta ku sugan tahay beeshu. Waxaa ugu muhiimsanaa ee shirkan looga hadlay arinta baryahan ku badatay websaydyadda ee ah in beesha maxaad- Barre ka soo jeedo habar-yoonis/Isaaq, shirkan oo uu gudoominayay Suldaan Axmed Keynaan gabagabadiisii waxaa ka soo baxay arimahan:

1-      Beesha Maxaad_barre waxay taageersan tahay dhamaan go’aanadii ay gadheen salaadiinta Habar-yoonis ee ahaa in aysan cidina ka maqnayn beesha Habaryoonis qabiil ku soo biirayaana uusan jirin.

2-      Dadka hada la dhuudhuumanaya arintan Kuul-caraytana inay danahooda raacdaan oo isaga baxaan Qiila-waqaalada.

3-      Beesha Maxaad-Barre maaha beel aan laga aqoon wadanka soomaaliya gaar ahaan dowlad goboleedada Somaliland iyo Putland ee waa beel isirkeeda la yaqaan markaa qofkii hada raba inuu u sameeyo abtir aan jirin Illahay ha ka baqo, sharafta beeshana ha ilaaliyo.

4-      Waxaan u aragnaa mowduucan kuulcarayntu inuu yahay qandaraas rag ay rabaan inay danahooda ku gaadhaan, markaa waxaan uga u sheegaynaa beesha waxgaradkeeda inay dadkaas u nasteexeeyaan una sheegaan inaysan wakhti iyo hanta isaga lumin arintan waayo wax ka soconayaa ma jiraan.

5-      Dhamaan beesha Maxaad-Barre waxaan kula dardaarmaynaa Illaahay cabsidiisa meel kasta oo ay joogaanba, iyo iska ilaaliyaan wixii khilaaf iyo kala qaybin u keenaya, mar walbana ay ka tashadaan wixii danahooda ah.

Baaqan waxaa soo saarey:

 Dhamaan gudiga ku meel gaadha ah ee Beesha Maxaad-Barre iyo Suldaan Axmed Keynaan.

Gudiga ku meel gaadh ah:

1-      Muuse Adam Xiirey

2-      Cismaan Ducaale Daahir

3-      Caydaruus M Dhuux

4-      C/rashiid Keynaan

5-      C/rasaq H Faarax

6-      Maxamed Muuse Xayir

7-      Rashiid Cisman Cali Buraale

Sidoo kale waxaa shirkaasi joogay dadweyna kale oo farabadan, iyo kuwa aduunka oo dhan kaga jirey khadka taleefanka .

 

Readers Comments

  1. waxaan idinku salmayaa salaan qaaliya go,aanka aad ku gaadheen wadan ka fog kaad uu dhalateen,lakiin tii wuu watay axmed diriye waa dhamaatay ee haloo soo jesto xaqa uu maxaadbare leeyahay inad radisaan hadal waxba ma taro ee ficil ayaa loo bana yahay

  2. ma kula tahay in la diyaariyo taariikh nolaoodkii marxuun maxamud xuseen faarax Ra,iis

  3. Aslamo calykum bahda shabakada dulmane.agiga oo ah gudoomiyah Muusedhariyo ee qurba joogta Ahmed Mohamed Dhinbil, waxaan taageerayaa kuna hambalyeynayaa baaqa wax garadka Max,aad Barre ee kusabsan mashruucii kuul care ,taas anaguna ma ogolin, in beel gabooye kamidah naga baxdo, anigu waxaan aad uga naxay arintan iyadoo ay tahay arin xaga diinta iyo, dhaganka somaliyeeba aan ku fiicney, waxaan kaloo aan leeyahay raga qabangaabinayey arintaas war anaga oo idin dhalney idinkuna aad na dhasheen xageebaad nooga go,ikartaan, ugu danbey waxaan leeyahay ka waan tooba arimahan oo iimaansada beeshiina oo wax wada qabsada. wabilah tawfiiq

  4. cadde cali says:

    asalaamu calaykum dhamaan bahda xaqooda udirarta salaan kadib arintaan waa waxsoojireen ah w raga qaban qaabiyay waa ragu lagu tilmaamo nimaan rabi aqoon ragna aqoon runa aqoon harumayn kafogaada daalimiinta qaryada sheganayso ilaaheyna xaqa hatuso aamiiiin

  5. caasho says:

    Madhiban iyo gaboye ha noolado meel walba uu joogo, sidasan idinku ogahay, qurbaha waxas oo miidhan ayaanu ku haynaye.

    wa billahi towfiiq

  6. hayaad yusuf says:

    madhibaan iyo beesha gabooye way guulaysanayaan xaqaana inoo hiilin insha alaah.guuleeysta aaaaamin
    cadowgiinuna ha jabo aamiin




Kadhex Raadi waxaad dooni