MIDGAHAA KA MUDAN INTII MAGAC NASABNIMO KU MARMARSOON JIRTAY (Muxyadiin X Ciid)

Faafin: Dulmane.com: 23 January, 2010

MIDGAHAA KA MUDAN INTII MAGAC NASABNIMO KU MARMARSOON JIRTAY (Muxyadiin X Ciid)  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

MIDGAHAA KA MUDAN INTII MAGAC NASABNIMO KU MARMARSOON JIRTAY

Ereygan Midgaan ayaa ah mid soomaaliyi intii mudo ah dad gaar ah isticmaali jirtay, tanoo dhaxalsiisay dadkii loo qoondeeyay magacan in umadii soomaaliyeed ee kale laga sinji sooco iyadoo wax walba oo xuna la caadeystay in dhabarka loo saaro dadkan, waxa la bilaabay in dadkii soomaaliyeedi meel walba oo ay joogaanba ay iska dhadhacsheen in dadku yahay Sab iyo Soomaali, tanoo dad badan markan lasoo galinayo xayndaabkan Sabta, sida muuqatana uba egtahay in xitaa Soomaalinimadii dadkan lagala bakheylayo, walow dhankoodana ay isticmaaleen erey ay ayaguna ula baxeen wixii aan xayndaabkooda ku jirin, kaasoo ah AJI.

Masaladan Midgaanimada iyo waxa ay salka ku hayso asalkeedii hore ayaan jeclahay in mowduuceygan maanta aan si tafaftiran ugu faaqido, si aan u daahfuro in sheeko baraley hore, dad aan kala sareyn, wada dhashayna isku kala takooraan, iyadoo laleeyahay labo walaalo ah midna waa midgaan, ka kalena waa nasab, tanina na tuseyso maangaabnimada umadan Soomaaliyeed.

U soo laabo aragtida kow lagu salgooyo midgaanimada, oo ah tan sheekada oranaysa waa waxa jiray labo walaalo, labada walaalaha ah ayaa waxa soo foodsaarey gaajo aad u daran, iyagoo waayay wax ay afka gashaan, dabadeedna helay bakhti, iyagoo bakhtigii nafta kula tacaalay, markii nafi kusoo laabatay ayay socod bilaabeen, iyagoo helay dad marti soora, mid ayaa is matajiyay, markii soor loo keenay, halka kii kalena diiday in uu is matajiyo, tanoo deeto la yiri, maadaama uusan iska matajin bakhtigii kani waa midgaan.

Kaba dhig in sharaftii iyo xurmadii dadkani Soomaalida walaalaha ay ahaayeen ku lahaayeen ku waayeen bakhtigan uu diiday ninka loogu abtirinayo in uu iska matajiyo, sidoo kalena aan ku sifeyno in bakhtiga oo lacuno ay midgaanimadaba horseed u tahay.

Hadaba su’aashu waxa ay noqonaysaa Waa ogtahay, ama waan wada ognahay, in Qabaa’ilkii shalay Gobanimada sheegan jiray, maanta horseed u yihiin wax walba oo xun, iskana ilow in Bakhti buusan iska matajin daliil u aheyd Midgaanimada, maxey noqonaysaa Ajigu Bakhtiga iyo xumaha kale ee uu labacanleynayo maanta, isaga oo aan baahiyu u keenin, daliilka uu la imanayo?

Maxey tahay Nasabnimada uu ku faanayo ninka calan iyo ciid uu lahaa habeen casho ah dhaafsanaya?

Sarkaal Ethiopian ah, ayaa laga soo xigtay isaga oo leh Somalida maanta waxan u naqaanaa ama ugu yeernaa “ANDHI BIIRAA” oo uu ula jeeday (Hal dhalo oo Biir ah), taasoo uu kawaday damiirkooda iyo dadnimadoodu halkaas dhalo oo khamriga ah ayaa kaa xiga.

Hadaba kuwa magacani ku baxayo ma ahan Sabtee la soco, waa kuwa Ajiga nasabnimadu qoorta ugu xirnayd ku faani jiray.

Ku dhawaad labaatan sano, dal iyo dadkii Soomaaliyeed waxa ciida afka u gashey damac fool xun, oo beelihii ku hadaaqi jiray “Eebow Hanagumeyni” ku kala bixi waayeen!

Yaa Nasab ah? Yaase ku faani kara manta Nasabnimadaas?

Waa marqaati ma doonto, in manta Midhibaanku ka nasabsan yahay Soomaali oo dhan, waxaana nasabnimadaas lawadaaga in alla iyo intii xiligan xun ee Somaliyi Labaatanka sano ku dhexjirtay, aan wax hagardaamo ah ula soo bareerin, si dal iyo dadkiisaas daleesha maran yaala uga durdursan.

Xiliga xun ayaa la isbartaa, miyaysan aheyn Soomaali mid ay isku baratay xiligan, marka kuwa nasabka ku faani jiray aysanba kala aqoon Xalaasha iyo Xaaraanta, Xaqa iyo Xaqdarada, Samaanta iyo Xumaha.

Baqti aan la iska matajin, iyadoo waliba baahiyu kuu geeysay, tanoo laba oran karay waa kuu banaan tahay, ayaa waxa ay aheyd daliilka Midgaanimada loo cuskaday.

Maxay noqonaysaa, xumaha iyo fawaaxishta ka daran, Bakhtigii la iska matajin waayay, ee kuwa nasabka sheegan jiray xalaaleysteen?

Mase is weydiisay, hadii Bakhti la cunay midgaan la iskugu baxshay, waxa ay noqoneyso in la iskugu baxsho fawaaxishta manta Soomaaliyi la timid?

Miyaysan cadeyn in MIDGAANIMADU aysan aheyn wax aan kuba fadhin xumaha lagu tilmamayo, ee waxa ibtilada dhaliyay tahay ceebaha aan hidaha iyo dhaqanka loo laheyn, maantana yaal Daas walba oo kuwii Nasabnimada ku hadaaqi jiray.

Caaqil ka mid ah kuwii Madhibaanka ee Gobalada dhexe ku noolaa, ayaa laga soo sheegay in uu u tagay mid ka mid ahaa caaqilada qabaa’ilada kale, asaga oo ku leh “Hebelow hal maalin oo aan Bakhti cunay, ayaan Midgo kunoqonay, Idinkuna maalin walba bakhti ayaad cuntaan, ee waxa aad noqoysaan kawarama”.

Ceeb allaha asturo, kama warami karaan, waayo? Wax midgaanimo ka xun ayaa meesha yaal.

Marag ma doonto weeye ceebihii gunnimada ku aslanaa ee ka dhacay magaalooyinka Soomaaliyeed, Muqdishana horyaalka u aheyd, waxa foolxumadaas walwaalayayna waa kuwii Nasabnimada Doodoodu aheyd.

Miyaysan aheyn manta in lagu dhawaaqo magacooda ay mudan yihiin, amase si gesinimo leh, loogu sheego in Nasabnimada iyo ficilkoodu is laheyn.

Halkaan ka akhriso Maansadii “NASABNIMO MA SHEEGAA”oo isla mowduucaan aan ku daahfurayay

  • Shamsadaa dusheena ah
    Shucaacaa ileyskiyo
    Shacnigaa ka muuqdaa
    Sharci bay ku joogtaa

  • Shimbirahaa ordaaya
    Sharqi iyo galbeedka
    Badahaa shixnadu mari
    Buurahaa shashabaniyo
    Dhulka shamac loo dhigay
    Cirkaa ku shoolaqan
    Shukrigii illaahiyo
    Sharci bay ku joogaan

  • Anna oogta aan shidi
    Inta xumaha shiishiyo
    Ceebaal Shashabiyaha
    Ku shirkoowday waxan jirin
    Baalaleey Shuf bay oran

  • Shuuxshuux horeetoo
    Dadyow lagu shirqoolana
    Shukadii lasaariyo
    Shiraac in aan ka feydaa
    Sow shacuurtu ima barin

  • Runta shaabad wadatana
    Mu’min iyo shariikuba
    Ruuxa sheega weheshade

  • Taas waxaa u shaahida

  • Hadii shaleyto oday
    Bakhti uu shifeystay
    Shiikhsaday baruurtiis
    Sharaftiis ku waayay

  • Kuwa maanta shixirka ah
    Sheydaankiyo ibleyska ah
    Shabahaaya aadmiga
    Ka shiraacday diintoo
    Shaqfaduna ka maqan tahay
    Miyaadan u sheegteen
    Magacii shalay baxay
    Midkaloo ka shisha maray
    Ajiguna sidii shaal
    Lashuxleyn dariiqyada

  • Maxaa sheeko baraleey
    Anaa shuunsareetiyo
    Anaa shishe u sii ridan
    Ama taajka shaaska leh
    Ama shiikha duula leh
    Ama cudud la sheego leh
    Soo xirantay sheekadaas

  • Warkii Aji shushubi jiray
    Isku sheegi jiray waa
    Gunimaday shareysteen
    Saaka may ka sheexaan
    Sow yagaan sidii shini
    Ku shamuumay xumihii

  • Warxun sheegoow lagu sheeg
    Adiguna is sheegtay
    Waayuhuna ku shaaciye
    In aad sheyb u tahay xumo
    Taas waxaa u shaahida

  • Ninka aan shaqo u kicin
    Abidkiisna shaah shuban
    Shantu in ay u hoortoo
    Shaxaad dooni mooyee
    Aan shuqul kale u dhalan
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Ninka shaaricaa u xiray
    Shandad in uu ku baartoo
    Shuftay xaabe khaate ah
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Innan aan shinkeed galin
    Ninka buntukh ku shiishoo
    Ku kufsaday garoonshiid
    Waalidkeed o shishay iyo
    Ka arkaaya sheedana
    Illin shagax leh mooyee
    Waraabaha shush orankarin
    Shaleygaa midkaa dhigay
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Warxun sheegoow lagu sheeg
    Adiguna is sheegtay
    Waayuhuna ku shaaciye
    In aad sheyb u tahay xumo
    Taas waxaa u shaahida

  • Ninka shacab walaala ah
    Konton shaadh u kala xiray
    Cadowgana la showroo
    U shirqoola calankiis
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Ninka qaran shilmaaniyo
    Shaqshaq uun ku doonoo
    Ciidii shubtoo raray
    Badahana shisheeyaha
    Midba shan u kala qoray
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Ninka shuufay Dowladnimo
    Shafeecana ka raadsaday
    Dudo shan iyo tobanoo
    ayaguba shifeeysnayn
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Warxun sheegoow lagu sheeg
    Adiguna is sheegtay
    Waayuhuna ku shaaciye
    In aad sheyb u tahay xumo
    Taas waxaa u shaahida

  • Ninka sheikha ahee
    Shubho galiyay aadmiga
    Sharkana horseed u ah
    Ku shabaaxa ehelkiis
    Dhiigana ka shaaruba
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Ninka aan shaqalkiyo
    Shibanaha siyaasada
    Shanta caynba kala baran
    Jaahilkaa shareeran
    Shalwiyay danteenii
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Ninka ay shidadu u tahay
    Maqsin uu ka shaahoo
    Shaqaaqadii timaadana
    Beelaha ku kala shida
    Odeygaa shidoolka ah
    Shafka waxuu u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Warxun sheegoow lagu sheeg
    Adiguna is sheegtay
    Waayuhuna ku shaaciye
    In aad sheyb u tahay xumo
    Taas waxaa u shaahida

  • Inta aannan sheelleeyn
    Ee camalka shaabaha
    Duulkaan sharxaayana
    Shafka waxaay u taagoo
    Nasabnimo u sheegtaa
    Sharuucdeeda maan helin

  • Beenbaa shaqeeynine
    Dadoow mays sharbixinaa
    Shukaantii illaahiyo
    Xaqa maan ku showrnaa
    Shaamareer ma tuurnaa
    Shareecadu siday tiri
    Waxa noogu sharaf badan
    Agtiisana shafeec kuleh
    Midka eebe shaafiyay

Qalinkii: Muxyadiin X Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

Readers Comments

  1. muxudiin sh/shariif(Drxaaji) says:

    a/c saalan kadib waxaan kaaga mahadcelinaa fikirka iyo juhdiga aad kubixisay maqaalkaan dulmi diidka ah waana sax waxa kaliya ee aan iskagadulqaadi karnaa quursiga ama yasida waa in laqaataa oo loohogaansamaa shareecada islaam ladagaalan siyaasiya kusameenaa dadka wada ama kobciya in nalqudhasado




Kadhex Raadi waxaad dooni