Hayb Sooc: Dhaqan liita oo lid ku ah bani’aadamnimada (Ismaaciil C. Xasan “Khaliil”)

Faafin: Dulmane.com: 23 January, 2010

Hayb Sooc: Dhaqan liita oo lid ku ah bani'aadamnimada (Ismaaciil C. Xasan "Khaliil")  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

Hayb Sooc: Dhaqan liita oo lid ku ah bani’aadamnimada
Waxa falanqeeyay
Ismaaciil C. Xasan “Khaliil”
June 17, 2007

Haybsooc waa maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Hirad 18 ka bishiii April ee 2002. Waa gabay ka hadalaya hayb sooca ama sinji takoorka oo ah dhaqan aad u liita oo lid ku ah bani’aadanimada. Waa mid si cad uga soo horjeeda waxyaabaha ay inna farayso diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee Soomaalidu aaminsan tahay.

Abwaan Mohamed Hirad

Waa dhaqan soo jireen ah oo aan garawshiiyo lahayn, ayna ka siman tahay guud ahaanba Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay. Waa xad gudub iyo godob weyn oo laga galay qayb ka mid ah Soomaalida oo haba yaraatee aanay jirin wax ay kaga geddisan yihiin bulshada inteeda kale.

Haddaba isagoo hayb sooca ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankan xun culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yar yihiin. Taasi ayaana sababtay in dhaqankani muddo dheer soo jiro oo uu illaa casrigan aynu joogno maanta soo gaadho.

Haddaba muddooyinkan dambe waxaa jirtay in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo qabiilooyinka la hayb sooco ee aan macno iyo xaqiiqo midna ku dhisnayn. Inkastoo ay adag tahay in dhaqan muddo dheer soo jiray si dhib yar lagu tirtiro, haddana waxaa waayadan dambe soo baxayay ifafaale muujinaya bislaanshaha bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan cidhib tirka dhaqamada liita ee hayb soocu kawga ka yahay.

Haddaba gabaygan oo si qoto dheer uga hadlaya hayb sooca iyo macnaraddiisa ayaa abwaan Maxamed Hirad uu dhinacyo badan ka eegayaa dhaqankan. Waxa Maxamed bulshada u soo bandhigaya su’aalo ay habboon tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed jawaab waafi ah u raadiyo.

Waxaan filayaa inta laga maansooday hayb sooca in aanu jirin qof sida abwaan Maxamed Hirad si qurux badan oo murti weyn ka dambeyso u soo bandhigay macno darrada hayb sooca.

Waxaan faalladan kooban ku soo qaadan doonaa qaybo ka mid ah gabaygan oo aan si gaar ah u eegi doono, ka dibna waxaan idiin soo bandhigi doonaa gabaygii oo idil.

Abwaan Maxamed Hiirad waxa uu ka amabaqaaday ugu horeynba sinnaanshaha bani’aadamka. Taasi oo aanay jirin cid cid ka sarraysa. Waxa keliya ee lagu kala horreeyaa sida diinteenuba sheegtay waxa weeye cabsida Eebe. Tuducyada soo socda ayaa arrintaas si cad u qeexaya

  • Siday tahay Calow inan rag waa inuu sinnaadaaye
    Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne
    Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye
    Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade
    Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye
    Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho
    Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye
    Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene

Iyadoo haddaba uu abwaanku sidaa u aaminsan yahay sinnaanta bani’aadamka ayaa waxa uu garawsan la’yahay in Soomaalidu ay qaybo bulshada ka mid ah xaqirto, islamarkaana aan laga dhiidhiyin sidii loo cidhibtiri lahaa dhaqankaas silloon ee haybsooca iyo xaqiraada ku dhisan. Waxa uu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:

  • War Soomaali badankeed xaqii, seege oo naca e
    Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide
    Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye

Waxaa in badan la is weydiiyaa waxa ay dadka la hayb sooco kaga geddisany yihiin Soomaalida inteeda kale. Ma midab gaara ayay leeyihiin? Ma af gaara ayay ku hadlaan? Ma diin gaar ayay aaminsanyiin? Ma muuqaal ka duwan soomaalida inteeda kale ayay leeyihiin?

Marka aad u dhabba gasho su’aalahan waxaa kuu soo baxaya sabab la’aanta iyo macno darrada ay aragtida hayb soocu ku dhisan tahay.

Haddaba abwaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka yaaban yahay waxa keenay faquuqa lagu hayo dadkaas. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi

  • Dad sokeeye saafiya ahoo soo jireen nala ah
    Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi
    Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya
    Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka
    Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya
    Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh
    Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
    Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda
    Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay
    Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
    Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah
    Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba
    Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro
    Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus
    ?

Abwaanku uma arko oo keliya in dadka la hayb soocaa ay la siman yihiin dadka intiisa kale, balse waxa uu aaminsan yahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu waxtarka badan loona baahnaa in si gaara loo ciseeyo. Waxa uu Maxamed Hirad si qurux badan u soo bandhigay wax qabadka beelaha la hayb sooco iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.

  • Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye
    Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
    Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
  • Safan cidhibta saafiyo ragaad suulka jabinaaya
    Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
    Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan
    Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
    Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa
    Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
    Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa
    Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan
    Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh
    Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo
    Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey
    Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda
    Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran
    Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya?
    Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay?
    Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye

Soomaalida siiba kuwa gobnimada ku faanaa kumaanay ekaan Soomaalinimada ay iskula qabka weyn yihiin ee ay walaalahooda kale ku faquuqayaan. Waxaa jirta in beel waliba ay meel kale iyo qawmiyado kale isha ku hayaan sheegtaanna in ay halkaas ka soo jeedaan.

Abwaanka oo arrintaas aad ula yaabban ayaa waxa uu isweydiinayaa yaa haddaba soomaali noqonaya haddii sidaa looga wada cararayo

  • Sab haddii la yidhi sooma galo magaca Soomaali
    Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura
    Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa
    Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay
    Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh
    Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday
    Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah
    Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro
    Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey
    Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye

Waxaan shaki lahayn in abwaanku uu hab murti iyo xikmad weyn ku dhisan uu ku muujiyay arrinta hayb sooca qofkasta oo si aad ah u dhuuxaana ay waano uu wax ku qaato u noqonayso.

Abwaan Maxamed Hirad oo gabaygii oo dhan bulshada u soo bandhigaya, kana hadlaya sababta ku kaliftay tirinta gabaygan waxa uu yidhi:

“Gabaygan waxaan ka mariyey xaalad soo jireen ah oo Soomaalida dhaqamadeeda xun ka mid ah. Taas oo ah takoorka dadkeenna dhexdiisa ka jira. Waxaa jirtay in aan la yaabi jiray takoorka, in badana isweydiiyay maxaa dhacay oo dadka qaarkiis loo xaqiraa? Hase yeeshee jawaab i qancisa ma helin. Sidaa darteed waxaan rabaa in aan dadka Soomaalida ah gabay ku weydiiyo sababta uu takoorku dexdheenna uga jiro.

Waxa gabaygani soo baxay bishii April, 18, 2002. Laba magac baa gabaygan ku jira. Mid waa ninka aan ku hal qabsaday oo ah Cali Cabdi Nuur (Cali Dhoof) oo jooga dalka Kanada, kan kalana waa Maxamed Xasan “Dillaal” oo aanu isku magaalo deggenahay. Labada ninba waa rag aanu saxiib nahay.”

Gabaygiina waa kan:

  • Caliyow ninkii subaxya badan, soo jiraye nooli
    Wuxuu soo ogaan jiray hadduu sabab u raadceeyo
    Oo samada eegoo wax badan, sananiyoo reemo
    Waxaan laba sugayn buu mar uun, sahal u sheegaaye
  • Marka hore salaan iyo walaal duco san aamiinso
    Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni
    Midkii aad ku sugan tahay Ilaah, kugu salaameeye
    Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo, kuu yeelye
    Kuu sakhir sareedada adduun saami waafiyahe
    Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel, suubban baarriyahe
    Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e
    Dabadeedna sowdkayga weri, iyo su’aashayda
  • Siday tahay Calow inan rag waa inuu sinnaadaaye
    Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne
    Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye
    Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade
    Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye
    Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho
    Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye
    Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene
  • War Soomaali badankeed xaqii, seege oo naca e
    Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide
    Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye
    Surinkaad walaalkaa dhigtaa waa ku sugayaaye
    Dulmigaa la saaciday xaqaa, sula la waydaartay
    Waa waxa surkii ina jariyo, seedihii dhabare.
    Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gaale
  • Dad sokeeye saafiya ahoo soo jireen nala ah
    Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi
    Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya
    Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka
    Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya
    Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh
    Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
    Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda
    Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay
    Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
  • Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah
    Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba
    Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro
    Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus?
    Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?
    Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin?
    Waa su’aal dadweynaha jawaab laga sugaayaaye
  • Sax inaynu nahay iyo inaan saaruf nahay waalan
    Kala saari waayoo anigu waan sahwiyayaaye
    Haddii seere guur jiro hablaha sumalxad loo diiday
    Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu saami ugu yeeshay?
    Yaa siiyey madaw saaqidiyo sal iyo hoy laawe?
    Waa su’aal dadweynaha jawaab, laga sugaayaaye
  • Afartaa salaan sharaf leh iyo saarid calankeen dheh
    Suugaan aan sir iyo xeel lahayn soo bandhigiddeed dheh
    Sayid Aadan Carab iyo sidii Samatar maw sheegay
    Samadoon xaqoodii sugnaa siin ma ka higaadshey
    Sadar kalana waa xaajo aan sabab u soo waayey
  • Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye
    Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
    Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
  • Safan cidhibta saafiyo ragaad suulka jabinaaya
    Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
    Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan
    Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
    Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa
    Ee socod ammaniyo xarrago soo dejay ee keenay
    Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
    Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa
    Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan
    Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh
    Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo
    Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey
    Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda
    Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran
    Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya?
    Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay?
    Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye
  • Afartaana saymaha gugiyo sagal aruuryaad dheh
    Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo sadaradii hawd dheh
    Xaq la seegay qaar laga sir galay saani ma u sheegay
    Ma seegaa la yidhi wiil abtigii suu ahaan jiraye
    Saxaafaddii Ismaaciil Miriyo sawdkii Cali dhuux Dheh
    Sawd kalena waa xaajo aan sax u malayn waayay
  • Duulkii salleeliya murtidu waa ka sibiqdaaye
    Been bay sad moodaan runtuna waw sun iyo hooge
    Waxaan suura gelin bay waqood kuu sawirayaane
  • Sab haddii la yidhi sooma galo magaca Soomaali
    Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura
    Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa
    Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay
    Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh
    Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday
    Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah
    Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro
    Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey
    Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye
  • Anigana siday ila tihiyo maan salkaba gaadho
    Maan soo gunaanado murtida sii wad lagaroone
    Kala soconayaa oo dad kale sidig ku raacnaaba
    Kala soocannaa oo badhkeen sabo ku sheegnaaba
    Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo sawdka hadalkeenna
    Iyo magacan uu sugay intuu soohdin nagu beeray
    Cid uu siiyey may jirin horteen sugina maysaane
    Innagaa wax kala saar wadniyo kala sarrayntaase
    Innagaa midkii sebiyo badan kibir sarkhaamaaye
    Innagaa midkii seben dhergaa talada seegaaye
    Innagaa midkii sado helaa seef la kacayaaye
    Innagaa midkuu seegay calaf samir darraadaaye
    Innagaa sokeeyaha nacnoo waabna geed sare e
  • Siinleydan aan daabiciyo sadaradaan qeexay
    Mar haddaan sadriga loo furayn samo ninkii doona
    Soomaali weyntii haddii laga sabool haaday
    Sugi maayo calan lay sudhiyo sidasha faankiise
    Sugimaayo xeer loo sinmiyo diin la saacido e
    Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu waa sad qaaliya e
    Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto
    Ubadkaad siddaan iyo kuwaa soo socda u meersha
    Anigana sawaab iyo ajraa Eebbe igu siine

Ismaaciil C. Xasan
London UK
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

Waxa aad Abwaanka maansada tiriyay kala xidhiidhi kartaa:
E-Mail: xagar2000@sbcglobal.net

Readers Comments

  1. Tuke says:

    Maanso wanaagsan!

  2. WAA ABWAAN FARXAAN MAXAMED FAARAX OO KU MAGACDHEER FARXAAN GAMUURE OO KAAGA MAHAD CELINAYA GABAYGAN SIDA AAD UGA HADASHEY DADKA DULMAN 3WAXAAN QIRAYAA INAAD TAHAY SOOMAALI DHALAD AH ANIGOO KA HADLAYA ARINTAN AYAAN TIRIYEY GABEY AAN UGU YEERAY XAQ-ISKU-MAAWEESHA WEBSITE-KAN AYAANA KU QORI DOONAA MAANTA

Kadhex Raadi waxaad dooni