Faafin: Dulmane.com: 22 January, 2010

Halkan ka dhageyso Waraysigii boqor ahmed iman uu siyey radio dulmane
Safiirka NewZealand oo loo Doortey Shaqsiga Sanadka 2010
Safiirka NewZealand u fadhiya Somaliland mudane: Cabdi Xassan Faarax Buuni isla markaana ka soo jeeda beelaha gabooye ayaa waxaa loo doortey shaqsiga sanadka cusub,
Bayaan ay ku saxeexan yihiin qeybaha kala duwan ee bulsha weynta beelaha gabooye ayaa waxaa la soo gaadhsiiyey xafiiska dulmane ee magaalada hargeisa.
Waxaanu u dhignaa sidan:
Anagoo ah boqorada, Sallaadiinta, Cuqaasha, Culimada, Aqoonyahanada, iyo Haweenka bulsha weynta beelaha gabooye waxaanu halkan ku cadeyneynaa inaanu u dooraney shaqsiga sanadka Mudane: Cabdi Xassan Faarax Buuni inuu yahay shaqsiga sanadka waxaanan uugu garaney kadib markii aanu aragney
1: midnimada uu ka dhex dhaliyey umada beelaha gabooye intii uu joogey dalka
2: wax qabadka aadka u qiimo badnaa ee uu qabey intii uu dalka joogey sida kuraasta uu u iibiyey madaariska quba
3: kulamadii uu la qaatey madaxda dalka isagoo kala Hadley arimaha beelaha gabooye
4: isagoo sabab u ahaa magacaabista gudoomiye kuxigeenka xuquuqul iisaanka qaran
Bayaankan ayaa waxaa ku saxeexnaa hogaanka dhaqanka beelaha gabooye:
1; Boqor axmed ugaas iimaan warsame Boqorka guud ee beelaha gabooye
2: Suldaan Iid C/laahi xirsi: Suldaanka guud ee beelaha gabooye
3: Caaqil: Ibraahim cabdi xassan: Caaqilka guud ee beelaha Gabooye
4: Caaqil: max’ed cali faahiye
5: Sheikh: Max’ed muuse Nuur abu sufyaan
6: Gudoomiye: Xassan sheikh max,ed
7: Sheikh: Najax Xussien xariir
10: Caaqil: Max,ed jama cabdi
haddaba dhageyso Boqor axmed oo ka waramaya sababta ay u doorteen cabdi xassan
Hargiesa Dulmane Office:
Email: Midgaanyare@hotmail.com