Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Shaacir oo la shiray hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye (More read)

Faafin: Dulmane.com: 22 January, 2010

Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Shaacir copy
Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Shaacir oo la shiray hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye (More read)

  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

  

 Abwaan Max,ed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo Abwaan Yousuf Osman Abdulle Yousuf Shaer oo kamid ah abwaanada uugu magaca sareeya Somalia ayaa waxa ay shir aad u qiimo badan la yeeshay Hogaanka sare ee dhaqanka beelaha gabooye shirkan ayaa waxaa uu ka dhacay hotel hadhwanaag ee magaalada hargeisa.
Haddaba abwaanada ayaa hadalka billaabey waxaaney ugu horeyntiiba hambalyeeyeyn dhamaan bulsha weynta beelaha gabooye meelkasta oo ay dunida ka joogaan intaas kadibna waxa ay abwaanadu si qoto dheer uula Hadleen hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye iyagoo ugu horeynba u muujiyey hididiilo wacan iyo is badal socda oo uu daliil u yahay waaqica dunida.
Abwaan hadraawi ayaa waxaa uu canaan aad u baaxad weyn dusha u saarey hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye waxaanu abwaanku ku dhaliiley kala qeybsanaanta dhexdooda taala iyo sida ay u huwan yihiin taashkii umada.
Abwaanka ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatey qurba joogta beelaha gabooye oo iyagu inta badan ka niyad jabey dadka gudaha jooga waxaanu abwaanku yidhi dadka aan qurbaha kula kulmey waa ay jecel yihiin iney dadkooda wax u soo qabtaan iyaguna dalka ay dhistaan laakiin waxaa ay laayihiin cid mideysan oo ay la soo xidhiidhaan.
Abwaanka ayaa gabagabadii hadalkiisa ku soo koobey iney maanta tahay wakhtigii umada gabooye ay dadkan u talin lahaayeen maadaamoo in badan cagta hoosteeda lagu hayey laakiinbuu yidhi abwaanku waxaa mihiim ah wada jirkiina iyo wax wada qabsigiina.
Cududa aad galin laheydeen danta iyo u adeega umadiina ayaad idinku dhexdiinna isku isticmaaleysaan.
Dhinaca kale abwaan yuusuf shaacir ayaa dhinaciisa isna hadal kooban ka yidhi madasha waxaanu yidhi Kalmad aad u qaali ah oo ah Haddaad aragto Duul wada dhashay oo Diirka ka collobey iyagoo iswada diidanbaa laga wada daneystaa,
Shirkan ayaa waxaa uu xooga saarayey sidii midnimo waarta looga dhex heli lahaa dhamaan hogaanka beelaha gabooye.
Boqor Axmed ugaas iimaan warsame oo ku hadlayey magaca hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye ayaa waxaa uu dhinacooda balan qaaday iney qaadanayaan tallada abwaanada muujianaaya midnimo,
Ugu danbeyntii shirkan ayaa waxaa uu ku dhamaaday is afgarad iyo jawi wacan,
Hargiesa Dulmane Office:
Barkhad jama hirsi
Email: Midgaanyare@hotmail.com

Readers Comments




Kadhex Raadi waxaad dooni