Hayb-soocu waa dulmi culimada qaar ay qayb ka yihiin!(Mohamed Ahmed Wallays )

Faafin: Dulmane.com: 19 January, 2010

Hayb-soocu waa dulmi culimada qaar ay qayb ka yihiin!(Mohamed Ahmed Wallays )  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

  Soomaalidu waa ummad iino (cillado) badan, haddana waxa  dhibka u keena caashaqda oo aan laga fur-furi karin. Inkastoo caadooyinka qaarkood ay la wadaagto dadyow kale, haddana waxay leedahay caadooyin badan oo khatar ku ah, naftooda, maalkooda, diinkooda, sharaftooda, iyo caqligooda haddana ay gos-dambeedka ku heysato!.  Shantaas waa waxyaabaha loo yaqaanno isirrada 5-ta ah (Al-kulliyaat al-khamsa) oo islaamku  dhawro bani’aadamka. Haddii shantaas ama wax ka mid ah la waayo waxaa dhantaalma dadnimda! Caqligu wuxuu keenayaa in wixii nacfi lehna lugu mintido, wixii dhib ku jirana laga  tago.   Haddaba hadii aan wax ka soo qaato caadooyinkaas somaalidu ku dheggantahay dhibkana ku haya waxaa ka mid ah: Hayb sooca, Qaadka, Qabyaaladda iyo Guurka loo yaqaanno masaafada!. Waxaa nasiib darro ah in caadooyinkaas iyo kuwo kaleba aysan ku koobnayn caamdada balase ay ka garab heystaan qayb ka mid ah culimada oo had iyo jeer u raadiya qiil iyo marmarsiiyo daciif ah oo qofka run-raadiska ah uusan ku qanci karin.   Caadooyimnkaas waa kuwo ay soomaalidu dhibkooda u  simintahay marka laga reebo hayb-sooca oo  ku gaar ah qaar ka mid ah bulshada soomaaliyeed. Hayb sooca wuxaa lala beegsaday dadkii farsamda iyo sancada yaqiinnay ee bulshada anfacayay taasi waxay caddayn u tahay inuu yahay wax loogu tala galay dib u dhac!.   Heyb sooca (Quursiga): Hayb-sooca ama takoorku waa caadada ugu xun ee ay soo maalidu leedahay. Iyadoo ay diinta Islaamku si cad u diidday kala sarraynta dhalnteedka ah, is yasidda iyo is xaqiridda, haddana waxaa wax laga xummaado ah in culimada diinta qaar ay ku mintidaan inay is waafajiyaan kelmadda “gayaan” iyo “kuf” ama isu dhignaanta lammaanaha guurka. Culimada badabkoodu iyagoo markay kitaabbada akhrinayaan isku  raacsan in labada qof ee Muslimka ah is-gayaan, waxaa hubaal ah in badankooda aysan afka dhaafsiisnayn. Waxaa yaab leh inuu sheikhu akhriyo aayadaha iyo axaaddiista sida cad ee aan leexleexadka lahayn uga hadlaaya arrinkaas, haddana uu (tolkiisa u fatwoodo)  ama u sheego in “geyaan-soomaaligu” yahay wax ay diintu qirayso. Waxaa baas leh been abuurkooda, waxaa shar leh caddaalad darradooda, waxaa xumaan leh hawadooda iyo shaydaanka ay caabbudaan. Waxaa nasab dhimman ah oo aan muslimiinta geyin, waa alkuliisteyaasha, taarikusalaadka, cilmaaniyiinta, dhuuni-qaateyaasha, mooryaanta, muqayiliinta iyo inta dulliga ah  ee la midka ah! Qabiilkay doonaan ha u dhaseene!   Waxaa qosol leh in Soomaalidu guud ahaan ay ka mid tahay dadka madow oo la ogyahay inay yihiin dadka loogu yasidda badanyaahy caalamka iyadoo meelaha qaar laga yiraa “cabiid” meelna kalaena “Niger” iyo wax la mid ah. Waxaad arkaysaa iyagoo ka cabanaya midab takoor in lugu hayo iyagoo is-hilmaansiinaya inay iyaguba yasaan kuwa aysan waxba ku kala duwanayn! Waxaad arkaysaa iyagoo soo daliishanaya aayado iyo axaadiis tilmaamaysa sida uu dadku u simanyahay!! Iyagoo hilmaansan inay dhibkaas oo kale ay ku hayaan walaalahood!   Takoor-ka ama quursiga ka dhex jira ummadaha qaarkood wuxuu leeyahay sababo la fahmi karo, tusaale ahaan isirka, midabka, ama diinta, laakiin takoorka soomaalidu kuma fadhiyo asaas la fahmi karo, waxaad arkaysaa laba qolo oo wada dhalatay oo mid la quursado ama la takooro!   Qaadka: Waxaan ognahay inuu qaadku  ama “Jaadku” uu ka mid yahay daroogada ama maan dooriyeyaasha diintu mamnuucday, dhibaatooyin badanna u leh dhaqaalaha, nolosha qoyska, diinta, iyo cqliga dadka. Haddii ay culima-diinku  cod fasiix ah ku caddayn lahaayeen inuu xaaraan yahay dad badani kuma daateen, qofkii cunayana wuu u bareeri lahaa sida kuwa khamriga cabba oo kale, hase yeeshee waxaa qiil u raadinayo culimo hawadoodu jiidatay  lagana yaabo inay ka mid yihiin kuwa markay marqaamayaan macaansada markay ka kacaanna lacnada qaadaka!   Qabyaaladda: Ha la yaabin haddii aad maqasho qof dhahaaya Soomaalida caqiiddadooda koowaad waa qabyaaladda, maxaa yeelay qofka waxaa iimaankiisa ah waxa noloshiisa haga, waxa uu ixtiraamo, waxa uu ku dhegganyaahy, waxa uu naftiisa iyo xoolihiisaba ku bixiyo.   Bal fiiriya waxa ay qabyaaladdu na badday! Inaan noqonno kuwo lugu maadsado, kuwo dhiiggoodu “haddur” xalaal yahay, kuwo ihaanayntoodu aysan dambi ahayn, kuwo xumaan oo dhan dusha loo saaro waxaa sabab u ah qabyaaladda. Qabyaaladdu waa cilladda ugu weyn ee ay ka faa’iidaysan jireen gumaystayaashu haddana ay ka faa’iidaysan doonaan. Qab-qblayaashii dad-ka cuni jirey waxaa dadka “hayin” uga dhigay waa qabyaaladda. Haddana waa taas oo cid Soomaali ka fur-furi karta lama arko, waxaa jooga  “Culimada tolka” oo iyagu u diyaara inay xalaaleeyaan ama xaaraameeyaan wixii uu tolku u baahdo, Inay banneeyaan dhiigga hadba qoladii uu tolku la colloobo!   Guurka Masaafada: Guurka masaafadu waa caado ay leedahay Soomaalidu, taasoo gabadha laga kaxeeyo meesha uu joogo weligeedu lana geeyo meel uusan joogin, dabadeedna la mehersado iyadoo laga dhigayo qof uu weligeedii maqanyahay. Anigoo og in masaladu hadal badinayso marka la yiraahdo nikaaxaasi ansax ma yahay? Tan laysku raacsanyaahy waxay tahay in uu dhibaato aad u badan ku hayo soomaalida. Waxaa ka faa’idaysta sharrow-yada, waa waxa fududeeya in gabdho badan la guursado lana furo iyadoo aan waalidkii ay guriga la joogtay ka war qabin! Waa arrinta fududaysay in la helo qof haween ah oo ay dhowr nin qabaan! Culimada difaacaysa caadadaan waxaa habboonayd inay waalidiinta ku boorriyaan inay guurka fududeeyaan oo aysan xoolo ku xirin, ee ma ahayn inay difaacaan waxa dadka dhib ku ah, saxnimadoodana uu muran weyni ka taaganyahay!   Culimada maxaa lugu galay? Dad baa laga yaabaa inay maqaal kayga u fasirtaan mid loogu gefayo culimada, laakiin xaashaa-lillah, Culimadu waa waalidkeen, waa walaalaheen, waxay nugu leeyihiin abaal weyn, xaqna uma lihin inaan u gefno, hase yeeshee, culimada waxaa ka mid ah kuwo  cilmiga u gefa, caamadu waxay ku maahaan “wadaad qandi uu wax ku qaato iyo qiil uu ku bannaysto ma waayo!” inkastoo ay tahay maah-maah aflagaaddo ah, haddana waxaan ka xumahay inay wax ka jiraan, oo la helayo culimo ku hawlan inay taageero iyo qiil diinta uga baar-baaraan waxyaabaha ay ku kacaan dadka hawadooda raaca!   Sidee lugu tir-tiri  karaa quursiga?? Anigoo og inay tahay hawl adag in somalida laga fur-furo is-quursiga, haddna waxay ila tahay in wax laga qaban hadii la helo iskaashiga dadka wax garadka ah ee fahmsan dhibaatada ay caadadaas foosha xun ku hayso mujtamaca soomaaliyeed iyo culumada diin-raaca ah ee aan caado raaca ahayn, culimada aaminsan in dhaqanka diinta la waafajiyo ee aan aaminsanayn in diinta dahqanka la waafajiyo.!   Arrintu waxay u baahantahay xal aan kusoo bood iyo caaddifad ahayn oo si qorshaysan looga baaraan dego oo leh istriraatiyada waqti dheer leh.   Xalku wuxuu ka imaan karaa laba dhinac: dhinaca uu quursigu ku dhaco iyo dhanaca uu quursigu ka yimaado, dadkooda wax garadka ah.   Waxaa nasiib darro ah in beelaha muddada dheer dulmanaa uu dulmigii ku yeeshay raad aad u xun, iyadoo laga yaabo inay naftooda yasaan intaan dad kaleba la gaarin, dadkkaasi waa inay fahmaan in quursigu yahay waxaan caqliga iyo diintuba aqbali karin, ha ogaadeen inuu yahay imtixaan hadii ay ku samraanna ay ajarkiisa heli doonaan, sidaa darteed waa inaysan is-niyad jebin, hadii ay dhulka is dhigaan  ha ogaadeen inay adkaan doonto in la tir-tiro caadadaas xun. Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan!   Dhinaca kale ee muhiimka ah waa culimada diinta (kuwooda diin raaca ah), haddii ay culimada diintu ka run sheegaan iimaankooda, haddii ay caddeeyaan in waxaasi ay yihiin wax ilaahay caradiisa keenaya, in ay yihiin dhaqmo laga soo guuriyey Ibliis, waxaan hubaa inay taasi dhiirrigelin doonto dadka Rabbigood iyo rasuulkiisa Ixtiraamka u haya. Waa inuu caalim kasta duruustiisa ku daraa barnaamij uu arrikaas ku caddaynayo. Haddiisa ay culimadu sii wadaan qiil u raadinta foolxumadaas ha ogaadeen in mujtamaca soomaaliyeedna uu sii ahaan  mid dambeeya oo dulli ku noo ah.   Kaalinta ugu muhiimsan ee geesinnimada u baahan wuxuu saaranyaahy ummadda soomaaliyeed ee caqliga fiyow ilaahay siiyay Alle iyo Rasuulkiisana rumaysan, in marka ugu horreysa uu qof walba uu naftiisa iyo ehelkiisa kala dagaallamo caadadaas, inay ubadkooda ku barbaariyaan ka fogaanshaha caadadaas, saaxiibadooda iyo qaraabadoodana ay ka waaniyaan.   In badan oo dadka ka mid ah waxaa muuqata inay xoogga saarayaan takoorka “guurka” , hase yeeshee midkaas waxaa ka  daran fiirada yasidda ku dhisantahay ee loo hayo dadkaas, in loo haysto inay dadka kale ka hooseeyaan in naftooda iyo cirdigooda la bannaysto oo aan laysku ceebayn, waxaa taas ka sii yaab badan in laysugu sheekeeyo sheekooyin dhalnteed ah oo yaab leh oo lugu muujinayo in dadkaasi aysan dadka ku jinsi ahayn, ama sababta loo takooray ay tahay fal xun oo ay sameeyaan. Markii darbigaas uu shaydaanku dhisay la dumiyo waxay ila tahay kan guurku inuu noqon karo tallaabada kusoo xigta .   Waxaa yaab leh in Soomaalida badankooda tacliintu  aysan u kordhin waxaan badawnimo iyo doqonnimo ahayn. Dadka wax barta ama dal mareenka ah meeshii la rabay inay caadooyinkaas tuuraan iyagaa uga  dheggan   kuwa aan waxba baranin. Kolley anigu “shaqsi ahaan” ma badana rajada aan ka qabo professorrada, injineerrada, dhaqaatiirta, bayloodyada, saraakiisha, faylasoofyada, iyo dhaqaala yahannada marka laga reebo kuwa uu ilaahay garashada saliimka ah siiyey. In badan oo kuwaas  ka mid ah waxaan kusoo bartey 16 sano ee qab-qablayaasha, waxaa baas leh tacliintooda, waxaa sharaf-daran shahaadooyinkooda!, waxaa khasaaray cashuurtii wax lugu soo baray!   Fariin deg-deg ah oo ku socota Maxaakimta Islaamka! Waxaa tihiin qorrax soo baxday iyadoo gudcur “dam” ah oo aan isha farta lala helin la joogo. Qorraxdu markay soo baxdo dadku waxay usoo kacaan nolol maalmeedkooda, bahalladii mugdiga ku shaqaysan jirayna waxay u cararaan godadkooda.!!   Waxba ha dhibsanina kuwa qaylinaya waa bahalladii 16 sano mugiga wax ku jaqayay oo rumaysan la’ in waagii baryey! Laakiin iska jira inay amaantu idinla tagto oo aad hilmaantaan u mahad naqa Allah!   Waxaad xorayseen ummadda Soomaaliyeed qaarkood, qaarka aad xorayseen waa kuwo beri xor ahaan jirey, laakiin waxaa jira kuwo innaga mid ah oo aan arag intiinka xorriyadda, kuwa aan garanayn dhadhanka xornimada, kuwo  noogu nacfiga badan oo ugu abaal gudnay inaan “faquuqno”  ama aan takoorno, waa dad ay awoowayaasheen iyo aabbayaasheen ay  dulmin jireen, annaguna aan weli dulminno!, waxaan idinka baryaayaa inaad dadkaas xoraysaan si uu ilaahay ugu dambi dhaafo aabbaysaasheen iyo awooweyaasheen!   Kolley cadawgu idin dayn mayo magacyo badanna waa laydiin bixin doonaa, waxay ila tahay haddii aad caada-shaydaankaas baab’isaan oo aad xayndaabkaas jiirtaan, inaad taariikhda ka gelaysaan baal dahab ah, Ilaahayna idinkugu naxariisan doono. Nebigeennu waa tuu xadiiskiisa macnihiisu yahay ku yiri “Qof waxaa shar ugu filan inuu walaakiis Muslim ah xaqiro!!” inta aan is xaqirayno weelkeenna shartu waa ka sii buuxsamayaa !! hormuud noogu noqda inaad daadinno weelka sharta oo aan ku beddelka kheyr, is-xtiraam iyo is-jacayl.   Waxaan idiin soo jeedinayaa : (1)   Inaad samaysaan olole weyn oo dadka lugu baraarujinayo fool-xumada  dhaqankaas iyo sida uu usoo jiidi karo caro Ilaahay. (2)   Inaad ku dhiirri gelisaan beelaha la takooro ama la quursado inay baraarugaan mujtamacana soo dhex-galaan, loona sheego in yasmada ama takoorku uu yahay dhaqan sheydaan oo aan Ilaahay iyo rasuulkiisu shaqo ku lahayn. Tallaabadaas oo aan dareemayo inaad qaaddeen oo waxaan arkay xarun loo furay haweenka  beelahaas. Waxaan soo jeedin lahaa in dadka kalena lugu casuumo maalmaha qaarkood, doodo iyo muxaadarooyin idaacadaha laga sii daayana lagu qabto. (3)   Inay Culimada diintooda ka run sheegta ay naftooda ku billaabaan oo ay gabdhahooda iyo wiilashooda guur-doonka ah u guuriyaan wiilasha iyo gabdhaha diintooda iyo akhlaaqdoodu wanaagsantahay ee ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco. Nebiga SCW waxaa uu dadka ka reebayo naftiisuu ku billaabi jirey, Ogaada farqigu waa halkaan!!! Way jiraan dad badan oo caay-caayay takoorka idaacado ka hadlay, dad xir-xiray oo baala-xoofteeyey laakiin waxay ku guul darraysteen markii ay diideen inay wiilashooda iyo gabdhahooda ku billaabaan! Waa tii uu Nebiga suubban yiri xadiis uu macnihiisu yahay “Hadduu idiin yimaado qof aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa la dhacdaan u guuriya, haddii aadan sidaas yeelin waxay noqonaysaa fitno iyo fasaad weyn!” (4)   Inaad dhiirri gelisaan is-guursiga dadka la kala qoqobay, gacanna ka geystaan inay dhismaan qoysas wanaagsan oo tusaale noqda, si loo beeniyo dadka ku andacooda inaan lala dhaqmi karin beelaha takooran, kana codsataan dadka wanaagga jecel inay ka qeyb qaataan dhiirri gelinta arrintaas.   Xasuus sharafeed iyo duco!! Waxaan xasuus sharaf leh iyo duco u dirayaa dhamaan intii isku dayday inay burburiyaan xayndaabka sheydaan ee hayb-sooca, intii iimaankooda ka run sheegtay, intii lugu dhibaateeyey ama lugula collaytamay bisaylka garaadkooda, waxaan si gaar ah u xusayaa. Allaha u naxariistee saaxiibkey C/risaaq Xirsi Colow xisaabiyihii hore ee shirkadda Al-barakaat, kaasoo ka mid ahaa dadkii diintooda ka run sheegay, ee burburiyey darbiga Jahliga, rabbigoodna la kulmay iyagoo iimaankooda ku sugan. Waxaan Ilaahay ka baryaa inuu Jannadii ka waraabiyo, annaga uusan gadaashiis na fitnaynin ubadkii uu ka tegayna uu siiyo samirsiin, cudud iyo kaalmana u noqdo!   Wixii aan saxo waxaa i waafajiyey Allaah, wixii aan khaldana waa naftayda aqoonta yar iyo shaydaan!   Mohamed Ahmed  Wallays Yaaqshiid – Muqdisho inawallays@yahoo.com

Readers Comments




Kadhex Raadi waxaad dooni