Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010
Assalama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.
Waxaan jeclahay inaan halkan ku soo gudbiyo sida aan run ahaantii u arko suugaan qiimo badan leh taariikh dhaxal-gal ahna u ah ummadeena dulman.
intii aan joogey itoobiya waxyaabihii aan aadka u xiiseeynaayey, ayaa waxaa ka mid ahaa suugaanta eey tiriyeen abwaano gabooye ah, kuwaasoo munaasabado kala duwan iyo sifooyin kala gedisan uga tiriyey maansooyin run ahaantii aad qaali u ah una baahan in la qoro aadna loo uruuriyo; nasiib xumada na heysatana waxaa ka mid ah in taariikhdeenu u baahan tahay in la uruuriyo lana qoro, waxaadna moodaa in dhinacaas aan aad uga gaabino.
hadaan soo qaato tix sida leey sheegay laga tiriyey goob ciyaareed, uuna tiriyey alaha u naxariistee abwaan Cali kolon oo aan filayo in dad fara badani eey garanayaan, tixdaan oo uu mariyey abwaanku sida la weriyey muddo 20 sano ka hor ahayd, sababta eey ku timidna ahayd hiil uu u hiilinayey nin tolkii ahaa oo lagaga badiyey ciyaarta, isla markaana markii uu goobtii yimid lagu bilaabey erayo tuur tuur ah, iyadoo loo sheegayo dadkii goobta joogey inuu midgaan yahay, goobtii buu soo galay isagoo boodaya ciyaartii isla markaana tirinaya tixdan:
MADHIBAANKA FARA BADAN
EE FARO GOOYE IIBSADEY
FAARAX GARAAD LA FEYLAMEY
EE GEEDHA FOOFSADEY
FEEDHAA DEGAAN AHAY,
ADNA FAATIX FIDHIRIQIYO
FAATAA DHUGLAA TAHAY
INUU FAATIX HAGAR YAHAY
HARTIGABA MEEL KA SOO GALO
WAA DHAAR HALAAG WADATEE
NINKII HUBOOW HALKAN ISTAAG.
jawaabtii dadkii joogey goobtu waxeey noqotey MA HUBNO.. MA HUBNO.. MA HUBNO… halkaasna waxaa guul ku helay abwaan Cali kolon inkastoo la sheegay ninkii kale inuu markaa tiriyey tix gabey ah oo kuhaan ku noqotey markii danbe cali kolon sida la sheegay. intaa keliya ma ahayn tixdu, waxaanan jeclaan lahaa cidii heysa ineey inoo kamisho, oo eey noo soo qoraan.
sida erayadii uu ka bilaabey sida la ii sheegay oo eey ka mid ahaayeen:
INA HAWEYSANAAN AHAY
HIIL BAA I KEENAY
HALO DHALAAN HOWD KU HAAYEY
………………………………………….
marka taariikhda suugaanta gabooye oo aad u faro badan una qiimo badan waxaan jeclaan lahaa in la qoro, si eey uga faa’iideystaan jiilka soo koraya, cid kasta oo awoodi karta haddii maanta culeyska eey saari waayaan waa fursad naga dhumeysa waayo wax badan baa nala aasey, maantase waa inaan ka faa’iideysanaa fursadaha la heysto ee horumarka ah.
Mohamed’
WABILAAHI TOWFIIQ
bucurde14@hotmail.com