Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010
indhawaydba wataanan marin maansadii gabaye
maskaxday wakaan ka jaray muhashadiisiiye
muftaaxi adkaayeen kuxidhay maanta aan kafuro
macna gabayga loo odhanjiray iyo meel uu leeyahaye
la iskama marduufe sharcibuu maandhaw leeyahaye
kulba xiisaddii muuqataa lagu macneeyaye
magaceeni aasnaa haddii moolka laga saaray
mugdigii haddii laga baxay oo ay maalintahay ciida
dadkii kala maqnaan jiray haddaan meel iskugu keennay
mabda waa inaan yeelannaa oon muujinna sharafe
mufti sheekha waayeel murtile mudanayaal jooga
dhalinyaro macnaha fahantay oo meel uwada jeedda
marwo sharafle inan muuqata oo waliba maamuusle
maskaxdii iyo garaadkii haddaan meel iskugu gaynay
maya waxaan nidhaahnana haddaan nalamarsiinaynin
mabda waa inaan yeelanaa oon muujinaa sharafe
gobanimo waxaa loo maraa meelxun iyo haawle
maalka iyo naftaa loo huraa meelkastoo adage
majaraha haddaan loo adkayna way murgacataaye
afartaa mecneeyaye haddaan hadalka miisaamo
murtida iyo ujeedada haddaan meesha kacaddeeyo
waxbadan baan maqaarsaar ahaa muuqan oon jirine
waxbadan baamubaashiga sidiis la imaquunsadaye
niyadda yaan ku maaweelin jiray maalin baaimane
xaq ilaahay muujiyay ayaan cidi majiirayne
maanshoo ifaayaan gacmaha lagu madoobayne
mashquul yaanay kulanoqonqofkale magac inaadsiiso
muuqaaga kii aan jeclayn adu hamaamuusin
madmadaw aduun kaaga jirin muuji sharaftaada
taariikh xusuus mudan kufaan magac gabooyaa leh
murtiba abwaan laga dhaxla sheeko meelmarahe
karti iyo ismaqal baa ummadi magac kugaadhaye
maskaxdii iyo garaadkeeni hore maanta kor uqaada
geedaha suntii kama madhane macalimiin keena
mariidka iyo waabayda shiila oomaylinta afaysta
muran iyo khilaaf keeni wada madax aan goyno
ninjeclaysi iyo eex maanta uma baahnin
midnimada gabooyana waa lagama maarmaane
__________________________________________________________
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, “Dulmane Online” sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.