HALA GUURSADO HABLAHA KA SOO JEEDA BEELAHA DULMAN (Maxamed Muxiyaddiin Cali)

Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010

HALA GUURSADO HABLAHA KA SOO JEEDA BEELAHA DULMAN (Maxamed Muxiyaddiin Cali)  | Akhri Qoraalkan

Weyneeso Masawirka ( Xiix masawirka korkiisa)

  • No Related Post

HALA GUURSADO HABLAHA KA SOO JEEDA BEELAHA DULMAN
(Olole looga soo horjeedo xaqiraadda Dumarkaas)

Dood xiiso badan oo ku saabsan xaqiraadda, yasidda, quursiga ama takoorka bani’aadanimada ka baxsan ee loo geysto dadka ka soo jeeda beelaha dulman ayaa hareysay meel lagu shaaho oo aan joogay, waxaana halkaas fikradahooda toosin ka soo jeedinayay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay arrintani dhibeyso.
Dhab ahaan aad ayaan ugu farxay inaan arko jiil cusub oo diyaarsan, lehna garaad biseylkiisu gaaray inay si cad u diidaan quursiga soo jireenka ah oo sida khaldan milki oo kale looga dhigay dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda beelo nafiif ah oo aysan jirin wax xumaan ah oo loo nisbeyn karo.
Doodda aqoonyahannadaas ayaa si gaar ah waxay diiradda u saareysay takoorka bilaa naxariista ah iyo sababaha loo diido guursiga hablaha ka soo jeeda beelahaas sharafta badan, waxaana markiiba igu dhashay inaan qalinkeyga u qaato qoraalkaan, olole ballaaranna u galo in qowmiyadahaas dulman ay helaan xuquuqdooda ijtimaaciga ah, si gaar ahna aan mujtamaca ugu yeero in ragga beelaha wax xaqiraya ay xaal ahaan u go’aansadaan inay gabdhahaas guursadaan.
Xaqiiqdii hablaha ka soo jeeda beelahaas dulman, waa kuwo aad uga qurux badan kuwa ka soo jeeda beelaha wax xaqiray, xurmadooda iyo qaddarintoodana aad ayey u sarreysaa sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyey dumarka beelaha Soomaaliyeed oo idil. Haddii ay tillaabadaan dhaqan gasho oo uu dhismo qoys ka kooban wiil iyo gabar ka soo kala jeeda beelaha dulman iyo kuwa gaboodfalka sameeyey, waxaa hubanti ah in ubadka iyo jiilka cusub ee ka dhasha ay noqonayaan kuwo ka fayow caadooyinkaas foosha xun ee saameynta ballaaran ku yeeshay xitaa horumarka bulshadeenna.
Maxaa Ragyahoow idiin diidaya inaad guursataan dumarka beelahooda dulman yihiin ee loo geysto gabbood falyada lidka ku ah shareecada islaamka, iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga? Miyaadan ogeynina inay yihiin dumar nadiif ah, hawlkar iyo daacadba ah. waa kuwo nadiif ah, walaalihiin ah, isku dhaqan iyo diinna aad tihiin. Waa kuwo ka soo jeeda isirka beelo lagu yaqaan shaqooyin iyo xirfado mujtamaca faa’iido u leh, kuwaas oo dheefsada dhididka waxa ay shaqeystaan.
Miyaaney ayaan darro ahayn in la diido guursiga dumar ka soo jeeda bulshooyin shaqo iyo howlkarnimo ku caan baxay? Maxaa loo quursanayaa dumar aan wax iin ah lahayn? Miyaadan ogeynina in kuwa diidaya guursiga dumarkaas aysan jirin wax qiil ah oo ay u hayaan arrintaas.
Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beelaha xaqira kuwa dulman, waxaa la gudboon inay u sara istaagaan inay bulshada ku baraarujiyaan ka gudubka caadooyinkaas foosha xun, waxaana habboon in culimadu xarigga ka jaraan xayiraaddaas xagga guurka ah ee saaran dumarkaas, oo ay horsed ka noqdaan guursigooda, si mujtamaca intiisa kale ay ugu daydaan, waana inay shacabka fahamsiiyaan in caadadaas ay tahay mid aan wax raad ah ku lahayd shareecada islaamka.
Haddiise ay culimadu ka gaabsato inay arrintaan wax ka qabtaan, waxaa dhici doonta in maalinta qiyaame uu Alle kula xisaabtami doono sida ay uga aamuseen takoorka lagula kacay mujtamac xalaal ah, muslim-na ah, taas oo ay dhici karto inay ku mutaan cadaab weyn oo xagga Rabbi uga timaada.
Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Soomaaliyeed oo dhan gudaha iyo dibaddaba inay u sara istaagaan olole ballaaran oo xayiraadda iyo takoorka xagga guurka ah looga qaadayo dumarka beelaha dolman, taas oo aan hubo in lagu guuleysan karo haddii si dhab ah loo wada wajaho.

Maxamed Muxiyaddiin Cali
Tifaftiraha Wargeyska Panorama
mmneero@yahoo.com.au

Readers Comments

  1. Hassan Horri says:

    Waxaan qabaa halka Somaalida laga haystaa inay tahay yesidda dadka walaalahood ah. Waxa Rasuulka Allah (NNKH) laga sheegay inuu yidhi “Yuhuud waxay u dhaleecoobeen markii ay xalaashadeen waxii Allah ka reebay, isla markaana xaarantimeeyeen waxii Allah u xalaaleeyey.”
    Markaa maxaan Yuhuud kaga duwan nahay haddii walasheen oo aan diin, dhaqan iyo dirba wadaagno aan xaaraan ka dhignay, isla markaana gaal cad ku faanaeyno inuu inna la xididay?

  2. Fathi says:

    Waa Run waa arin wanagsan arintaas, waana waxyaabaha Somalida loo rogey ka mida; aanu u wada istaagno.

  3. kayse says:

    Walaah waa wax aad looga murugoodo dhibaatada haysata dadka la xaqiraayo ee muslimka ah ee soomaalida ah ee aanan garanayn ama anan wax jawaab ah u helinka marka aan is waydiiyo sababta ama cadaada dadkaa loo hayo iyo xiliga ay bilaabantay waxaan leeyahay ilaahay xaqa ha ina waafajiyo




Kadhex Raadi waxaad dooni