Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010
Gabay ku saabsan xaaladda Soomaaliya
Salaan qiimi badan ka dib, waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa qoraal gabay ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Gabaygu wuxuu tilmaamayaa in in waxa lagu kala haro ama lagu hormaro aysan ahayn haybta, balse ay yihiin dadnimada qofka iyo dareenkiisa.
Haduu qoom haraatiyo jahligu wuu habaabaaye
Hebellada la liidaayo iyo hayb la sooc-sooco
Huuhaada ay qaar wadaan waa huf iyo beene
Inta aan walaalkeen hiliba hunuf ku sheegayno
Amaan haragga kii noo sanceyn kibir huruufeyno
Oo aan hargaantiga nacdali aan waxba halleynin
Maantaan halbeeggii helnoon kala haraynaaye
Heeryada gumeysiga kan raboo hibishle hoostiisa
Iyo kii halgaad kala hortagaa la hubsan doonaaye.
Waxaan rajeynayaa inaad soo daabici doontaan qoraalkaan.
Inj. Maxamed C. Cibaar