Faafin: Dulmane.com: 18 January, 2010
DULMI-DIID
Cali Maxamuud Xiirane
London, UK
Tixdan maansada ah waxaa curiyey Cali Maxamuud Xiirane oo ku nool magaalada London ee carriga ingiriiska, waxayna ku soo biirtay taxanaha Doodwanaag 11/9/2004, Waana maansadii 19aad ee silsiladda Doodwanaag.
Ujeeddo:Maansadu waxay qeexeysaa in addoomaha ilaahay oo idil ay hal aabbo oo Aadan ah (C.S.) ka soo farcameen, sidaa awgeed aysan waxba is dheereyn xagga abtirsiga. gaar ahaan waxay sii tilmaamaysaa in Ummadda la yiraahdo Soomaalida ee ku nool Afrikada bari ay wadaagaan wax badan oo wanaag ah oo uu eebbe ku mannaystay. Isla markaana ay haystaan dhul muhiim ah oo aad u nacfi badan.
Intaa kadib maansadu iyadoo ka duulaysa ujeeddada guud ee silsiladda Doodwanaag oo ah in looga doodo si miyir qab ah dhibaatooyinka jira iyo waxyaabihii sababay, isla markaana xalka la baadi goobo, ayay maansadu si aad ah ugu dheeraatay qodob aad u muhiim ah oo uu hal-abuurku u arko inuu ka mid yahay arrimaha sababay musiibada maanta ummadda ku habsatay.
Arrinkan uu curiyuhu ka hadlayo oo ah Dulmiga soo jireenka ah ee takoorka iyo waliba ku tumashada xuquuqda kan tabarta yar, ayuu aad ugu dhaliilayaa bulshada oo uu u arko in aysan taasi qaldantahay, waayo waxa isaga dhex yaacay wixii samaa iyo wixii xumaa!!. Curiyuhu wuxuu is barbardhigayaa dhowr tusaale oo ah arrimo ay bulshadu ka faanto in lagu faanase mudan, isagoo sidoo kale xusaya dhaqammo ay bulshadu ku faanto, oo dhab ahaan in laga faano mudan.
Ugu dambayntii wuxuu Cali ummadda ugu baaqayaa in ay degdeg uga towbad keenaan qaladaadkaa soo jireenka ah ee ay jaahilnimadu keentay ayna raalli galin ka dhiibaan dulmiga aanay mudnayn ee ay muddada aadka u dheer walaalahood la daba joogeen. Sidoo kalena isagoo ka codsaday dulmaneyaasha cafis iyo inay la yimaadaan samir iyo dulqaad badan taasoo rabbi ka abaal marin doono, kana digtoonaadaan dabinnada uu cadawgu maleegi karo isagoo ka faa’iideysanaya arrintaan haybsooca ah iskana dhigaya mid u danaynaya dadkaan ayaga ah, laakiin danihiisa u duul ah.
Dadkoo laysku wada daray Ilaah darajo siiyoow Duqii aadan baa dhalay Waxan nahay durriyadiis Markaan taas ka soo dego Duulkeenan Soomaal Dirka ummad quraan nahay Afrikaan degaankana Docda bari ku naallaa Daa’ in baa ku mahadloo Nimco badan ku duugoo Dalku waana dihanyahay Waana daakhil weynyahay Duunyo waa ka buuxdaa Dahab waa dhex yaallaa Nimcaa laga durduurtaa.
Diin quroon rumeyniyo Doodda hadalka keenniyo Diirkaan ka simannahay Dad walaalahaan nahay Ninkii dood ka keenana Waa dan iyo xeeshiis Isagiyo dadnimadiis!!.
Dhanka kale haddaan dayo Arrin baanan iga dagin Madaxayga dawakhiyay Doodduna waxay tahay Haddaan diir wadaagnoon Nahay duul is dhalayoo Dariiqii rasuulkiyo Islaannimo ku daahira Maxaa laysku dilayaa? Maxaa duhur dharaareed Dumar loo kufsanayaa? Culimada da'wayntaa Maxaa loo daldalayaa? Digsiyada bukaannada maxaa loo dafaayaa? Maxaa dooxitaan iyo Dagaalada na badayoon Nabaddii u diidnoo Samihiina naga dedey? Dandarriyo Musiibadan Horta yaa dalbadayoo Fitno deeq ka dhigayoo Sharta soo dageey yiri?!
Goortaan daraasiyo Daalacasho aadeen Diiwaanno waaweyn Sadarradood dul joogsaday Dagaal oogeyaashiyo Shisheeyaha dagaaggoo Danahood u duulka ah Wixii noo darraa iyo Halka naga dalooshee Daad nooga soo galay Doodwanaag bahdeedii Duruustii ay bixiyeen Shay laga il duufoo Halistiisu darantahay Oon laga digtoonayn Dadku badi u moogyahay Oo qoowmkan dummiyoo Dam ka siiyay baa jira !!!
Anigoo daldalan iyo Aan jeclayn darooryiga Daabacan labaadeen Doodwanaag ku soo daray Waxaan uga danleeyahay Miinada la duugiyo Daratada fideysiyo Cudur naga dahaarnaa Inaan daah ka rogo oo Si bal daawo loo helo Nabarkii an dooxoon Wixii dagay ka daadshoon Maddiil uga dillaacshaa .
Haddaan dulucda maansada Ujeeddada u daadego Dulmiyada dhexdeenniyo Cudur dabakaruubiyo Wax dabiib ka raagoo Ciqaabteedu darantoo Nagu daahay baa jira!!
Haddaan sii durkiyo oon Doodda hoos u sii galo Kuu qabiil derderey iyo Mid qabkiisu dummiyiyo Duf ku bexe halkiisee Dammiin kaan ahaynoo Daki garashadiis loo Xaqa aan ka dudinoo Dulmi aan u dhalannoow Su'aalahan ku soo durug.
Ninka daawad dhicid iyo Ducufadoo la baadiyo Dadqalnimo ku faanoo Dulmigaba ka taajira Oo gacal ku duul iyo Didso geel agoon iyo Daydaynimo ku nool iyo Midka qaanso daaco leh Diirdiir ordaayiyo Dabataagtii cawshiyo Deerada ku baacshee Xalaashiisa doontee Duurjoogta daaqdiyo Bahallada la deriskeen Isagoon dad soo dhicin Sagaarada dabaayee Dubta hilib ugaareed Horto darajo yaa mudan Oon dirac ku sheegnaa?!.
Dabbaalnimadu waa shile Kuu dadkiisu doortoo Dallacoo xil qaadoo Damaciisu waaloo Dakhligii miskiinkiyo Dhigaalkii dantii guud Qasnad gaar u duwayoo Dibadaha wax gaystoo Daar wayn ka jeexdoo Dibbirada calooshooy Xaaraantu diishiyo Dibi madaxi yeeshoo Isagoo duddumo la eg Meelaha dalqamayoo In mar kale la duubiyo Inuu dallaco sii raba Iyo tacbade diirrane Webiyada degtoodiyo Duurkaa ku nooloo Daabtay yaambadiisoo Dhididkiisu da’ayoo Digirtiyo gallaydiyo Khudradaha la diirtiyo Dalaggiisa beertoo Gaadiid dameeriyo Digaag xoolo haystoo Digdigtaan la wado iyo Aan colaadba daakhilin Degannadana quudiya Horto darajo yaa mudan Oon dirac ku sheegnaa?!.
Daalimkiyo afmiishaar Dayuuskaan xishoonee U adeega duul kale Oo dhaqanka diintiyo Inaan nabad ku daaqniyo Wax kastoo inoo dana Wanaaggeenna diidee Colaaddoonan damin iyo Wixii dabargo'eenna ah Saxiixyada ku duugoo Doolarkaan suntaa iyo Dabbaabbaad la yiri hoo Daarihii bilnaa iyo Dugsiyadii aqoontiyo Dhulkaagii ku soo dumi Iyo midka dabaashee Subax diiq markuu ciyay Dambiishiisa qaatee Dooni horay u raacee Shabakadaha daadshee Kalluun dufan macaanoo Dawadiisu badantahay Qubo soo daldalayiyo Mallaay dibadda loo diro Mowjadana dibrinayaan Horto darajo yaa mudan Oon dirac ku sheegnaa?!
Inkastoon damqanayoon Dibnihii cantuuggoo Dareen culus i saaqoo Ilmo dimbiq i leedahay Wali dooddi kama bixin Halkii ii darnayd iyo Doogtii kamaan hadal Dulucdaydu waa wali Aanna sii durduriyee Kuu qabiil derderey iyo Mid qabkiisu dummiyiyo Duf ku bexe halkiisee Dammiin kaan ahaynoo Daki garashadiis loo Dulmi aan u dhalannoow Su'aalahan ku soo durug.
Jaqafyada duqooboo Ay daxashu fuushiyo Ninkii daasad uu helay Daash weyn u waabtee Damalluu u shiday iyo Dab ku soo dhalaalshee Ku garaacay dubbahoo Dowladdoon ku caawinin Dadka baahidoodii Qalabkii dagaalkiyo Digsiyiyo suxuun iyo U diyaarshay maacuun Dalka soow wax uma qaban Mise waa la weel duwi Dambi buu kasbadayoo Hoos baaba loo dayi?
Isagoon dakane iyo Dulmi looga yaabayn Daqosh kii samaystee Iimaanku deeqee Dadaal lagu ammaaniyo Kartidiis dugsanayee Farsamadii dalleeyee Wax kastaba dabbarayee Wixii naga dillaaciyo Dacaskiyo kabaha tola Dalka soow wax uma qaban Mise waa la weel duwi Dambi buu kasbadayoo Hoos baaba loo dayi?!
Haddii aan dubkeenniyo Degelkaan ku noolniyo Diintoon wadaagniyo Danwadaagba aan nahay Hadba dumarka tuu rabo Ama damac ka soo galo Haddii aanay diidayn Isna anshax la duro iyo Ceeb uu ka daahiray Dayacayn salaaddoo Diintiisu wacantahay Derisnimo u dheertahay Dadabgalid markay tahay Dermo golaha ay taal Waayeel la soo dumo Laga doono ehelkeed Maxaa loogu diidaa? Sheekada dellegan iyo War daciyo khurraafaad Maxaa loo daldalayaa?!.
Inkastoon damqanayoon Dibnihii cantuuggoo Dareen culus i saaqoo Ilmo dibiq i leedahay Wali dooddi kama bixin Halkii ii darnayd iyo Doogtii kamaan hadal Dulucdaydu waa wali.
Duqoowdiyo waxgaradkiyo Aqoonyahan da’ wayn iyo Doorkii abwaankiyo Culimada dikrida oo Daalacday qur’aankoo Axaadiista daba gala Iyo ruux damiirloow Jawaabteeda doonoo "U darnoow walaalkaa" Maxaa loo daliishaday?!
Waxaan taa ku darayaa Beeni way ku dilataa Waa lagu dambaabaa Dabka naartey kugu ridi Daacaddaan hungoobeyn Runta yaan la dabamarin Caado yaan la doorbidin Xaqa yaan la duudsiyin!.
Haddey dhego daloolaan Qalbi naga dahaarneyn Caqliguna daboolneyn Aayadaha la diideyn Dagaallada sokeeyiyo Cudurradan na daashaday Duufaannadaan kacay Abaaraha dalkii rogay Darbiyada na kala xiray Bulshadaa la kala diray Tuugannimo la doorbiday Xirfadaha dib loo dhigay Waxa loogu dowgalay Aqoon darrida diintiyo Jaahilnimo duqoowdiyo Balaayo aan dagaynoo Dusha nooga raran wali!.
Waxaan uga dan leeyahay Nabsi waa ma daaloo Hadduu sida diyaarado Daqiiqado yimaadoo Dhaqso soo degdego iyo Diiddiin siduu wado Hadduu soo yar daahaba Mar buu soo degaayoo Deegta kaa koraayoo Dacay kaa lulaayoo Ku dabraa sidii awr!
Walaalaan dulleynoo Kibir lagu duqeeyoo Tookh lala dul joogoo Durkinnoon takoornee! Miyaan dacarta loo degin? Miyaan daannadeedii La durduuran maantaba?
Waxaa kuu daliil cada Dacda waanagaa naal Dalkeennii colaadiyo Abaaraa is dabayaal Waa taa ka daaf iyo Daraf duunyo eber tahay Waa taa an diihaal Darxumada ku sugannahay Waanagaa dagaagnoo Dibadaha u yaacnoo Dawarsiga ku wada nool!.
Meel dulmi ka dhacayoo dhiig islaam ku daataan Dambar laga dhameynoon Laga doogsaneeynine Dowladimadii waa taa Daafida la dhaafsaday Waa kaas danaha guud Dabadhilifku maamulo Waa taa daciifnimo Daafac aan la kari karin Waa taa aan dammane iyo Wada nahay ka sii daran Waa taa aan duggaaggiyo Cadowgeen u daggannahay!!
Talo waa tan duushoo Heshiiskii la dabarjaray!. Waa tan duubabkeennii Doqomadu ay laayaan Dallaal aniga ii noqo Lagu dilo nin-doorkii Inay doodda celiyaan Waa tan laga daboolaba Kii nabad daneeyaa Xabsiyada u daadego Waa taa Diktoorkii Damiin uu waxbarayaa Waa taa ducaaddii Dibjirradu ay gowrici Duuflaalka waa kaa Dadkeennii muteysteen!!
Dalkxiiskeennii waa kaa Duggaafadaha loo rogay Darbijiif dhallaan yara Dugaag uu ku cunayaa Waakaa dukaamadi Lagu gado daroogada!
Doofaarka waa kaa Qaar daanka galiyeen Dumarkeenni badidood Dhaqankii ay duubeen Waa taa rag diracyo leh Qaar dhegaha loo duray Dariiqaan istaagnaba Waa tan nalagu diimoo Qaar nagu digtaanoo Qaxootigii didaayiyo Diiratadii gunta ahayd Duqsiyadii ku caan nahay!!
Soomaali dayaceey Walaakeed ku diraneey Cadowgeed u dabaceey Inkastuu dix-dhagaxeed Ilaah janno dabaalsii Kugu sheegay doorkii Oon murtidu kugu duxin Hadal lama dul fuulee War hooy maan idiin digo!
Daabbadda sabayseed Tubantiin dusheediyo Doontaad la socotaan Way sii dagaysaa Haddaan laga digtoonaan Oon xummaanta duuggaa Duco iyo run sheeg iyo Lagu doorin toowbada
Darbigiyo alwaaxyada Midka daab u haystiyo Kan daloolinaayiyo Midka gaas ku daadshiyo Kii taraq ku daariyo Kan shiraaca duubtiyo Midka dakhalka jebin raba Haddaan ciidan loo dumin!.
Hirar dabaq ka wayniyo Markay halistu darantahay Iska daba wareeg iyo Ina doowdar baan ahay Anaa doolli dili jiray Damdamtaan naqaanniyo Anigaa dumminayee Dhinacayga ii daa Haddaan laga dallicinoo Aan geesi daacadoo Dersi kara amuuraha Aan darawal laga dhigin!.
Haddaan dhallin diyaariyo Ikhyaar naga duceystaa Nafta deeq ku bixinoo Degellada kuweenna ah Daafac loo adkaynoo Inuu cadowgu daakhilo Nagu falo dayuusnimo Diidnay aanay dhihinoo Degin meel dhufaysoo Aanay doonan geerida!.
Indheergarad damqanayaa Haddaanay kala dambayntii Sharci diin ku dhisan iyo Wax maatida daryeeloo Ay ku doogsadaan iyo Qorshe soo dejininoon Shacabkuna la daadihin Wallee waan degeynaa Waana dayro gabonnimo !!
Dulmi soo jireeniyo Wixii daqalka naga riday Duriddiyo xadgudubkiyo Daaquudka koray iyo Diimahaan la garanayn Haddaan daawo loo helin!.
Durriyaddaan dhalayniyo Da'da soo koraysaba Dugsiyada haddii aan Is daryeelka lagu barin Lagana deyrin quursiga Wallee waan dagaynaa Waana dayro gobannimo!!
Intaas waa digniin iyo Dareenkii i saaqiyo Damqashada xanuunkii Suugaanta ii diray Kana daali maayee Aan sooba duubee Dulmanoow walaaloow Daahir waxan ku leeyahay:
Dahabka iyo luulkiyo Dheemanka la daawado Waxa maal dunida yaal Haddii layku soo daro Dirhamkuba ma goyn karo Wax lagugu daweeyoo Daqarradi ku gaariyo Dambigii lagaa galay Diiwaanno buuxshoo Daliil looma heli karo Wixii lagugu dayrshee Xal sideen u doonnaa?!
Dafiraad ma fiicnee Shalay iyo dorraataba Bulshadaan dayacantaa Adigaa dabbarayoo Dadaalkii farsamadiyo Dushaadeey ku huruddee Adigaa dulqaadkiyo Ka yaqaan dariiqee Hadday maanta dagantahay Daruurtaan tagnaa iyo Dusha saraan laleynaa Maroodigii dulweyniyo Dafo xoog leh baan nahay Haddii daaf ay noqotoon Bilaash doobbintii jirin!.
Digdigtii iyo faankii Hadduu Gabbalkood dumayoo Qabiilkey dugsanayeen Durba qaar inkirayoo Kuwii shalay la duri jiray Maanta laysku dilayoo Dacwo laysku dhiiboo Misna laysu diidaba!.
Wax laguu darraadaba Dalaafkii hadduu yimid Hadday dani run sheegtoo Dayrkaa la tubanyahay Inaad daadahaysood Deggenaan faraysood Sii daryeesho mooyee Daa'im inu ku saacido Waa ehel dambaabee Ha ku dayan walaaloow!!.
Waxa iga dardaarana Dirediraha baasiyo Dulmiloow shisheeyiyo
Mid necbaan la duufiyo Cadow kuu dahsoon iyo Dillaallada ka dheeroow Dayaxaa iftiimiyo Dhaqankaagi diintiyo Daawgii rasuulkiyo (SCW) Dugso samirka waligaa Kalsoonida ha sii dayn Walaal waa la doogiye Dhaqso yaan la dacaroon Yey degdegi wax kuu dhimin Dayrna waan sugaynaa Uu khayrku da'o iyo Gugoo noo darooroo Insha-Allaahu doorkaan Dambarsane ayaa curan Inta samaha doontoo Ka damqaday dhibkaagoo Kula duuban baa badan!
Daahiroow walaaloow Ma daalaha wax garadkiyo Culimada ducaaddiyo Doorkii abwaankaa Dareen kula wadaagoo Ergo daacadaad heli Rag ka diiray xumihiyo Ciidan dirirayaa jira Iyagoo dirays qaba Waxa ay dalbanayaan Dibindaabyadii hore Diyadaad lahayd iyo In daynkii laguu gudo Xaal laguugu sii daro Dallacaad laguu qoro Damaashaad la wada galo Oo laguu dabbaaldego!.
Waxan dooddi uga baxay Dulmi kii u haystoo Diintiisa jecel bay Ducadiis ajiibtee In cuqdaddii ay duushoo Ay shiddo dareertoo Dadku miyirsadaanoo Iftiin uu u daarmaa Dar ilaah widaayoow Duco caama noo mari Aamiinna igu daa!! _________________________
Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
London, UK